Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Singers Composers Thread - History and Legacy

Recommended Posts

Tallaabo   

^^ Could you kindly tell us where our boundary with Somalia lies when it comes to language, literature, and culture as you so gleefully pointed out?:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Shekadan mar hore ayaanu so xirnay. dub ha usoo celinina. You have only Somali singers and poets, most are dead and some are residing in the UK, some like Binti Cumar Gacal are in Muqadisho and you have some new singers like Mursal, Khadar Silimo, Saxardiid residing

in Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;864027 wrote:
Shekadan mar hore ayaanu so xirnay. dub ha usoo celinina. You have only
Somali singers and poets
, most are dead and some are residing in the UK, some like Binti Cumar Gacal are in Muqadisho and you have some new singers like Mursal, Khadar Silimo, Saxardiid residing

in Hargeysa.

No you have Somaliland Somalia Kenyan Ugandan South african Cameroon singers. All countries have different singers and poets.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Faisal Omer Mushteeg was on his way to take part in London Somali Week 2012. May allah have mercy on him, he has been unwell for a while now. A legend who continued performing and creating even while unwell. Only this summer, he collaborated with American Jazz legend Chris Evens and Hudyadi for Hargeisa International Book Fair. AUN.

 

The classical artists from the golden years of late 60s- late 70s are all passing. Only a handful of old folks left. Soon we wont have anyone. Somali literature and Music just wont be the same.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allah Yarxamah Faysal .................

 

 

Ha ka tegin carrada,ha duulin,

ha degdegine joog,

nala joog, iska jooga,

dalka lama necbaadee,

dibadaha lama jeclaadee.

 

 

Ilaahay ha u naxariisto marxuum Faysal Cumar Mushteeg, oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Faysal waxa uu ka mid ahaa hal-abuuradii, heesaagii lugaha u taagay fanka soomaaliyeed. Waxa uu curin jiray heesaha, laxankana saari jiray--isla markaana tumi jiray. Waxa uu ahaa macallin in badan oo maanta kala joogta dacallada adduunka macalin u soo ahaa. Waxa uu ka mid ahaa hoboladdii Walaalo Hargeysa. Waxa u gaar ahaa sheekooyin uu ku caan ahaa oo badiba dadku maqleen. Xilligii uu macallinka ahaa oo uu ka soo shaqeeyey dugsiyo ku kala yaalla, dalka meelo kala durugsan ayaa waxa ka mid ahaa markii uu macallinka ka ahaa dugsiga caanka ah ee Dayaxa, oo mahadhooyinkii laga reebay ay ka mid ahayd "Dalkaan tegey, dayixi waaba u galbeed" iyo Qardhoo qumman baan ka qaylinayee ma haddaan tegey qaabaqawseen"

 

Waxa aan xasuustaa markii iigu horraysay ee aan arko oo ahayd bishii julay 1988kii. Waxa ay ahayd xero qaxooti oo u dhowayd Xarshin oo ku taalla Itoobiya. Waxa lagu urursanaa faysal Cumar oo dad aad u tiro badani ay salaamayeen. Qofkastaaba marka uu arko ninka lagu urursanyahay waa uu ku soo leexanayey--salaan baa lala wada tiigsaday. Waxa aan ka mid ahaa dadkii ku soo leexday, maan se garanayn qofka uu yahay. Waxa goor danbe la ii sheegay in uu yahay Faysal Cumar Mushteeg. Beryahaa waxa uu ka soo laabtay dalka Sacuudiga oo uu deggenaa muddo dheer. Maalintaa waxa aad moodaysay in la salaamayo madaxweyne ama boqorkii dalka. Dadka intooda badani waxa ay maqli jireen uun magaciisa, waxaana lagu ogaa in uu sacuudiga joogo. In badan oo aan ka mid ahay baa ku garaadsatay halhayskiisa dhiman waayey ee ay ka mid ahaayeen.

 

Lacageey, lacageey, ragga kala labeeyaay, liitaa gargaaraay" Ha derderin carrada ha duulin, ha degdegine joog, nala joog iska joog, dalka lama necbaadee, dibedaha lama jeclaadee. Iyo qaar kaloo badan. Waxa uu u dhashay furfurnaan, aan dadka iska weyneyn. Fan jacayl oo goorta aad aragtoba waxa ka muuqatay farxad iyo ilkacaddayn. Waxa aan xasuustaa markii iigu danbaysay ee aan waraysigiisa ka dhegeystay Hadhwanaag oo la weydiiyey su'aal ahayd sideed u aragtaa dhallinta danbe iyo fankooda, waxa uu ku soo koobay dee waa xilligoodii oo way dedaalayaan. Halka dadka qaar ay dhalliilaan, isagu waxa uu fanka u arkayey in aan cid gooniyi lahayn ee uu yahay uun wax lagu madadaasho.

 

Faysal Ilaahay ha u naxariistee fanku umuu ahayn shaqo ee waxa uu u ahaa madadaalo. Waxa la odhan karaa waxa uu ka mid ahaa raggii fanka soomaalida gaadhsiiyey heer lagu faani karo. Waa hubaal in uu ka mid ahaa tiirarkii ku suntanaa taariikhda, laakiin aan laga reebin taariikhdii ay soo mareen. Suugaanta Faysal iyo sooyaalkeedii waxa laga dheehan karaa taariikh ku salaysan noloshii dalka iyo dadka. Waxa uu dalka ka dhoofay 1973kii ama aan idhaahdo horraantii todobaatanaadkii. Kumuu soo noqon muddo dheer. Sida aan malaynayo waxa uu ku soo noqday 1988kii horraantiisii, waxyar ka dib na waxa dhacay dagaalkii 1988kii. Sidaas ayuu kaga baxay magaalada Hargeysa oo uu ka qaybgalay halgankii lagula dirirayey maamulkii keligii taliska ahaa.

 

Innaa lilaah Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

 

Anigoo ku hadlaya magacayga ka qoyskayga iyo ka Ururka Qoraaga Somaliland waxa aaan tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan dadka soomaalida ee uu ka baxay Marxuum Faysal Cumar Mushteeg. Ilaahay ha u naxariisto, dhammaanteenna samir iyo Iimaan ha ka siiyo aamiin.

 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)

Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this