Sign in to follow this  
SOO MAAL

Magacyada Gabdhaha Soomaalida

Recommended Posts

SOO MAAL   

Magacyada Gabdhaha Soomaalida:

 

 

 

Hordhac

 

 

 

Magacyada loo bixiyo hablahayaga waxay muujiyaan hiddahayaga, deegaan iyo asal ahaan halkaannu ka soo jeedno, kobta juqraafi ahaan dunida kaga noolnahay, ama waxay cabbir muuqda ka bixiyaan muuqaalka inamaha, qaab iyo qeex uu waalidku la jeclaado ama u saadaaliyo. Mararka qaarkood laga yaabee haweeneey jeeska ka tirsan ama ka tirsanaan jirtay in loogu magacdaro oo lagu sammiyo.

 

 

 

U walqalidda gabadhaada waajib weyn weeye oo muhim ah. Cilminafsiyahannada (psychologists) waxay sheegaan in haddii habluhu ku faraxsanyihiin magacyadooda, nafsaddooda inta ay ifka joogaan waa u riyaaqsanaanayaan. Waqtiga kaaga baxa ka baaraandegga u raadinta magaca ugu habboon, qurxoon, dhawaaq wanaagsan carruurtaada dheddigga ah, kayd weeye aad mustaqbalka u aydo.

 

 

 

Waxay magacyadu nisbeeyaan joog, qurux, midab, ama habsamaanta inanta sida gaarinnimadeeda, geesinnimadeeda iyo naxariisteeda.

 

 

 

Tusaale, inantii ugu horreysey ee Dhiimo loo baxshay, laga yaabee in looga jeeday in ay lahayd midab aad u casaan ah oo guduud takhti ah. Sidoo kale, Qumman - inan weeye hagaag, hufnaan iyo wanaag badan lahayd.

 

 

 

Hablaha qaarkood waxaa loogu magacdaraa dhirta, caleenta, iyo ubaxa, sida Cosob, Magool, Ubax, iwm, xayawaannada sida Qalanjo. Qaar kalena waxaa la siiyaa magacyada xilliyada iyo maalmaha sida Gudhalad, Isniino, iwm.

 

 

 

Sidaas darteed, magacu waa aqoonsi ruuxu leeyahay oo muujinaya halkuu qofkaasi *** iyo isir ahaan ka soo jeedo. Waxaa ila habboon in aan la dhayalsannin, laga teginnin oo la sahashannin afka iyo luuqadda, dhaqanka iyo hiddaha magacyadu ku salaysanyihiin oo ay ku qotomaan.

 

 

 

 

 

A

 

Abshiro, Abyan, Afraxo, Ammaan, Amran, Aragsan, Arraweello, Ardo, Arliyo, Ashkiro, Askaro, Axado.

 

 

 

B

 

Baahilo, Baar, Bariido, Barkhado, Barni, Barrey, Barwaaqo, Basro, Baxsan, Bayddan, Beegsan, Beerlula, Biciido, Bilan, Billaddaya, Bishaaro, Bogaad, Bullo, Buney, Butaaco, Buuxo.

 

 

 

C

 

Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo, Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo, Carro, Cartamo, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo, Cawrala', Caynabo, Ceebla', Cibaado, Ciilla', Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob, Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan, Culimmo, Cureeji, Cutiyo.

 

 

 

D

 

Daado, Daaho, Daawad, Dahabo, Dallaayad, Dallaayo, Dallays, Damman, Darmaan, Daruuro, Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqo, Deggan, Degmo, Dihin, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco, Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiiyo, Dugsoon, Dulman.

 

 

 

Dh

 

Dhaadsan, Dhaayo, Dhalaalo, Dheeho, Dhiimo, Dhiirran, Dhikilo, Dhimman, Dhimbilo, Dhoofo, Dhool, Dhoorweyn, Dhudi, Dhuuban, Dhuubo, Dhuulo, Dhuuxo.

 

 

 

F

 

Falis, Falxado, Fanaxley, Farax, Fariido, Farxado, Farxiyo, Faynuus, Feeyig, Fiido, Filad, Filan, Filsan, Foojiga, Foos.

 

 

 

G

 

Gaadsan, Gaarri, Gaarriyo, Gacaliso, Gacalo, Gaceedo, Gadiido, Gallado, Gargaaro, Gaylamo, Geeddiyo, Geelo, Geenyo, Gefla', Gobaad, Gobey, Gordan, Guduudo, Guhaado, Gudhalad, Guuleedo.

 

 

 

H

 

Habban, Habboon, Habsamaan, Hagarla', Haldhaa, Halgan, Haweeyo, Heego, Hibaaq, Hibo, Hiddo, Hillaac, Hiro, Hodan, Hodman, Hogol, Hoobaan, Hoodo, Hoombarro, Hufan, Huryo.

 

 

 

I

 

Idil, Idilo, Idman, Iftiino, Iido, Iimaan, Ilkaag, Ilroon, Ilwaad, Indhadeeq, Indhawroon, Ishaaro, Isir, Ismoog, Isniino, Istaahil.

 

 

 

J

 

Jalaqsan, Jamaad, Jawaahir, Jeegaan, Jinnow, Johro, Johorad, Joogdheer.

 

 

 

K

 

Kaabo, Kaad, Kaadsoon, Kaafiyo, Kaaho, Karuuro, Kinsi, Koos, Korraad, Kutubey.

 

 

Kh

 

Khadro, Khaladla', Khayrto.

 

 

L

 

Laaco, Lacago, Ladan, Leexo, Lisan, Luul.

