Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland admas university graduation Pics

Recommended Posts

Dufacadii Labaad Ee Kaqalinjabisa Jaamacada Admas Oo Maanta Munaasibad Balaadhan loo Qabtey iyo weedhihii Masuuliyiintii kaqayb gashey

 

 

 

SDWO (Hargeisa 19/09/2010) Xafladda qalinjabinta ee Jaamacadda Admas University College oo lagu qabtay Hotelka Maans-soor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxweynah guud ee Jaamacadaha Admas Mr Molla Isegay oo fadhigisiiu yahay magaalada Addis Ababa, Axmed Daahir [Cadnaan], Professor Ixsaan Cumar oo ah madaxweynah Xafiiska Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, maamulka hoose iyo macalimiinta ee Jaamacadda Admas, Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Sam-Sam Cabdi Aadam,Wasiirka Arimaha Dibadda Professor Maxamed Cadullaahi Cumar, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Axmed Xaashi Oday, wasiirka Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, gudoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Aadam Mire Waqaf, Siciid Maxamed Siciid [Dahabshiil], waalidiin iyo marti sharaf kale.

 

 

Ugu horayn furitaankii xafladdaasi waxa ka hadlay Professor Ixsaan Axmed Cumar, kaas oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ardayda maanta qalinjabinaysa, kuwaas oo muddo saddex sanadood ah soo baranayey culuumta kala duwan ee Kuliyadaha Jaamacadda Admas iyo inay ku najaxeen dadaalkoodi farahabadnaa ee ay usoo mareen.

 

 

Waxaa isna halkkaa ka hadlay Madxaweynaha guud ee Jaamacadda Admas Mr. Molla Isegay waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay inay maanta Dufcaddii 2aad ka qalinjabibanayaan Jaamacadda Admas qaybteeda Hargeysa, waxaanu intaasi ku daray inay sii wadayaa ka Admas ahaan hormarinta qaybaha kaladuwan ee waxbarashada Jaamacadda Admas gaar ahaan qaybteeda magaalada Hargeysa.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan c/laahi Ismaaciil Sayslici “Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan ardayda halkan qalinjabisay waalidiintii muddada dheer ku soo tabcaysay ee naf iyo maalba u huray, jaamacada admas oo horumar intaa leeg keentay hambalyo iyo salaam ayaan u dirayaa, intaa ka dib waxa aan u ducaynayaa dhalinyartaa quruxda badan ee dedaalkaa muujisay ee maanta ku guulaystay inay jaamacada ka baxaan, waxaan ugu ducaynayaa in illaahay uu ka dhigo kuwo dalkooda iyo diintooda anfaca, waalidiintii tabcadayna wax u tara. Runtii waa aynu ognahay aqoontu qiimaha ay leedahay nabigu (CSW) waxa uu yidhi “cilmi doonto siina ha ahaatee), macnihii meesha adduunka ugu dambaysa cilmi u doonto siina ha ahaatee.

 

 

Waxa maanta ii farxad ah iina sharaf ah intii la ii dootay madaxweyne ku xigeenka in qalinjabintii koowaad aan ka qayb galo oo ay noqoto admas ayaa ii sharaf ah.

 

Ka dawladd ahaan in badan ayay Somaliland nabad ku soo caano maalaysay Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nabad iyo caano qoladii hore haday nabad uun ku joogtay anaguna waxa aanu rabnaa in aanu ku daraynaa caanihii, hadaan nabadi caano lahayn nabadi ma soconayso, waa in caano lagu daraa sababtu waxa weeyaan, nabadu waxa ay u baahan tahay in cadaalad loo sameeyo, in ummadda shaqo loo abuuro si nabadii seeskeedu u adkaado, markaa anagu waxa aanu ku talo jirnaa haddii aanu dawladda cusub nahay in shaqo abuur samayno, in khayraadka dalka si cadaalad ah dadka loogu sooro in aqoontiinaasi mid waliba ku meel maro oo aan lagu kala saraynin kanaa ina wasiir ah iyo kanaa ina xildhibaan ah, markaan in aad aqoontiinaa ku tartantaan ayaan idiin balan qaadaynaa, waxaanu xoojinaynaa si shaqo abuurkaasi loo helo private sector-ka ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanaanu ku talo jirnaa in la tayeeyo, jaamacadihii runtii waxa aad moodaa in la wada furtay, laakiinse tayadii ayaa maanta loo baahan yahay, dawladduna waxa ay ku talo jirtaa inay tayayso.

 

Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa dawladda Itoobiya oo iskaashigeenii uu gaadhay heer ay cilmigoodii inoo soo gudbiyaan oo ay wax inaga taraan”.

