Oodweyne

Somaliland - Dan guud, Talo Wadareed,  Iyo Tol Aan Kala Maarmin.

Recommended Posts

Oodweyne   

Somaliland - Dan guud, Talo Wadareed,  iyo Tol aan kala maarmin.

 

In badan oo Sooyaalka Somaliland ah (ama taariikhda dadka ku abtirsadda) ayaan u soo joogey. Maanta-na, mid hor leh iyo dowlad cusub, ayaa maalin baryey. Markaa, sida ay talo ila tahay, ayaan dul-joogsasho iyo laab xaadhis ku eegayaa:

 

1-  Somaliland, waa dhiigeyga, waa xudunteyda, waa halka aan ku gowracanahay in aan dheef, dhiil iyo dhibaataba kula qaybsado intii calanka towxiidka uu ku qoran yahay ee Somaliland leedahay  uu na mideeyo.

 

Inta uu calankaasu namideeyana, waxa aanan  ku jirin ama aan kamid-aheyn "dabarkaa" Somaliland ay leedahay, inta-sheegatada ah ee "Ilma-Gumeedka" ah (sida kuwa halkan soo tuban oo jooga, magcoodana in aan sheeg-sheego aaney muhiim aheyn). Inta habeen iyo maalin habaarka Somaliland uga akhrisa halkan SOL ah, sida kuwa "Qadaadweynta" ah ee halkan habaarka lasoo fadhiya, oo taladoodu noqotey sidii horey loo yidhi: “Habar dhali weydey, aleelo ku waalatay". Oo aan uga jeedo, markii ay wax ficil ah ay kaga qaadi kari waayeen, Somaliland, ayey "habaar" miciin bideen.

 

2Doorashaddii dhaweyto ee Somaliland ka dhacdey oo aan goob-joog ka ahaa, gaar ahaan, Gobolka Awdal iyo magaalada Boorama, oo aan geeyey “goob-joogayaal” caalamiya oo aan London iska raacney, runtu waxa weeye “tolku” waa "is-boobey" ama waa “is-indho-ciideeyeen”, haddii runta geed loo waabo, oo “wanjalista”, tolku isu geystay, oo meesha ka dhacdey carabka lagu cadeeyo.

 

 Hase-Ahaatee, haddii ninka aad “xudun-wadaaga” aad aheydeen uu “aqligu” ka noqday, ama “damac-rageed” siiyey in uu waxa aad wadar uwada laheydeen uu si “guracan” uu ula leexdo, arinni laba ayey kuu joogtaa ama kuugu soo biyo shubaneysa. Taas oo ah, kow, in adna aad u “dacareyso” oo aad lagudhiso,  ninkaa damaciisa “guracan” ku boobay wax wadar aad uwadda laheydeen iasgu isa siiyey. Ama, laba, in aad ka dhigto, khaladkaas dhacay, wax aan kaweyneyn "garashaddii" inantii tidhi: “naaska uu iqabtey walaalkey, waxa aan kayeelayo marba waa sida aan ka dhigo”.

 

Taas oo ay ula jeeday, in wallalkeed uu ku “khaldamey” oo uu naaskeeda taabtey iyada oo maxarumaadkiisa ah tahay ama walaashiis ay tahay. Hase ahaatee, “falka” ay ka celisaa “khaladkaas” ka dhacay walaalkeed, uu iyadda u yaalo. Oo ama ay awoodi karto in ay kasoo qaato, “Khalad basiid” ah oo dhacay oo deelqaafkiisu uu ka “dhumuc yar” yahay waxa isku haya iyadda iyo walaalkeed oo ah “walaaltinimadda” ay ku suntan yihiin labadooduba. Ama ay waalkeed soo geed-joojiso oo ay ceebeyso. oo ay dad kale iyo tol-ba ay "tusto" in uu walaalkeed yahay nin liita oo walaashii naaskeedu uu xataa uu ka "baxsan" waayay.

