Sign in to follow this  
Cawaale

Save Dr. Hawa Abdi!

Recommended Posts

Maaddeey   

^Vocabulary aanan isticmaali jirin ha igu qasbin! 'I can, you know'.

 

Warka Jowhar aad ka soo xigatay (haddaad sidaad sheeganeyso tahay nin wax og, waad ogaan lahayd jowhar.com wuxuu yahay) saasooy tahay, haddana I beleive there's a reason aad u dooratay Jowhar instead of Hiiraan.com ood -ironically- aad ka soo guurisay maqaalkii Xawo Cabdi 2008!, waa kan kii Hiiraan ee adiga indhaha madaxa lee fur (Inahhaa laa tacmala Absaa...):

Arbaco, May 05, 2010 (HOL) - Madaxa Dacwada ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed oo shir jaraa'id ku qaabtay Isbitaalka Xaawo Cabdi kaddib markii ay maanta kula wareegeen dagaal dhexmaray iyaga iyo Ilaalada Isbitaalkaas ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Isbitaalka xalaadduna ay daggan tahay.

 

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dagaalku uu ka bilowday mid ka mid ah Ilaalada Isbitaalka Xaawo Cabdi oo diiday
inuu yimaado maxkamad horteeda kaddib markii ay soo dacweydteen dad ku lahaa lacag gaaraysa 800-Dollar.

 

"Taliyaha saldhigga Xaawo Cabdi ee Xisbul Islaam ayaa goobta tagay, waxaa dhacday israsaaseyn sababtay in taliyaha la dilo, waxaan xiligaas kadidb ilaalada Isbitaalka ku wargelinay inay isdhiibaan lagana hadlo wixii dhacay, basle way diideen waxaana bilowday dagaal"
ayuu yiri Sheekh Maxamed.

 

Wuxuu sarkaalkan sheegay in dagaalkaas uu sababay dhaawacyo gaaray qaar ka mid ah ilaalada Isbitaalka ayna iyagu la wareegeen gacan ku haynta guud ee Isbitaalka haatanna ay xaaladdu tahay mid daggan.

 

"Drs. Xaawo Cabdi innaga ayaa gacanta ku hayna, mana jirto wax dhibaato ah oo loo geystay, waxayna ku sugan tahay goob ammaan ah" ayuu yiri Sheekh Maxamed oo sheegay in ciidamadooda ay xabsiga dhigeen ilaaladii ay la dagaalameen.

 

Goobjoogeyaal ka madaxbanaan Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu ku dhintay hal qof ayna ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale oo u badan rayid.

 

Dhanka kale, Dr. Xaawo Cabdi Dhibaalwe oo la hadashay saxaafadda intii uusan bilaaban dagaalkii lagu qabsaday Isbitalkeeda ayaa ka codsatay Guddoomiyaha Ururka Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu ka dul-qaado ciidamada, haddii kale la siiyo iyada iyo Maatideeda jid ay ka baxaan.

 

Mas'uulka u hadlay Xisbul Islaam ayaa beeniyay inay jiraan warar sheegayay inay halkaas ciidamadoodu kala baxeen gaadiid kala duwan oo yaallay Isbitaalka iyo qalab, wuxuuna sheegay in hadalladaas ay been yihiin oo aan waxba laga qaadan.

 

Isbitaalka ayaa qayb ka mid ah waxaa maamusha Hay'adda MSF waxaana ku jiray markii uu dagaalku bilaabanayay bukaanno isugu jira haween iyo caruur caafimaad ahaan u jiifay Isbitaalka, kuwaasoo qaarkood laga bixiyay markii Isbitaalka ay la wareegeen Xisbul Islaam.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Marka Xaaji, adigii miyaa weli soo guryamaya!.

 

Ayoub, refer to Norf's thread few days ago, u'll get the joke. ;) .

 

Lily, thanks for educating me, lakin hadduu adi kuu saarnaan lahaa kuma weydiiyeen, there's a reason I asked NinBrown. haddaad research gaaban sameyn lahaydna waad ogaan lahayd waxan ka hadlayo, sowse ma wacnayn inaad evidence keento illeyn waa: 'ur word against mine'!.

