Sign in to follow this  
Showqi

ila qosol

Recommended Posts

xusni mubaarak iyo cidiisa oo diyaarad saaran xilli mudaaharaadka uu socday ayu madaxweynaha wuxuu yiri hadaan 100 pound tuuro waxaa laga yaabaa in cid masar ah oo faqri ilaah ku anfaco ,xaaskiisa ayaa tiri war 2 konton ka dhig si 2 cid u anfacdo ,wiilkiisa ayaa yiri bal afar u qeybi (25) si afar cid u anfacdo , pilot kii ayaa intuu gadaal soo fiiriyay yiri war madaxweyne adiga qudhaada is tuur si 80 million oo masaar ah eey u nastaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Alaabtaan soo socota qosol ma ahan laakiin waxaa Af Soomaliga 2011 lagu hadlo.

 

1. Igu lambary – waa lambarkaaga ii qor

2. Waa baska dambe – waa carmal

3. Waan ka lushaa – waan jecelahay

4. Cid kale ay urarantahay – mid kale ayey la wadaa

5. Gaarigayga maahan – noocan kama helo

6. Igu liq- warka isii

7. Dawami – dhib

8. Wa igu jiq – mobelkaa iga madhan

9. Igu looxo – lacag isii :)

10. Waan tufay- waan nacay

11. Waa igu jug – meel bay iiga taalaa

12. Luuq buu ku jiraa – waa xaas

13. Igu ifi caawa – aynu kulano caawa

14 Wuu dhalaalayaa – dibaduu ka yimid

15. Biyaha dahabka iga daa – beenta iga daa

16. Way tigtigantahay – waa tahriib

17. Jeebkiisaa qoslaya – waa oday

18. Lug bay aastay – way guursatay

19. Tacsibaa utaal – waa lala guursaday

20. Laydhka iga daa iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Waxa la yidhi mid geeljire ah oo aan weligii naag arkin baa maalin maalmaha ka mid ah gabadh qurux badan oo banaanka tuulada maraysa arkay markaasuu is yidhi shukaanso. Gabadhii baa diiday, markaasuu intuu xanaaqay kufsaday. Gabdhiibaa reerkooda u dacwootay, reerkiina odayaashii tuulada ayay arintii soo hordhigeen. Waxaa go'aan lagu gaadhay in nimankii tuulada iyo baadiyeheeda oo dhan lasoo uruuriyo si gabadha kii faraxumeeyey u sheegto kuu ahaa. Sidiibaa la yeelay nimankii oo dhana safbaa la geliyey.

 

Xariifkii dembiilaha ahaa ayaa arkay sheekhii tuulada oo safka dhinaca ugu shisheeya ka taagan markaasuu dhinaca kale ka sii istaagey.

 

Gabdhiibaa lagu yidhi bal soo saar kii waxan sameeyey si loo ciqaabo. Gabadhii dhinacii dembiilaha iyo wadaadka mahee dhinacii kalay kasoo bilowday.

 

Maya kan maah..maya kanna maaha, say u lahaydbay soo gaadhay kii sheekha ugu dhowaa oo tidhi kana maaha.

 

Halkaa markay marayso oo dembiilihii iyo sheekhii keliya hadheen ayuu macalliink is hayn kari waayey, markaasuu intuu soo boodey yidhi...Alla,.. naa miyaad waalatay, oo hadda ma aniga iyo wadaadkaad u danleedahay..lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^LOOOL@na ma angia iyo wadadka u dan leedahay!...wax waalan!

 

Somalina, loool ur list is soo funny...

 

tacsiba u taal macnaheeda I couldn't have guessed walahi lol@ wa lala gursaday!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Farmaraa   

Af- Soomaaliga cusub !!

 

Igu qabo = i sii

I soo gali = i soo wac

Gas ii sii = iga ganbiso , iga war wareeg

Ey aa cunay = waa been , waa sheeko aan jirin.

Film aa ii dhagan= shukaansi ayaan aadayaa , date ayaan leeyahay.

Hebel bac baa ku xidhan = buufis buu qabaa..

Hebel waa naafo = qurbaha ayaa ka yimi/ka timi

Dab ma laha = ma firficoona , waa slow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Loooooooooool Somalina, walaahi qosol daraadiis waa fuuray. Shaaciradii aduunka, tan intee ka keentay...:D:D

 

Kaaga darane waxa meesha ku qoran dhan waa run.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Blue, Thread-kan dadka waalan ayuun baa soo gala. Can't you see: Wyre, Fisher Man, Rudy iyo Mustafe kuligood waa Qac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this