Sign in to follow this  
Siciid1986

Hargeysa Iyo Isticmaalka Moofada.

Recommended Posts

600_muf1.jpg

 

600_muf2.jpg

 

600_muf3.jpg

 

425_mjhf.jpg

 

795_muufofof.jpg

 

 

465_muf6.jpg

Hooyo Sahra Cali Cadaawe oo Muufada samaysa

 

 

Hooyo Sahra Cali Cadaawe oo ka mid ah dadka ku soo barakacay dagaalada ka socda Soomaaliya, ayaa waxa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Weriye Mustafe-Janaale oo ka mid ah Weriyayaasha Hadhwanaagnews uga soo warama Hargeysa, waxay Hooyo Sahra Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka asaastay meherad yar oo ku taala ka soo horjeedka Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, Meheradaas oo Mac-macaanle iyo qeyb sameysa Moofada.

 

Mar aanu weydiinay Hooyo Sahra Cali Cadaawe waxay ka ganacsato ee ay gudaha ee ay dadka ka iibso? Waxay ku jawaabtay oo tidhi “Waxaan imi dalka Bishii 6 Sanadkii hore, ganacsigaygu waxa uu ka kooban yahay Mac-macaanle, iibiya Xalwad iyo Moofo oo ku cusub dalka Somaliland oo dadkii hore way yaqaanaan moofada, dadka danbe mooyane aad ayey u barteen dadku oo way ii yimaadaan”

 

“Moofadu waxay ka kooban tahay oo laga sameeyaa Galayda oo la ridqay, waxaana lagu ridqaa Tinnaad, markaa waxa iyada [moofada] lagu cunaa suqaarka, sidii kalaankalka oo kale, dhibcaha, Isteega, waxa kale oo lagu cunayaayo kale Degeda malayga [Kaluunka], macsaro ayaa lagu daraa iyo muus.”

 

Sidoo kale mar Sahra Cali la waydiiyay socodka meheradeedan iyo sida ay dadka reer Somaliland uga isticmaalaan ama uga iibsadaan Moofada oo aan Hargeysa hore loogu samayn jirin, waxay ku jawaabtay, “Wallaahi Somaliland dadkeedii waaweynaa ee hore way yaqaaneen, kuwan dambena way arkeen, Wariyayaal badan ayaa ila soo xidhiidhay, markaa Somaliland Moofada waxa looga isticmaalaa imika si fiican.”

 

Sahra Cali oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay heerka dakhliga ka soo gala Meheradan, gaar ahaan Moofada iyo filashadeedii markii hore ee ay bilaabaysay ka qabtay, waxay tidhi, “Markii hore ee aan Meheradan furayay ismaan lahayn sidan inta oo xayaysiiyo ayay Moofadu kaaga socon doontaa ama lagaaga iibsan doonaa, laakiin maanta waxay u socotaa, heer fiican ayaan ka taaganahay dakhli igu filanna waan ka helaa.”

 

Mar Sahra la waydiiyay, sida ay dadka reer Somaliland ula qaybsadeen cunista Moofada, waxay ku jawaabtay, “Markii hore ee aan meheraddan furay dadka reer Somaliland intooda badan way ku yaabi jireen Moofada, oo waxay odhan jireen side loo cunaa maxayse ka samaysan tahay, war badan iyo faallo badan ayaan ka siin jiray intii hore oo dhan, imikana iyaga ayaaba iga badiya oo waa laysu soo tilmaamaa, si aad ah ayaana loo soo doontaa Moofada wakhtigan. Sidaad u aragto Meheradaydu waxay ka soo horjeedaa Saldhigii dhexe ee Caasimadda Hargeysa, Saraakiisha iyo Askarta Booliska intooda badani way iga soo doontaan Moofada.”

 

Waxa kale oo la waydiiyay Hooyo Sahra marka laga yimaaddo dhinaca ragga, in ay jiraan haween isticmaala Moofada oo u soo doonta Meheradeedan Hargeysa waxay ku jawaabtay oo ay tidhi, “Way jiraan Gabdho hore Muqdisho u joogi jiray oo naga soo doonta, sidoo kale waxa jira Gabdho yaryar oo bartay cunista Moofada oo hadda ka badiya dhalinyartii Xamar ka yimi.”

