Sign in to follow this  
Ashkiro

Memories of Xamar/Mogadishu

Recommended Posts

Haneefah   

^I used to love Aaran, way better burgers than Fiyaat's (?). I went to that Egyptian school and we'd go there for lunch every day.

 

I don't like to think about Xamar anymore though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Val I still have good memory of most of places I used to go(by) wlhi. I remember the new Zoo, it was actually right next to Xoosh's compound and new Hotel. Can't remember what that Hotel was called though. I will get back and write some of the things in the good old days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Ahhhh! I have a lot of fond memories of Xamar that if I wrote it all, I would have to find me a publisher. smile.gif

 

Ayways, here's one: Yaaweli, the video store. Omar Yaweli muxuu cartoni animati, totoo iyo bujis baanjar :D igu soo guri jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Ducaysane:

Aniga iyo Valenteena iyo Haneefa isku fil baan nahay.
:D
meeqa cunug baa idiin joogta.
:D

Haneefah garan mayo,Laakin Val,hal cunug bey lehda. Adu imisaad lehda? smile.gifsmile.gif

 

Maanta si baad u af gaabantahaye,waa ku sidee? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I've actually got two!

 

 

Haneefah, I went to the Egyptian school as well.

 

Gheelle, I look forward to reading it.

 

Ducaysane, yes, I did always get the distinct impression that you were a teenager. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Although i've never been to xamar, I heard great things about it's beauty. However, anaga owrney meesha. We also didn't realise somalia wasn't only xamar, when one of the most beautiful natural landscapes were/are in sanaag region, so in that respect we took the rest of somalia for granted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Unfortunately no. But I always hear my older sibling talk about the food,shopping,beaches & shaleemo goings. Kind of makes me go aah...if only it remained as peaceful & prosperous as it was.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Aaaah, let's see what do I remember about Xamar Cadeey:

 

**I remember how they used to sit us down in a big circle at school on lunch time to sing and dance (iikaalay, iikaalay, oo aniga ii kaalay, kashka laabta igusoo qaboo oo aniga ii kaalay - just one of the songs we used to sing)...

 

**I remember getting up early every Friday morning helping my sisters do the laundry or clean the house so we can go to baar Afgooye/Xaraf for qado...Then going to the beach - Abaay Dhaxan was my fav...

 

**Going to burger joints at night time, where cars are parked outside with people still in them being served in their cars...Meesha dhan mugdi with only the clear sky - gazing at the stars and the moon (very romantic - too bad I was too damn young to enjoy it :mad: )...

 

**I remember having bajiyo iyo basbaas or bataati iyo basbaas after school/dugsi...Everyone dipping their little fingers in the basbaas (clean/dirty/long nails didn't matter) - GERMS WHO?

 

**Oooh I remember jalaato TibToob...Where afterward we used the qori for dugsiga si aan quraanka looxa ugu qorono... :D

 

**I remember going to the video store and asking the guy 'filin cusub oo coleejo coleejo eh isii', watching Indian movies anagoo hal kalmad hindi aqoon - Yaawali and Kitoosh (I wonder if they are still alive - gosh mexey movie noo duubeen)...

 

**I remember Aaran, Fiyaat, Kabuuti, Sunday Supermarket, Baar Afgooye, Xaraf, Hoteel Taleex, Carawada (alla maxaa jalaato la iiga dafay), Tiyaatarka (my first and last rubaayad - Shan Uyar Ha'ii Sheegin - what a memorable night), Boorow (we used to purchase back to school books and kool pens at that store)...

 

**I remember going to makiinada cajiinta with gabdhaha guriga kashaqeeyo...Maxaa meesha shukaansi iyo is jiijiid ka dhici jiray...

 

**School Yaasiin Cismaan!!!!!!!! O'Lord, the best years of my life...Xassan Tiritoor, later replaced by Saciido Koofi...Teachers: Macalin Aamino - Gosh mexey caanabaraawe and qumbe naga gaday; Macalin Akiile (mean a$$ macalin, fooridiisa markaa jiirada ka maqalno inla'isku kaadiyo wax yar aanooga dhimanaan jirtay); Macalin Xiito (thnx to him, I am good at math now); Macalin Tiito (Alful Layl Waleyl uunooga sheekeyn jiray, mind you he was there to teach xisaab); Macalin Xeynuuq (he was like the youngest teacher, waxaa u maleysaa inuu xaflad usocdo suu isu soo labisi jiray, no wonder inee dhoocila ku wada daateen); **yaakale toloow**, aah Macalin Cali Dheere, Nuurkeey...