 

Sidaa-Daraateed, “Tolka” Somaliland wada leh (gaar ahaan, Beeshe Dhexe oo iyaddu si foolxun isu boobtey doorashii dhaweyto run ahaantii) siiba haddan la hadlo inta ay gaar ay u “damaqtay” dhicistii sida badheedhka ah loogu geystey in wixii lawada lahaa si gaar ah oo wax “Jeegaan” la yidhaahdo loogu samaysto, waxa la gudbaan in ay maanta Somaliland qiimaha ay ku fadhido iyo dhiiga lagu helay ay u “arkaan” in uu yahay wax kaweyn waxa ay aaminsan yihiin in "Jeegaantu" ay ka boobtey. Oo iyaga (Beeshe-Dhexe, ahaan) si gaar ah ugu weynaato qiimaha ay Somaliland ku fadhido. 

 

 Oo ay , Beesha-Dhexe ahaan, isku qanciyaan (gaar ahaan, haddii aan la hadlo beesha aan kasoo jeedo ee tolkay ah ee Habar-Yoonis) in kurisiga Madax-tooyadda Hargeisa yaala ay u arkaan wax ka “meeqaan hooseeya” wixii Somaliland in la helo “wadar” loogu soo marey ama loogu soo hurey. Gaar ahaan, wixii xilka lahaa ee ay Beeshe-Dhexe ahaan ay u soo wada mareen sidii loo heli lahaa Somaliland-ta cusub. Oo Sidaana ay ku qaataan in ay candhuuftoodaas ay dib u liqaan, dalkana iyo jiilasha dambena u “hiiliyaan”.

 

Taas oo micnaheedu yahay in ay arkaan, in haddii tolkaagii rag kuu-xigey ay “geel” Kaa dhaceen (oo aad isku qanciso in uu tolkaa ku dhacay, inkasta oo tolkaa iyana ay la gole iman doonaan, in aaney ku dhicin, ee ay tartankaad wada gasheen ay kaaga badiyeen oo qudha) oo waliba aad arkeyso in “cadow” soo jireen ahina oo wadar cadow idinku ahi uu idiin soo “Libiqsayo”, markaa “talo” waxa ay joogtaa, in aad isku “qnciso” in geela inaaderkaa “Gabiley ula foofay” isagoo “Oodweyne ka boobey” in aad tidhaahdo, waxa ka horeeya in aad ujeesaddo ka “cadowga” ah ee Muqdisho iyo Garoowe ama “dhulkii Faqashta” degi jirtey ee Gedo iyo Xadka Kiinya iyo Somalia u dhaxeeya ku yaaley isga oo jooga soo damaaciyaya geeliinaas aad Somaliland ku maaleysaan.

 

Sababta oo ah, kaasu, waa nin aan wax kuu dabrayaa aanu jirin, oo waliba ah nin u qaba hamuun xoogan Geeliina aad Somaliland aad ku heysataan. Oo wuxuu ku haminayaa sidii geela uu ka dhaco ama uu ka boobo, Hargeisa, Boorame, Burco, Gabiley, Ceerigaabo, Las-Anod, Caynabo iyo Oodweyne, sidii uu ula tagi lahaa ama uu ula hayaami lahaa dhulkaas “Qadaadweyn” iyo “Garan-waa” ay ku nool yihiin. Midhkaas ayaa manta “Tolkay – Habar-Yonis” (ama Garxajis si guud ahaan-ba) la gudboon. in ay fahmaan

 

Taas oo aan ula jeedo, in maanta ay tolkaay, ay “iloobaan” geela laga dhacay Oodweyne ee Gabiley iyo Jeegaani sii holineyso. Oo ay arkaan in rag kale ay doonayaan in inta idinku hadhsan ee aad heysataan (ee aad wadajir uga wada leedihiin, Somaliland ahaan) lageeyo dhul fog oo aanad dib uga heli kareynin.

 

Sababta oo ah, Geela Gabiley la geeyey ee Oodweyne laga boobey, ama “tolnimo” guud ayaa lagu soo heli doonaa berito, ama ilma-adeer, xoolo isku dilay ayeydun noqon doontaan oo dabadeedna “Gadh-cas” ayaa idiin gar-naqi doonta. Markaas, dabadeed, sidii dhaqankeena soo jireenka ah lagu yaqaaney,. Ama "tolka" kale ee Somaliland degan (sida Arab, Dhulbahante, Samaroon, Warsangeli iyo Ciise) ayaa u aqli celin doona, labadiina-ba, oo runta taabsiin doona, Gabiley iyo Oodweyne-ba, gaar ahaan waxa ay xaqiiqdu tahay, gaar ahaan arinta khuseysa geel-kaas aad isku haystaan. Oo beelahaas kale ayaa ka "gar-naqi" doona, inta ay "geed-u-waabaan", labadaas beelood ee "Qaanta" isku haysta.