 

Juxa, thanks for understanding me!, Allah yarxam wife #2, now u know where i'm coming from, will I get ur help for the loss?. smile.gif

 

Xiin, Khubth-gaagu ma wuxuu gaaray inaad taas ila sinto?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Sxb, markaad goodis iyo waa yeelaayaa bilowdid waa markaad i waayi jirtay. ;) si kasto oo ay ahaato cadceedda sacab ma qariyo ee ninkuusuu ifka ka qariyaa.

 

biyo cab, casirka iska bixi, TV-ga shido.(yacnii nagu kala wad) smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

i have not heard cadceed sacab maqariyo for 15 years, cawaale walee iyo wacad alle

 

maaddeey waa ku kaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Adi lee iska bax, anigu beentaada ayaan afuufayaa!.

 

Ps. Hiiraan warka ku yaal maxaad ka tiri?.

 

Lol@ equating Sudi & Aweys!. mariid aa tahay, Allah yashfeek.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Juxa, filfilq yuusan ku gaarin. ;)

 

Cawaale, beentaada markey ii caddaatay kadib, baa wax igu dhasheen aasaan Jowhar booqday, guess what I found?, here you go:

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta la wareegay Isbitaalka Xaawa Cabdi ee ku yaala deegaanada loo barakacay, kadib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadooda, isla markaana ilaalo ku sugneyd iska caabisay.

 

Sida ay wararka sheegayaan la wareegitaanka Isbitaalkaas ayaa ka dambeysay markii Ciidamada Xisbul Islaam saaka iska hor imaad ka dhacay
halkaas looga dilay Taliyihii Ciidamada Ammaanka ee Lafoole oo lagu magacaabi jiray C/waaxid Xuseen.

 

Wararka ayaa intaa ku daray in bukaanadii Isbitaalka ku sugneyd ay kala carareen, isla markaana haatan isbitaalku uu noqday goob ciidan, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalihii Isbitaalkaas la xiray.

 

Weerar saaka Xisbul Islaam ku qaadeen Isbitaalkaas oo ay waardiyeynayeen ragg ilaalo ah ayaa is rasaaseyn dhex martay waxaa ku dhintay Taliyihii Ciidamada Amaanka deegaanka Lafoole, taasoo keentay in Xisbul Islaam ka careysiiso.

 

Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay ururka Xisbul Islaam oo ku aadan is rasaaseynta uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan, sidoo kale la wareegitaankooda Isbitaalkaas ayaanay ka hadlin.

 

Isbitaalka Xaawa Cabdi ayaa ah isbitaal adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah u fuliyay dadka dan yarta ah ee ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana uu la tacaalaa caafimaadka caruurta iyo haweenka.

 

Hoyga wararka Somaliyed

Mahad on May 05 2010 15:38:35 ·(Ogow, markuu Cawaale posted the prev. Jowhar piece, kan wuu ku qornaa Jowhar, famaadaa naquul , lisaaxib Al fadeelah?)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Originally posted by Khayr:

She looks like a good person and one that has been alot of help to many somalis.

 

Maaddeey,

 

Saxib build bridges with us and don't destroy them.

 

There is so much negative publicity on the net about the xarakatul muslimeen in the south.

True. And Cawale is one of the propaganda masters. If some newpaper reports that Alshabab banned farting, then, for sure, Cawale will post a new topic and lament the evils of this action. It is the end of the world for Cawale. But if AMISOM kills 50 PPL tomorrow, zilch, nothing, no comment, no calacal from Cawale.

 

ps. they should release her ap.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey, walaal qof hadii uu dambi galo, waa in maxkamad la horkeeno sharcigana lagu qaado. Ninka ilaalada ah ee la yidhi waxaa lagu leeyahay $800 oo waxaa soo dacweeyey dadkii lacagta ku lahaa. Anigu waxaan qabaa in ninka la soo qabto oo xaakinka la hor keeno. Tani waa arin muhiim ah. Laakiin waxaa aad uga sii muhiimsan amaanka dadka rayidka ah iyo maalkooda.

 

Bini-aadamnimda ayeey ka baxsan tahay in lagu dagaalamo: Dhakhtar, iskuul, Masaajid, amaba suuq dhexdiis.