 

Waxa kale oo iyana halkaasi hadal hambalyo iyo dardaaran ah ka soo jeedisay Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee somaliland Marwo Sam-Sam Cabdi Aadan waxaana hadalkeeda ka mid ahaa Samsam cabdi aadan wasiirka waxbarashada “Farxad weyn ayay tahay maanta intaas oo arday oo u qalinjabisay somaliland oo aynu halkan kaga qayb galayno farxadaa qalinjabinta iyo waalidiintoodii oo aan maanta garanayo dareenkooda oo aad u faraxsan waxaan leeyahay Mabruuk, insha allaah waxa aydun noqon doontaan kuwo anfaca wadankooda, waxbarashadaa aad barateen ay noqoto mid somalialnd waxtar u leh, wixii kordhisanayana warbarshadana insha allaa waxa ay noqon doontaa wax ku jaango’an horumarka somalialnd waxa aan leeyahay idinka oo soo dedaalay oo muddo waxbranayey oo aan garan karo intii aad soo jeedeen oo aad wax akhrisanayseen, maanta ayaad midhaheedii guranaysaan ilaahayna ha idinka dhigo kuwo waalidiintood iyo wadankooduba ay ka faa’idaystaan, waxaan hambalyo u dirayaa waalidiinta caruurtooda hareeraha galay ee intaa u dulqaatay inay waxbartaan, waxa kale oo aan madaxda somaliland oo kuwii hore kuwa maanta jooga oo aan u kala hadhin inay dareenkooda kala qayb galaan”

 

Sidoo kale halkaasi waxa ka hadlay madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland mudane Axmed yuusuf yaasiin, kaas ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in aan waxbarashadu dhamaan ee ay halkaasi ka siii wadaan, waxaan hadalkiisa ka mid aha oo uu yidhi “Maanta waa maalin weyn, waa maalin weyn oo aynu xusayno oo aynu hambalyaynayno ubaxeenii mustaqbalka, waxaan leeyahay hambalyo, waxa aan idiin sheegayaa in aan tacliintu halkaa ku dhamaan first degree waxa loo baahan yahay second degree, inanku ama inantu marka ay second degree qaato isagaa loo baahan yahay, isagay ummadu u baahan tahay isagaa shaqo abuuraaya, taasi waa taa hambalyaan idin leeyahay, illaahayna mustaqbalkiina haka dhigo kii idin anfaca, waxaan doonayaa inaan halkan kalmad ummaddeena daalisay aan ka idhaa kalmada (Mucaarid), arinugu hore waan u diidanaa kalmada Mucaarid, waxaanan u bixiyey Toosiyeyaasha Qaranka”

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Shirkadda SOMTEL Siciid Maxamed Siciid waxaanu ka waramay mawqifka shirkadaha SOMTEL iyo Dahabshiil ee kuwajahan waxbarashada dalka iyo kalaintooda ay ka qaataan taakuleynta Jaamacadaha dalka iyo guud ahaamba barnaamijka waxbarashada.waxaanu sheegay inay sii wadayaan ka shirkad ahaan is garab taagga Jaamacadaha dalka iyaga oo ka gyesanaya habsami usocodka dariiqa waxbarashadooda.

 

Mr Siciid waxa uu intaa ku daray inay shrikadoodooda SOMTEL shaqaalaysiinayaan 4-tii Arday ee ugu sareysay kaalmaga Imtixaankii guud ee Jaamacadda Admas,isaga oo intaa ku daray inay Shirkadda SOMTEL 1000$ abaalmarin u siinayso Ardaygii ugu sareeyey dhibcihii imtixaanka

DSC07215.JPG

 

DSC07197.JPG

DSC07115.JPG

DSC07145.JPG

DSC07175.JPG

 

DSC07282.JPG

Axmed Maxamed Shaqalle

Sdwo News Desk

Hargeysa Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by The Zack:

Did they teach them Amharic, too?

Admas is an Ethiopian college.

Adigu dhib badnidaa yaa ZACK :D bal Maashaa Allaah dheh muraadkooda Ilaah ha sahlo

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Congratz to the graduates.

 

 

Zack, Ismaamulka Soomalida ee Itoobiya waxaan maqley in ilaa dugsiga sare laga dhigo Af-Soomaali. Ka dibna Ingiriisi lagu dhigto maadooyinka kale. Amxaariga qasabka leysku bari jirey waagii Mingiste ayaa u danbeysey soo maahan?

 

Mida kale dhulkii Hor'umar weyn baa ka socda laygu yiri oo jidad (Highways) baa hada la wadaa, dhismo baddan iyo kobcinta tayada maamulka federaaliga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nuune and Xaaji Dhagax :D:D

 

Nasir,

The curriculum of the Somali region is as follows:

 

1st grade to the 8th - all subjects are in Somali..students have the option to take Amharic and Arabic languages if they wish to do so.

 

8th to 12th grades - All subjects are given in English with Somali, Amharic and Arabic languages as optional subjects.

 

As for laamiyada, hasii dhisaan sxb kolleey wey ka tagi doonaan e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this