 

Hase-ahaatee, ninka geel Somaliland leedahay Xamar ula baxsadaa, ama haddii aad adigu usahasho in uu geela-kaas uu Xamar ku maalo oo aad ama adigu aad ugu geyso “geelaaga” halkaas iyo Xamar sidii 1960-kii nagu dhacdey ama aanu isku sameyney, wey ka cawaaqib xumo badan tahay waxa “tolku” gudihiisa ku kala boobo, Soomalliland gudaheeda, oo dabadeed-na uu Hargeisa iyo Gabiley iyo wixii ka shisheeya uu damco in uu ku maalo oo ula foofo, isaga oo aan xataa wax "hadhuub" qaatana oo caana ah, ku dhahoo, aan dooneyn in kaa siiyo, Geel-kaas aad wadarta uwadda laheydeen ee uu boobey.

 

Sidaa-Daraateed, danta Somaliland si guud haddii loo “tafsiiro”, oo waliba talada tolka-na (i.e, Beesha dhexe) haddi si gaar ah loo sii "dhiraandhiriyo", oo aan laga tagin in lama-huraanka biyo-kama-dhibcaanka ah ee beesha Garxajis leedahay (gaar ahaan beesha Habar-Yonis) oo taana la eego (si weyn iyo si yar-ba) arintu iyo taladu waxa ay kusoo "arooreysaa" in "maanta la ilooba Gabiley baa geel ka boobtay Oodweyne Oo Caynabi-na eex kalkaal bey noqotay oo waa ay la galbisey gaal-kaas la boobey".

 

Oo waa in la arkaa in berito-ba ay "Oodweyne ay dib uga soo boobi karto, geel-kaas la dhacay, oo ay kasoo "dhacsan" karto, Gabiley iyo Caynaba-ba, iyadoo Boorama ama Laas-Caanood-ba, midkood ka dhiganeysa garab ka caawiya Oodweyne Geel-kaas dib usoo celintiisa iyo sidii looga soo dhici lahaa kuwaa uu ku maqan yahay maanta". Gaar ahaan haddii aad “damac-rageed” oo guracan oo aad leedahay aad isku tusto in aad adna sidaas lagugu sameeyey, maanta, aad berito sameyso.

 

Laakiin, waxa muhiin ah in aanad siinin "fursad" ninka “Qadaadweyn-ka” ah iyo kan “Garanwaa-ga” ah ee doonaya in uu Geela iyo hantida Beeshe-Dhexe ku soo tacabtey uu la tago oo uu ula foofsado dhul fog, oo aan, "gar-gooyo ah, ama mid ah garansiiyo-tudheed, ama mid kaloo ah garasho-tolnimo ah iyo mid ah go-aan lagu gaadhay gole-wadareed" midkoodna, kaaga soo celin kareynin, Geel-kaakkaas, haddii geeliinaas Somaliland leedahay (ama ka “Beesha Dhexe” leedahay) uu ninkaasi uu la baxsado oo uu dhulkiisaa fog uu la tago iyo ardul Koonfur.

 

 Markaa, tolkay, Beeshe-Dhexe, haddan si guud ula hadlo, oo waliba aan ku daro in yar oo "hoga-tusaaleyn" ah oo aan u jeediyo beeshadeyda, gaar ahaan, "Tolkey" Habar-Yonis, waxaan leeyahay ilmaaderayaal, haysu muuqanina, maanta, oo yaanu idiin muuqan Madaxweyne Muse Bixi iyo waxa aad ugu yeedhaan "Jeegaantiisa" “tartanka doorashadda kadhalatay. Sababta oo ah waa  arin tolka guud ee Somaliland ama ka "Beesha Dhexe" ay ka heshiin karto, marka dib looga wada hadlo “boobkii” aanu doorashadda iskaga sameynay.