 

 

 

M

 

Maandeeq, Maano, Macay, Magool, Malabo, Markabo, Marwo, Miido, Mullaaxo, Muraayo, Murriyo.

 

 

 

N

 

Naadiyo, Naado, Naaleeyo, Nafiso, Nagaado, Nagan, Naqo, Naruuro, Nasteexo, Nuurto.

 

 

 

O

 

Ogaal, Oriyo.

 

 

 

Q

 

Qaafo, Qaayaweyn, Qaladla', Qalanjo, Qarad, Qoordheer, Qoran, Qorraxo, Qumman.

 

 

 

R

 

Raagsan, Raalliyo, Raaqiyo, Raaxo, Rako, Rakuubo, Rashiido, Raydabo, Reemo, Roobo, Roon, Rooxo, Rummaan, Ruun, Ruxan.

 

 

 

S

 

Saado, Saafi, Saaqo, Sabaad, Sagal, Sahwiyo, Salaado, Saluugla', Samawado, Sareedo, Sarreeyo, Saxansaxo, Saxarla', Siman, Sitey, Soohan, Subkan, Suleekho, Sulubo, Sureer, Suubban.

 

 

 

Sh

 

Shaadiro, Shacni, Shahmaad, Shamado, Shankarroon, Shaqlan, Sheegan, Shifo, Shoobo, Shumey, Shuun.

 

 

 

T

 

Tagsan, Taliso, Tanaad, Tawllan, Tigaad, Timiro, Tiriig, Tisqaad, Toolmoon, Toosan, Tooxey, Tusmo.

 

 

 

U

 

Ubax, Ubbolacag, Udgoon, Ugaaso, Ulasan, Umal.

 

 

 

W

 

Wacan, Wanaag, Warfog, Waris, Warla', Warmoog, Warroon, Warsan, Wiilo.

 

 

 

X

 

Xaadsan, Xaali, Xaddiyo, Xalwo, Xamaro, Xareedo, Xiddo, Xiisaan, Xinbilo, Xirsiyo, Xorriyo, Xukun.

 

 

 

Y

 

Yusur, Yuusa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigana magac Soomaali asali ayaan sugaaye kaliya, meeshaana kuwa Carabi ayaaba ka buuxo, sida Abshiro, Amaan, Axado, Culimo, iyo Iimaan.

 

Teeda kalena magacii ugu weynaa oo ugu caansanaa gabdhaha ee ka tageen: Ayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

C

 

Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo, Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo, Carro, Cartamo, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo, Cawrala', Caynabo, Ceebla', Cibaado, Ciilla', Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob, Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan, Culimmo, Cureeji, Cutiyo.

 

 

D

 

Daado, Daaho, Daawad, Dahabo, Dallaayad, ,
Dallaayo
Dallays, Damman, Darmaan, Daruuro, Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqo, Deggan, Degmo, Dihin, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco, Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiyo, Dugsoon, Dulman.

Looks like MMA didn't even read the names. Reread the above sir.

 

 

Imagine calling your daughter Dallaayo, so that some stupidh boys and girls can change her name to Ballaayo. I ain’t having it, no wayy. Screw all the oldie names.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

^There are worse scenarios. I know a girl who goes by the name Billy instead of Bilan, because Bilan is pronounced the same way as Billen, meaning buttcheecks in Dutch.

 

Worse with the name Muna. It means penis in Finnish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LoL @ Liquid, You can bet I would change my name too if it meant either of those in the country I was living in. Ceeb badanaa.

 

 

I would call my kid Valenteenah, if a girl, and Xavier or Maximillian, if a boy. I have got Latin-fever. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
winnie   

Originally posted by Farah Blue:

War meeye Aasiya, Baarliin, Yurub iyo wixii la mid ah? Gabdhihii intarnashanaalka ahaa.

this made me lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whenever a boy is born I suggest Galleyr (eagle) as a name but the mother's give me an evil look and banish me out of the room. It's a lovely name though....fine...I'm gonna name my future baby boy that...the most unique boy in the playground. :D I like Samatar, Ilyas, Warsame, Kayze and Guleed too.

 

Girls - I like Suban, Sahoor, Sagal & Waris.

 

P.S. I never heard of it...do u know anyone named Galleyr? I hope not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looks like MMA didn't even read the names. Reread the above sir.

Soomaali badan ayaa jiro kala saari karin magacyada asaliga dhabta ah ee Soomaaliga ah iyo kuwa laso deensaday, oo badankooda Carabi ah. Waxa meeshaan ku qoran magacyo Carabi badan ayaa ka buuxo oo badankood la raaciye 'o' oo la Soomaaliyeeye, aan ku tusiyo qaarkood:

 

Abshir[o], Ammaan, Amran, Aragsan, Ashkir[o], Axad[o], Bishaar[o], Cadar, Cajab[o], Carfoon, Carwo, Cawil[o], Cawra[la], Ceeb[la], Cibaad[o], Cosob, Culum[o], Dahab[o], Farax, Fariid[o], Farxad[o], Farxiyo, Faynuus, Hibo, Iimaan, Isniin[o], Jamaad, Jawaahir, Khadr[o], Khalad[la], Khayr[to], Naadiyo, Nafis[o], Nasteex[o], Nuur[to], Qalad[la], Raaqiyo, Raax[o], Rashiid[o], Ruun [Ruum = Rooma], Salaad[o], Saxar[la], Suleekho, Umal, Xalw[o], Xukun.

_________________

 

Qaarkoodna waaba magacyo rag, sida Xukun, Wanaag, Warmoog, Abyan.

 

NB, Dallaayo waa magac qurxoon. Waaba ka helaa. Nasiibxumo haweenkii hore lee la dhahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this