 

**I remember taalada in lagu dagaal tami jiray after school...Schoolka dhexdiisa la isugu dhaaranaa, then after school it was on @taalada...I also remember in at the end of the year dad badan dagaal isbalansan jireen as well... :confused:

 

 

Ar bas, inaa jilboodo wax yar aa iiga dhiman... :D Minaa walax kale xasuusto waasoo noqohaa I'A...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aroortii kac, canjeero kulul isku duub duubo, saliid macsaro iyo sokor ku dhex duubo. Cun. Iskool isku diyaari. Aad iskool. Bareeka bur iyo sambuus cun.

 

Iskoolka kasoo noqo around lix saac [12 pm], qadee, bacdina hurdo nap dig la dheh. Galabtii qoraxda qabowdo lasoo kacaayo, banaanka aad, ciyaal banooni la ciyaar, meel walba ka dhac. Qoraxda ha dhacdo salaadda aadaanka maqlee, masaajid gal, dalaq. Salaad maqrib soo tukada dhamaantiin ciyaalkiina. Kasoo bax, jardiino hala fadhiisto, sheeko. Sheeko sheeko ma laga caajisay, kadhimeey kadhim haloo jeesto. Sidii loo bood boodaay ama loo ordaayo daal hoo, hal hal guriga haloo aado. Adoo jiif isku celin karin hooyo casho ha kugu qasabto.

 

Haddaa galablee kuwa iskoolka aadaayo tahayna, markaa iskoolka kasoo baxdid iskoolka hortiisa bajiye basbaas lagu daaranaayo ka gado islaamaha iskoolka horfadhin jiray. Guriga soo aad, dharka iska badal, banaanka horey ka aad, samee waxaa kor ku qoray camal.

 

Jimco waaye. Iskool ma jiro. Imbili ciyaar, warbac ku xir. Jar duqeyd ciyaar, ku xir xir. Suuqa aada, islaamaha caanaha gadaayo caano dhadhamis ugu dhameeya oo caloosha buuxsada, kuwii galeyda iyo masagada gadaaye a roundful of fist hal hal ugu soo shubta jeebka to feed the pet pigeons [qooleey] later at home.

 

Duhur waaye already la gaaray, salaad Jimcaha aad. After salaadda laga imaaday oo lasoo jimceystay, Jalaato Jaangoow oo banaanka lagu gadaayo arkee, hal hal u gata, meel geed talaal hoostiisa ku neefsada. Kistoo ka bacdi qado u aada guriga, guriga reerka iskugu imaanaayo lagu wada sheekeysanaa, kii seexanaayana nap fiesta ha qaato. Galabtii la gaaray, meel barxad banooni u aad, ciyaalka wada cubtama [cub iyo cir], lasoo baashaal ciyaal xaafadda.

 

Banooniga ka bacdi maqribkii marka la gaaro haddaa ciyaalka waa weyn xaafadda ku jirtid dharka iska badal, qabeyso, dhar isku taag cusub. Shaneemo isku diyaari. Kaasmaayo, bajaq iyo cismaan wixii ahaa shaneemooyinka ku shukaanso. Lasoo bood bood, luuq luuq la gal, filin u jil.

 

Haddaa ciyaal yaryarka tahayna after banooni aad makiinadda cajiinka xaafadda, oo abkeey gabdho yar yar dhan cajiin shiid u imaan jiray oo reerahooda soo dirsan jiray. Faduuli gabdhaha yar yar, isku xooq xooq ama isku tuur tuur waxaa isku xooqi kartid. "Waryaa!" markee ku dhahadana, waa haddeeba dhahdo, raali ahoow waala isoo riixay dheh meesha cariiri waayee. :D

 

Kuwa sii waa weynaa xaafadda haddaa tahayna shaqaalaha ee magaalada hoose shaxaad ama shaqo u aad, Fija'eejito, Dahablaha, Bacaadlaha, Ceelgaab soo wada mar. Galabtiina isbartiibada aada, Horseed v. Waxool ciyaaraayo usoo cheer garee kooxdaada. And in the evening tiyaatarka aad, ruwaayadda cusub soo baxday kusoo dhufo, Shaneemo Xamar gal.

 

In the meantime, ka dharag waxaa ka dhargi kartid, ciyaar ama cunto fresh ha ahaatee. Ciyaar oo cuna: Kushineeto, mircood, bugle, taraq, laadhuu, isbaandheys, fiimto qaboob, koob isbarmuuto weyn baraf ka buuxo, dublad, garaangar, boojo, baliil, jar...

 

Wada ciyaar waxaa ciyaari kartid, waxaa cuni kartidna cun. There never was a thing called boredom. Never.