 

Laakiin, cadowga Soomaaliya "yurursan" ee jabkaaga "jiileed iyo umadeed" doonaya in uu arko, oo isleh manta ka faa-iideyso, “xurguftaa” dhexdooda taala ee ka dhalatey doorashii madaxtooyadda ee dhaweyto, ha u noqon “gudintii” si wadar ah oo siman laydunku wada wanjali lahaa, iyadoo aan loo aabo yeeleynin ama latixgalineynin, kan ayaa reer Caynabo ah, ama kan ayaa Reer Oodweyne ah, ama kan kale ayaa Reer Gabiley ah. Maadaama, si siman oo isle-eg "seefta Qadaadweyntu" ay idinku wada dhici doonto haddii ay awoodaan in ay idin wanjalaan oo boqnaha idin-gooyaan.

 

Gebagabo-naa waa, in aad yiqiinsato in "Gabiley aaney ka fogeyn Oodweyne" (masaafa ahaan, wada-dhalasha ahaan iyo tol ahaan-ba). Oo ay jirto tolnimo guud oo si kasta oo ay maanta u jilicsan tahay-ba, dabar-adag oo nawada "seeteeya" laga dhigi karo haddii wadar layskugu jilbo-laabto oo dib loo darso wixii "doorashadda" nagu kala gaadhey. Waxaa kale oo jira "dhaqan-soojireen" ah oo loo soo joogsan karo oo umadda dib-u-walaaleyn kara haddii laga shaqeeyo in umadda doorashadda kukala "irdhowdey" beerkooda laysu xaadho. 

 

Oo waliba, ku darsoo, "Caynaba-na, waaba aad u lugeyn kartaa haddaad Oodweyne Joogto". Markaa, garo, in geela aad isleedahay waa lagaa dhacay oo "labadaas magaalo" reeraha degen ayaa halkaas ku maalnaya, in ay arintu tahay mid aad berito soo heli karto hadii “tolka” halkaas degan uu soo celin waayo wixii aad isleedahay wey kaa dhaceen, ama way kaa xaal siin waayeen, gefkaas ay kuu geysteen.

 

Sidaa-daraateed, waxa kugu waajib ah, in aad “heegan” qaran iyo "feejignaan" wadareed u yeelato geela Somaliland wadarta uwadda leedahay ee cadowgaaga, Xamar jooga, uu "gaadayo" ee uu ugu soo heesayo in uu Xamar iyo wixii ka shisheeya uu ula baxsan doono, haddii uu fursad helo. Taas ayaa ah “danta beesha dhexe”, “danta Mandeeqda Somaliland”, iyo “danta hooseysa ee Garxajis ama Habar-Yonis” ay wadajir uleeyihiin, oo ay ku gowracan yihiin in ay fahmaan.

 

Haddii aan si kale u idhaahdo-na, waxaan odhan karaa, geela Maandeeqda Somaliland wadar uwada laheyd ee loola cararay "Gabiiley" iyadoo "Caynabi" qayb ka aheyd boobkaa, meel fog kagama maqna inta tolka ah ee ku nool, Oodweyne, Salaxley, Baligubadle, Boorama, Burco, Ceerigaabo, Las-Canod, iyo Badhan. Oo Geel-kaasi waa "amaah" kaa maqan oo waliba la garanayo cidey ku maqan tahay iyo sidii looga soo heli lahaa marka berito in lasoo celiyo falowgeed laqabto.

 

Waxaase ayaan daro noqon karta in Geel-kaas, Maandeeqda Somaliland ay leedahay, in la dhaco oo loola baxsado Xamar iyo wixii kasii fog. Oo haddii taasi ay dhacdo, ay noqon doonto in aan dib loo soo heli waayo, "hantidaas" in muda ahba lagu tabcayey.

 

Sidaa daraateed, idinku ha noqonina "jidkii" loo soo mari lahaa sidii geel-kaas Somaliland wadarta uwadda leedahay loo dhici lahaa oo Xamar loola aadi lahaa, inta aad mashquulka ku tihiiin geel inaadeerkaa la cararey oo Gabiley la tagey, oo hadduu ugu badsato 5 sano (2017 - 2022) wax ku-eg nacfiga geel-kaas uu maalan doono oo qudha.

