Sign in to follow this  
Juje

A Somali Star makes his Debut in the Premiership

Recommended Posts

Juje   

C/salaam Caddaay oo saftay horyaalka English premier league

 

Cadaay.jpg

 

By Sunni Said Salah • January 12, 2010

LONDON, CIYAARO-Waxaa caawa ka soo dhaxmuuqday tartanka Horyaalka dalka Ingiriiska ciyaar ku dhaxmareysay garoonka Man city kooxaha kale ah Manchester City iyo Blackburn Rovers wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan kooxda MAN City magaciisana la yiraahdo Cabdi Salaan Cabdul Qaadir Ibraahim ‘’Caddaay’’.

 

Run ahaantii caawa waxay u ahayd Soomaalida degan dalka Ingiriiska habeen farxadeed kadib markii ciyaarta labada kooxood ku dhaxmareysay tartanka Horyaalka Dalkan Ingiriiska oo dunida dhan si toos ah looga daawanayay uu ka soo dhaxmuuqday ciyaaryahankan mustaqbalka wanaagsan islamarkaana ah Wiil Soomaaliyeed oo muda ka soo tirsanaa kooxda dhalinyarada Mustaqbalka kooxda Manchester City oo ugu dambayntii ku guulaystey inuu u soo gudbo kooxda heerka kowaad ee Man City .

 

Kooxda Man City ayaa waxaa macalin u ah macalinka Robert Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga islamarkaana ahaan jirey ciyaaryahan aad ugu wanaagsan kubadda cagta soona noqday macalinka kooxda Inter Milan ka hor inta uusan noqonin macalinka kooxda Manchester City.

 

Kooxdatan ayaa waxaa iska leh hantiile u dhashay dalka Imaraadka Carabta lehna shirkadatan( Abu Dhabi United Group Investment ) islamarkaana waxaa u safta ciyaaryahano caan ah sida Robinho, Taves, Viera, Adabayor, Koule Toure . Bellamy Shay given, Shaun Wright Philipps, Gereth Barry iyo ciyaaryahano kale, waxaana la saadaalinayaa inay soo iibsan doono laacibiin kale oo dunida magac weyn ku leh kubadda cagta waqtiyada soo socda madaama hantiilaha Carbeed uu doonayo inuu kooxda Manchester City ka dhigi mid ka mid kooxaha ugu awooda badan dunida.

 

C/salaam waa 18 sano jir ka dhashay 1991 markii dalkeenii uu burburey balse waxaase dhalay C/qaadir Mohamed Ibraahim oo ku magac dheer Caddaay oo ahaanjirey Garsoorayaashii kubadda cagta dalka Soomaaliya islamarkaana noqday garsoore caalami ah, waxaan qadka telefoonka kula tiigsaday caawa isagoo ku sugan garoonka Man City si aan wax uga ogaado habeenka taariikhiga ah iyo jawiga farxadeed ee wiilkiisa .

 

Run ahaantii caawa waxay noo tahay dhamaanteen habeen farxadeed Soomaali oo dhan, waxaana filayaa in magacii Soomaaliyeed iyo C/salaan laga sheegayo ideecadaha kale duwan ee laga daawanayo ciyaartan ku dhaxmareysa kooxaha kale Man City iyo Blackburn, aniga waxaan dareemayaa farxad iyo inay tahay tilaabo aan u qaadnay xaga Isboortiga meel fiicana aan mareyno Ilaahna waxaan ka rajaynaynaa inuu nala garab galo guulna uu ka gaari doono C/salaam kubadda cagta Insha Allah, balse waxaan waalidiinta Soomaaliyeed xusuusinayaa inay caruurtooda mustaqbalkooda sidii ay xooga u saari lahaayeen ay ku dadaalan ayuu mudane C/qaadir Caddaay oo markaas ku sugnaa garoonka.

 

Kooxda Manchester City iyo kooxda Blackburn ciyaartii dhaxmareysay waxay ku dhamaatey in 3 Goal iyo 1 Goal ay ku badiyaan kooxda Manchester City, halka C/salaam yarane uu ka mid ahaa ciyaaryahanada Kaydka u fadhiday kooxdiisa., tanina waa biloow wanaagsan marka aan eego da’diisa iyo ciyaaryahanada waaweyn ee magaca ku leh kubadda sida uu wax ula qaybsanayo insha Allahna waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar badan.