 

O' Xamar. Yaa ku iloowi karo Xamar Caddeey, xudundeyda ku duuganee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Oo fiiri goormaa homework sameyn jirtay? Xamar meel ciyaar kaliya ah aaba ka dhigtee...

 

Some of the games we (girls) used to play: gariir, halugeeti, nacash, kuukuun, dhuudhuumashoow, kabta dacaska gadaashaa la dhigaayo haduu qofka kugu soo noqdo bacda lagaa suraa, shaanus, iskaalo, iskorsaar, duq siib, daaba ka'eri (kuwa qatar eh lee dheeli jiray)...

 

Hayeh yaa xasuusto heestaan:

Gabar yareey shub caano,

Mara shabeela xiratooy

Mara qafiifa huwatooy

Magacaaga iisheeg

Magaceygu waa sharaf

Sharaf xaaji weeyee......

Naahooy Samsameey

Sabaax nuureey

Saaxibadaa Caasho, caashaq baa dilay

Saaxibadaa Muno, muran baadily... :D

 

MMA, hayeh groupka dhuxusha ku remysan jiray maaku jirtaa? Ala mexey hooyadeey igu qeylisay markey aragto anoo dhuxu afka iigu jirto...GOSH, yaa ku fikiray waxaas laakiin?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I can't remember anything. But, from what I saw in the family albums, it seemed pretty city.

 

May Allah swt facilitate the situation in Somalia.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kool_Kat:

 

Hayeh yaa xasuusto heestaan:

Gabar yareey shub caano,

Mara shabeela xiratooy

Mara qafiifa huwatooy

Magacaaga iisheeg

Magaceygu waa sharaf

Sharaf xaaji weeyee......

Naahooy Samsameey

Sabaax nuureey

Saaxibadaa Caasho, caashaq baa dilay

Saaxibadaa Muno, muran baadily...
:D

 

MMA, hayeh groupka dhuxusha ku remysan jiray maaku jirtaa? Ala mexey hooyadeey igu qeylisay markey aragto anoo dhuxu afka iigu jirto...GOSH, yaa ku fikiray waxaas laakiin?

Dhuxul beel. Maqaasiinka dhuxusha waaka fogaan jiray ani, aad u necbaa, walaalaheey kale lee loo diri jiray badanaa.

 

And yaa kusoo xasuusiye heestaas? Keynaan heestiisa aragtay miyaa telafashinka lately? Yac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Val, we may have been classmates. I remember a cute girl who'd always wear her hair in a ponytail; strangely enough, I don't remember how I wore my own hear :D

 

Lol@duceysane. Hal baa ii jooga and another is on the way.

 

KK, I have this hunch that you were one sharp bully. Like the girls who scared the heck outa me on my 1st day in a SOmali school; I remember running to mom and dad on that day and screaming "these kids are scary - they say bad words!I don't want to go back there!" and immediately, I was switched to the Carabi school :D Seriously though, even the so called macalimada baa ciyaalka aflagaadeyneysay with words that I had never been exposed to previously, what a system :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Xamar cadee!!! ilaahey hakuu naxariisto!! ilaahey aa ka goondoono kuwii xamar xumeeye!!

 

Ciyaal Hodan!! digtoonoo soo dhaha!!

 

Kaalay qofkaste baar Xaraf muu ka quraacan jiray? loooooooool meesha uu kuyaal xitaa waxaa laga dhigay gurigooda geeskiisa ka waran..(kool Kat) loool

 

waraa xamar famous waxee ku aheed geedka la yiraahdo BEEDAAN!! iyo Geed Hindi! ar yaa beedaan cunay!!

 

ciyaal iskool banaadir hoose dhaxe!! waa salaaxan tihiin!! aryaa jalaato Raqay islaamo ka dafay loool who remembers jalaatada lagu gadi jiray iskoolka ganjeladiisa banaanka!! lol

 

Yaa qadriiqay oo wili xabag ku darsan jiray loool nuune!!! lol looxa farta waa ku "tashiili" jirtay yaah? kabiir iga dheh! armaxaa mareer soo guran jirnay! ar maxaa dugsiga dhexdiisa xaar mukulaal la isku duugi jiray loooool CIYAAAAAL XAMAR!!!

 

ar yaa gaari dameer tacluugay iyo xaaji qamsiin!!

ar shaleemo ku dhuuntay oo darbiga hoostiisa fadhiisan jiray? ar yaa caasi kada cararay oo u qaadan jiray dagmo ka dagmo? ar yaa Oktobar fiirsaday iyo shabshableeeeeeeey!!! Ciyaal Xamar lee seecamal!!

 

Naga taga yaaqee waa qiiroonee!!!!

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this