 

Maadaama,  geel-aas, inaaderkaa, uu maanta "hagbadda" ku haysto, oo aad aaminsan tahay in "wareega hagbadda" ay markaagii ay aheyd oo uu adiga kaa faro-maroorsatey, waxa la heli karaa in marka uu "5-taas sanadood" qaato oo uu caanahooda ka dhargo, Geel-kaas, uu boobey, in "tolka" guud, tab iyo xeel-ba, waxa ay noqoto-ba, in ay Gabiley laga soo celiyo "hagbadaas" wadar Somaliland uwadda laheyd ee ay dhexda ka boobeen. Ilaahey talada fiican ha ina tuso.

  • Like 2
  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Welcome back Oodweyne. I wholeheartedly agree with the danta guud in principle, but I also know Somali tanaasul has its limits. If it is 5 years plus another 5 years plus another 5 years ... the newborns are already 15 years of age and the masses give up hope. Both sides must understand danta guud. It shouldn't be one-sided. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diktoore Oodweyne,

 

Welcome back old fella. And thanks for the maqaalka walle waa cad gobonimo sida aad u dhigtay. Waana siday tahay. 

 

Wixii khalad ah ee dhacay ama boob ha noqdo ama qalin wax lagu xaday ha noqoto, si fiican ayaa loo darsi doona oo inshallah khaladka dhacay cashar fiican oo wax ku ool u ah umadda ayaa laga barandoona sidii kuwii hore wax looga bartay.

 

Waxaan rajaynaya in doorashadda soo socota noqoto middii aan ku haminaynay ee ahayd xor iyo xalaal. Taas ayuunba dadkan isleh ka dagi karta oo dalkan ku dhismi karaa oo ku hano qaadi kara. Waxaana daliil u ah sida il-saxar ugu dhicin Doorashadii dhawayd dhanka shacabka -- oo shacabku ayagu amaanka iiyo kala danbaynta gadhwadeen ka ahaayeen. Wixii dhacay waxa ka masuul ahaa shakhsiyaad, kuwaana insha allah waa la iska qaban doona. Dhanka Shacabku waa ready in doorasho xor iyo xalaal ah lagu kala baxo. 

 

Qadaadwayn iyo Garanwaaga chance la siin maayo. 

 

Mahadsanid mar kale. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Garashada Soomalida meel dheer haka raadin, waa tan iyada oo kooban.

 

OODWEYNE iyo inta uu wax garad u yahayba.

 

Waa adkaysan haddii qof aan qabiil wadaagno uu xaqdaro igu hayo ama I dhaco ama idilo lol

 

Qaabiil kalase ha I maqashiin  mana ogali. waa dagaal iyo Hoog. lol

 

Dad aan waxba galabsan ayaa maalin walba u dhimanaya waxaas iyo wax lamida bal kawarama.

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ducale   

Khaladka doorashadi dhaweyd dhacay iyo boobka waxa ka daran aflagaadada joogtada ah ee jeegaantu hy/garxajis ku hayso.  Meesha salaadiinti ay xishoonweydey 'dan guud iyo tolnimo' xal u noqonmeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oodweyne   

Holac,

 

Saaxiib, Somaliland, wax badan oo ay qabsatey, "isu-tanaasul" iyo "isu-hambeyn" ayey dhibaato kasta ku soo dhaaftey. Hase-ahaatee, wax aad moodaa in maanta, dhaqankaasi soo jilcay.

 

Taana waxaa keentay, wakhtigii adkaa ee lasoo marey oo laga soo doogay, oo sidii "umusha" loo iloobey wixii "tolka" (gaar ahaan "Beeshe-Dhexe") ay dhib iyo dheef iyo dharag-wadaagba ay soo wada mareen, markii ay "halganka" ugu jireen sidii loo heli lahaa "hashii Maandeeq" aheyd ee ay Somaliland lahayd, ee ku luntay ama ku ambaday, dhulkaas ay degaan "Qadaadweyn-tu" iyo "Garanwaagu" ee "Ardul Faqash".

