Sign in to follow this  
Maaddeey

Universal TV broadcasts cartoons depicting the Prophet

Recommended Posts

NGONGE   

^^ LG, in that case I absolve you of all you have said in the past and shall say in the future. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Nuune ilaahey ima tuso abaay kutubee oo 90 jir ah oo wili tirtiroo sugeyso... najeynaaaaa!!!!

 

 

lol@Ngonge

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Kutubeey faraha ka qaad camal, see waaye, hakaa qaraabatee,

 

 

Layzie, adiga waa is kaseenaa, Gospel of Mark aa liqdey adoo yar :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Maaddeey:

Ngone, waan kuu soo laabanaa!! ma waxaad keentay inaad igu shaacireysato? tii Xasan Dahir baan kaa cafiyey, Adaalle Aadaa!
;)

War I was joking, xamaasada yaanay ku qaadin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ smile.gif Lakin, ma kala taqaannaa in aan ka hadlay Xukumka Universal TV guud ahaan & Weriyaha South Africa gaar ahaan regarding this incident?, hadalkeygase wuxuu ku wajahanyahay ma fahantay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Xisbul Islaam oo amar ku bixiyay in la xiro xafiisyada TV-ga Universal.

 

Muqdisho: (Sh.M.Network) Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa maanta amar ku bixiyay in la xiro dhamaan xafiisyada TV-ga Universal uu ku leeyahay dalka Soomaaliya kadib markii TV-gaasi uu baahiyay war wax looga sheegayay Nabigeena Muxamed NNKH.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo maanta Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ururka Xisbul Islaam ay si aad ah u cambaareenayaan kana xunyihiin War Muuqaal ah oo wax looga sheegayo Nabigeena Muxamed NNKH kaa oo habeen ka hor laga sii daayay TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal.

 

Macalin Xaashi Maxamed Faarax waxa uu amar ku bixiyay in maanta wixii ka dambeeya Xafiisyada TV-gaasi uu ku leeyahay Soomaaliya albaabada la isugu dhufto islamarkaana xafiiskii fulin waaya amarkaasi ay talaabo ka qaadi doonaan isagoo tilmamay in Ururka Xisbul Islaam ay ku suganyihiin meel kasta oo kamid ah Aduunka ayna macquul tahay in Islaamiyiinta Soomaaliya ay isqarxin u adeegsadaan Xafiisyada Soomaaliya uu ku leeyahay TV-gaasi ee ka dhago adeega amarka ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam.

 

Hogaamiyaha gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macalin Xaashi Maxamed Faaax waxa uu fariin waano u muuqatay u diray Milkiilaha iyo Maamulka TV-ga Universal isagoo wacad ku maray in talaabo ay ka qaadi doonaan Wariyihii u soo diray TV-ga Universal warka lagu aflagaadeenayay Nabi Muxamed NNKH, waxaana uu sidoo kale digniin hanjabaad ah u diray wariyihii Soomaaliya war uga diraa TV-ga Universal ilaa amar dambe.

 

“Waxaan rabnaa in aan halkaan fariin uga dirno Milkiilaha TV-ga iyo Agaasimayaasha iyo tifaftirayaasha TV-gaasi, waxaana faraynaa in ay ka towbadkeenaan aflagaadadii Taleefashinka laga soo jeediyay, runtii TV-gaasi waxa uu ahaa TV aan aad u jecelnahay marka waxa uu sii daayay ma ahan mid uu ku sii shaqeyn karo ilaa towbad keen dhab ah laga helo kadib ayuu sii shaqeyn doonaa, Wariyihii Soomaaliya war uga diraana waxa uu la mid yahay Gaalkii weynaa ee Nabiga wax ka sheegay sida gurigiisa loogu weeraray ayaana u weerari doonaa”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka banaadir ee Xisbul Islaam.

 

Warkani ka soo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Ururka Xibul Islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax ayaa waxa uu daba socdaa war shalay ka soo baxay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere kaasi oo ku adanaa in ay jareen xiriirkii kala dhaxeeyay TV-ga Universal kadib markii uu baaahinyay TV-gaasi war dad badan oo Muslimiin ah ay ka caroodeen inkastoo Maamulka TV-ga Universal uu raali galin ka bixiyay warkaasi.

---

 

 

Now how can these Khawaarij justify suicide?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Originally posted by Haatu:

Stop copying Ngonge and answer the question. How can
you lot
justify suicide?

You are literally calling ppl the dogs of hell and you want them to you an explaination.Suiju Waxid! :D

 

ps. I say XI took the wrong action. Sometimes, I get the feeling that they compete with the other Islamist group and they always want to take a harsher stance than them. :D If the Universal TV did this action by mistake and they fully apologised, then they should low it, as they say.Secondly, hundreds of ppl who weren't responsible will lose their jobs. We need Xikmah, guys. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

TV-ga Universal oo cudurdaar rasmi ah ka bixiyay Sawir gacmeedyadii uu faafiyay

By Somalimirror on 2 Jun, 2010 7:42 PM in Main, Wararka

 

Tv-a ku hadla Afka Soomaaliga ee Universal fadhigiisuna yahay Dalka Ingiriiska ayaa ka cudur daatay Sawir gacmeedyo wax looga sheegayay Nabigeena suuban ee Muxmamad ah CSW.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Tv-ga Universal nuqul ka mid ahina uu soo gaadhay Somalimirror ayay ku sheegeen in ay ka cudur daaranayaan kana towbad keeneen gafkii ka dhacay

 

CUDUR DAAR

 

Wuxuu Maamulka Universal TV si aan xad lahayn uga cudur daaranayaa sawirka lagu caayay NABIGEENII SUUBANAA (Nabad galyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) oo si aan lagu baraarugin oo GAF ah uga soo baxay Shaashadda TV-ga Universal 29/05/10 qaybtiisa Wararka.

 

TV-ga Universal oo inuu Nabiga u khidmeeyo maahee aysan suurto gal ka ahayn in uu ka mid noqdo saxaafadda shaqada ka dhigatay inay Nabi Maxamed (SCW) wax ka sheegaan -waxna uma dhimi karaane iyagaa is daalinaya, halaagna shaqaysanaya.

 

Maamulku wuxuu marka hore Allah uga Tawbad keenayaa gaabiska xagga Koontoroolka ah ee ay ahayd in lagu baraarugo intii aan la sii dayn warka wariyuhu soo diray ee Sawiradu ku jireen, Waloow qasadka wariyuhu uu ahaa difaacidda Nabiga (SCW)

 

Anagaa ugu horayna DIFAACIDDA NABIGEENA suuban (SCW). Waxaanan ku dadaaleynaa in aysan arintaan oo kale dib danbe uga dhici doonin TV-ga Universal insha Allah.

 

Waxaan u mahad celinaynaa dhamaan walaalaha sida qiiradu ku jirto noogu baraarujiyay gafka sida khaldan nooga dhacay iyagoo ka soo baxay xaqii walaaltinimada ee aan ku lahayn.

 

Allah ha na waafajiyo raacidda iyo u khidmaynta Nabigeena Naxariistii Alle korkiisa ha ahaatee.

 

Maamulaha TV-ga Universal.

Axmed Abubakar.

Email:

website:

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Silly Universal TV. They thought Shabaab leaders don't watch TV. Rumour has it, some of the top guys have red eyes because they don't blink when that "wiggle it" greetings show is on - especially when that cutie is hosting it. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this