 

Laakiin nasiib xumo, maanta Soomaaliya meelaha uu dagaalku ka dhacayo waa: Suuqii iyo masaajidadii. Taas oo keeneeysa in dad badan oo rayid ahi ay naftooda amaba maalkooda ku waayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Adi camal oo PL markii wax laga sheego soo genmaayo maad i muddaa, laqame?

Ps. Maxaa ku dhacay ur signature? ;)

 

Showqi, waa runtaa sxb lakin dooddu meejaa ma ahan.

 

Xaggeed ka dhacday maalmahan waan ku tebaye? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Originally posted by Maaddeey:

Juxa, filfilq yuusan ku gaarin.
;)

 

Cawaale, beentaada markey ii caddaatay kadib, baa wax igu dhasheen aasaan Jowhar booqday, guess what I found?, here you go:

Jowhar aniga maa ku daabacay qoraalkaan Waxaan fuul xumo gaamurtay ah in aad had iyo goor xiin ku tiraa, caddaalad fal, oo ha igu tacadinin, adna aad dad maqan(Dr.Xaawo) iyo dad joogaba(Aniga) ku been abuuratid!

 

 

True. And Cawale is one of the propaganda masters. If some newpaper reports that Alshabab banned farting, then, for sure, Cawale will post a new topic and lament the evils of this action. It is the end of the world for Cawale. But if AMISOM kills 50 PPL tomorrow, zilch, nothing, no comment, no calacal from Cawale.

I don't want to engage personal attacks with you karl, but let me tell you this.

The Amisom forces killed my cousin at the day they entered Mogadishu along with other young innocent fishermen! and as you can tell there is no way for me to cheer for them.

 

As for accusing me of posting evil topics about the so called "Mujaahidiin" well i say SOL is content management system that archives everything and i dare you to dig them up, and i suspect you lack the skills bay the way. So my cushitic gang why don't you go and get stoned( in gang sense that is of course)

 

 

Bini-aadamnimda ayeey ka baxsan tahay in lagu dagaalamo: Dhakhtar, iskuul, Masaajid, amaba suuq dhexdiis.

Nasiib darro intaba way geesteen ragga walaalkeyga kore uu la safan yahay!.

 

 

Shaw Maaddeey cid walba waa u lawyer. Haddii la af-duubo Dajjaal mindhaa wuu u hadli lahaa.

Tijaal Acwar cidduu yahay ay ku xerantahay sida muuqata ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Cawaale:

]Jowhar aniga maa ku daabacay
Waxaan fuul xumo gaamurtay ah in aad had iyo goor xiin ku tiraa, caddaalad fal, oo ha igu tacadinin, adna aad dad maqan(Dr.Xaawo) iyo dad joogaba(Aniga) ku been abuuratid!

 

Adigaa ku daabacay miyaan ku iri, heh?. Markaad kan soo guurisay, sow midka dambe kuma oollin meesha? ka jawaab! waqtigana fiiri, ha fududaan, qabdah qawiyyah baa ku heysa maanta!, pick & choose!.

 

Muuse Suudi & Sh. Xassan Dahir baad isku mid ka dhigeysaa, markaas baad cid qabiil ku sheegeysaa, is duug waryaa!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I couldn’t read all 6+ pages about this issue but I am still confused about why they seized the center if they are after one man said committed a crime. What has to do the said criminal guard and the Center/Drs. Hawo... The supports explain plz...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Maaddeey, midka hiiraan waa Abaal marin marqaati fur Marwada ku saabsan, wuxaana meesha u keenay si aan dadka u xusuusiyo qof ka ay tahay marwada, ninkuse waxba yahay uu ahaa in aan iraahdo ha i gaarsiinin.

 

Suude iyo Awees maanta kala saar bal sxb?

 

Qabiilkaa sheegeesid maxaa waaye duqa mala moodooyo? mase waa hawadaa ku socotaa duqa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Muuse Suudi & Sh. Xassan Dahir baad isku mid ka dhigeysaa, markaas baad cid qabiil ku sheegeysaa, is duug waryaa!.

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this