 

“Maya, Xamar markaan joogay Ganacsigaygu waxa uu ahaa inaan dibadda aado oo dalalka adduunka ayaan ku soo wareegi jiray, waxaanan ka shaqaysan jiray dalalka Hindiya, Pakistan, Pankock, Dubai iyo Abudai ayaan ka shaqaysan jiray.” Sidaa ayay tidhi hooyo Sahra oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay markii ay Xamar joogtay wixii ay ka shaqayn jirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

To reer Hargeisa this is the most daring they can get in cuisine adventurism. :D

 

And where is the Macsaro? Falfaliir iyo fuud Abeesooy! Macsara la'aan maa muufo la cunaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saabir   

JB that's what everyone in Hargeisa Calls it Moofo!!. Everyone comes in a restaurant opposite Taalada xoriyada "Waar Moofo ma heysaa??. Those Hargeisawi guys who eat it consider themselves more civilized than the others, and give lectures about how to mix and eat it!!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I believe there is a difference between Moofo and Muufo.

 

Moofa as it is known in the norhtwest are the big clay ovens used to bake bread Furun (NW)/ roodhi / ceesh / kimis :D

 

whereas muufo is a southern food .. recently adopted in the north and it is also called muufo in hargeisa

 

it is best eaten in a style called "I qari" which is when it is stacked so high that when you are seated at the dining table it goes above your head .. drenched with sesame oil and mashed with Banana .. it causes extreme drowsiness after eating.

 

EDIT

 

the one in the pix is muufo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   
:D hadda leee KOOOW iyo muufo barasho!!! Yaa ku gaaray. Wayooo way, geel maxaas kurus ka kasaa aa hore loo yiri. Maraan dheereen JB oo kadaloob bujiyo & busbas isku daar-daaranaayo aa la soo sawiri doonaaa... icon_razz.gif xaax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Muufo...meesha Sambuus baan uga jeedaa muufo maba arkee ee see camal halka waqooyi ah ma iskaga dhexyaaceen muufadii iyo sambuuskii?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Good for them, Muufo is great, the last time I had one was in Dubai @ Jubba Hotel.

 

It is time to have diversity in food.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

That looks so unhealthy I'm sorry take it back lol But you can stay.

 

abwaan,

 

It's in second pic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Abwaan:

lol...Muufo...meesha Sambuus baan uga jeedaa muufo maba arkee ee see camal halka waqooyi ah ma iskaga dhexyaaceen muufadii iyo sambuuskii?

Ma'ila aragtaybo? Dadkaan hadal eyba iska galeen, war aaway Moofada uu nagusoo xero galiyay wax dhoho uma jeedi!

 

Oh lord, the funniest was the day I was at maqaayad Soomaali ah, koo JB in'adeerkiis eh lee madhahaayoo 'haa walaalo aniga moofoo iyo maraq baan dooni'...Ashahadu anlaa'ilaaha ilalaah, maskiin kii reer xamarka orderka qaadaayay 'Yaah?'...The look on the waiter's face was just to die for!!! Caku iyo carab qaloocan... :D

 

 

Alla what I would give for qamiir right about now! :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gheelle.T:

"Moofo" ma ku cuntay with "Pankock" adoo "Abudai" jooga?

 

Waxkasta news miyaa hadda?

Ma aadan aqrin between the lines. Re-read again, this time some words are bolded for your convenience:

 

“Waxaan imi
dalka
Bishii 6 Sanadkii hore, ganacsigaygu waxa uu ka kooban yahay Mac-macaanle, iibiya Xalwad iyo Moofo oo ku cusub
dalka
Somaliland oo dadkii hore way yaqaanaan moofada...

I don't think she said the quoted parts, but qof muufo dubeyso xataa aqoonsiga waa laga raadiyaa u maleynaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this