 

Waxaa xusid mudan in Isboortiga iyo fanka ay noqdeen kuwo kor u qaadaya magacii Soomaaliyeed tusaale ahaan sanadkii tagay waxaa isna u soo gudbay kooxaha heerka kowaad Seria A ee dalka Talyaaniga wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Ayub Daa’uud , kasoo ka mid noqday kooxda Juventus islamarkaana u safety kooxdiisa 20 –kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, Ayuub waxaa isna dhalay Daa’uud Jeenyo oo ka mid ahaan jirey ciyaaryahanadii hore ee dalka Soomaaliya iyo kooxda jeenyo LLPP ee Wasaaradda howlaha Guud iyo Abtiigiis Ayuub Jeenyo macalinka Kooxda Jeenyo Allaha u raxmadee, dhanka kale Fanka Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan Abdi Warsame ayaa isna lagu wadaa inuu furitaanka Cayaaraha Aduunka ku furo heesta caanka dunida ka noqotey ‘’waves flag’’ 2010 FIFA World Cup, halka ay Culumadii Diinta, Aqoonyahanadii , Siyaasiyiintii indheer garadkii iyo Waxgaradkii dalka Soomaaliyeedna ay hoos u dhigayaan magacii Soomaaliyeed kadib markii ay ku dhaxdooda iskaga mashquuleen.

 

C/salaam Caddaay oo hada ka mid ah xulka Dalka Norway under 19 ayaa la saadaalinayaa inuu ka mid xulka Qaranka dalka Norway kadib markii saakay lagu qorey jaraaidka dalka Norway warbixin ka hadlaysa kulanka uu caawa kooxdiida Man City iyo Blackburn.

 

W/D:Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Man City squad vs Blackburn Monday 11th Jan 2010

 

01 Given

02 Richards

05 Zabaleta yellow card

15 Garrido

33 Kompany

17 Petrov (Boyata 87)

18 Barry

34 De Jong

27 Mwaruwari (Santa Cruz 81)

32 Tevez

39 Bellamy (Robinho 69)

Substitutes

12 Taylor, 16 Sylvinho, 44 Boyata, 08 Wright-Phillips, 10 Robinho, 14 Santa Cruz, 48 Ibrahim

 

Well done :cool:

 

City for the Prem!

Share this post


Link to post
Share on other sites
ScarFace   

With an Italian coach and Arab owners he will shine through the ranks IA, he is a focused and talented holdin midfield player..had the pleasure of kickin footie with him and his brother up in Manchester.

 

Arsenal for the Title mate :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ScarFace   

lool@April....leave the Pool behind keep rooting for City pretty sure they will clinch the 4th spot :D

 

Frustrating at times supporting the big GUNS redface.gifredface.gifredface.gif

 

p.S

 

Marouane Chamakh coming to the POOL....Torres-Chamakh frontline??? :eek: :eek: :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Yes he did play yesterday (24/01/2010) FA Cup full ninety minutes. Things are looking up for the young kid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NGONGE:

^^ He was crap to be honest. But now that they have Patric V, he might learn a thing or two from the master.

War ka fuq igaarka... :D

Mancini had him on the field for full 90 minutes, that should tell you something Ngonge.

Yeah, he is only 19, he will learn a lot from the maestro PV - the kid has a bright future I just hope he is not lured into marfish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Walaahi, my exact sentiment but it seems the family are supporting him and keeping him focused. you know once you see what the life offers to footballers and you practise everyday with the guys you used to watch on TV, i believe motivation takes a whole lot new meaning.

 

Well done to him, and I am sure cheering for him.!

 

Cheers

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Juje, dee ma been ban sheega? :D

I'm a football fan and I was expecting a lot of somali xarragow from this kid (he did make one great cross at one point but everyone missed it. He also set up the third goal). But it wasn't the greatest debut ever. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ngonge rewind the tape sxb, in the first goal it was initially a cross from him. Even the commentator kept on saying "nice ball in from Ibrahim".

I know you are a Kopite like me, at least we will get something to be cheerful about this season if this young dude gets more nods from Mancini.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this