Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso) Halkee marayaa dhismaha wadada Ceel-daari Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajiga koowaad ee Dhismaha wadada Ceeldaahir ceerigaabo ah wado dhan 90 KM ayaa ka bilaabanaya deegaanka Ceeldaahir oo u dhow degmada Carmo ee Gobalka Bari waxaana uu ku dhamaanayaa degmada Baran ee Gobalka Sanaag.

Wajiga koowaad ee dhismaha wadadan ayaa lagu wadaa in lagu dhamaystiro wado laami ah oo dheerarkoodu uu gaarayo 90 km ,iyadoo balaca laamiga wadadan oo ah midka ugu weyn Somalia uu gaarayo 10 mitir.

Magaalada Ceel-daahir ayaa sidoo kale 90 km u jirta magaalada Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ,halka Ceel-daahir iyo Badhan-na ay isku jiraan 130 km.

Wajiga Koowaad oo ah samaynta wadada jayga ah ayaa haatan maraya meel gabogabo ah waxaana uu ku dhow yahay degmada Baran ee Gobalka Sanaag sida ay sheegeen guddiga dhismaha wadadan.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ah oo gudoomiyaha guddiga dhismaha wadaan ayaa Radio Goobjoog u sheegay in wadado haata ay marayso meel wanaagsan.

Mid kamid ah beelaha Gobalka Sanaag ayaa lacag gaaraysa $70 doolar khamiistii aan soo dhaafanay ku wareejiyey guddiga dhismaha wadada ceel-daahir ceeri gaabo.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in lacagtaas lagu wareejiyey ayna qayb ka noqonayso dhaqaalaha wadadaas ku baxay.

Sidookale Gudoomiyaha Guddiga Dhismaha wadada Ceeldaahir Ceerigaabo ayaa sheegay in wajiga labaad ee dhismaha wadadaan ah qaybta saarista laamiga la bilaabi doono iyadoona qalabkii laamiga lagu saari lahaan badankiisa la soo gaday.

Balse Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay jirto duruuf dhaqaale maadaama lacagta ku baxaysa dhismaha wadaan ay tahay mid aad u badan waxaana uu dowladda Federalka ka codsaday inay fuliso Balanqaadyo ay horay ugu samaysay wadadaasi.

Dhismaha wadadaan ayaa ku yimid isku tashi ay sameeyeen shacabka iyo Dowlad gobaleedka Puntland iyadoo aysan jirin gacan shisheeye oo taagaraysa waxaana arintaan qayb ka tahay guulaha isku tashi ee ay gaareen Shacabka Puntland.

Halkaan ka dhegeyso codka.

      Clip shiikh Maxamuud

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this