 

Takalana, raggii "guurtida asalka" aheyd ee lagu baxsan jirey, marka ay tol damacyo kala duwan lihi isku dhacaan oo ay isjiidhaan. sida maanta oo kale, oo dabadeed-na ay ragaasu "kala leexin-jireen", tolkaa "aqli-xumaddu" ay isku dirtey, badankooda, "xulkaas Gadh-caska" ahi, waa ay xijaabteen.

 

Sidaas darteed, ayeyna "instititions-kii" ay hagi jireen oo ah ka "dhitibadda" u aasey Somaliland-ta cusub ee maanta jirta, isla markaana ay ahaayeen Guurti taqaana sida loo furdaamiyo waxa afka-qalaad lagu yidhaahdo "crisis-resolution-ka", waxa aad moodaa in uu soo jilcay, mar haddii ragaasu badankoodii ay xijaabteen oo meesha ay ka baxeen.

 

Kuwii badaleyna, oo maanta ku fadhiya "kuraastii" ragaas hore baneeyeen, waaba kuwa u baahan (gaar ahaan badankoodu) in "Dhaqan-Celis" iyaga laftigooda loo sameeyo, iskaba daa cid kale oo ay iyagu "dhaqan soo jireen" ah iyo "xeer-beegti" ay ku kala baxaan "xigaal iyo xigtooya" u sheegaan ama ku hogaamiyaan.

 

Waana ta maanta la tabayo ee loo baahan yahay. Taas oo ah, "hayaddii dhaqan-siyaasadeed" ee reerihii "tolk-ka" ahaa ee wadar wax uga wada dhaxeeyeen kala hagi laheyd, oo marka sida hadda oo kale ah ay kala yar boodaan, u dhaqaaqi laheyd sidii laysugu soo jiidi lahaa.

 

Tanina waa mid u taala madaxda dalka ee maanta, gaar ahaan Madax-weyne Muse Biixi, iyo Xisbiga Mucaaradka Madaxdiisa, gaar ahaan Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa, Ambassador Mr Ali, maadaama, xataa Reer Awdal oo aan la joogey doorashaddii Madaxtooyadda ee dhawaantan dhacdey ay aad ugu kala jabeen laba qaybood oo "xisbiyeysan". Inkasta oo ay "beelo-hoose" uu kala qabsanaantaasu ku dhisantahay.

 

Markaa, arimahani wax aan filayaa in aad looga wada hadli doono. Hase-ahaatee, waa hubaal in Somaliland ay wax ka "khaldameen" oo ah wax u baahan in si deg-deg ah loo saxo. Warkana, waxaan ku hayaa, Madax-weyne Muuse Biixi, waa "qirsan" yahay in "tolka" (gaar ahaan "Beesha Dhexe") ay u baahan tahay in "beerkooda burcad laysu mariyo", oo si dhab ah laysu "laab-xaadho" inta aan sheekaddan "tolku" ku kala boodeen ee doorashadda ka dhalatey aaney sii fogaan oo anay sii durkin, oo bulshadana,  natiijaddii doorashaddai sii kala kaxeyn.

 

************

 

Barwaaqo iyo Suldaanka,

 

Ilmaaderayaal, waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiinaas. Wadankii waan kasoo helay, dadku waa dadaalayaa, waana niyad-wanaagsan yihiin oo si xad-dhaaf ah ayaa laysu dhex-galay, lawada degay, lakala guursadey, ganacsi lawada sameystay.

 

Oo gobol kasta oo Somalialnd ah oo aad tagto aad ayaa lagaaga soo dhaweynayaa (reerkasta oo aad Somaliland aad ka tahay-ba), waana lays dhex-galay oo si dhab ah ayaa shacabku wax uwadda cunaan, oo cidina wakhti ku lumin meyso baadh-baadhista reerka aad ka tahay Somaliland. 

 

Tusaale ahaan, waxaan Boorama ku soo arkey oo aan kusoo bartey, nin reer Oodweyne ah (i.e., beel ahaan) hase ahaatee ku dhashay Baraawe iyo Somalia wakhtigii Soomaali qaranka wada aheyd, oo hooyaddii tahay beel Soomaaaliyeed oo aanan horey u maqal oo dhulkaas Somalia degta oo beeshaas layidhaahdo "Tuni". Isaguna waxa uu qabaa oo xaaskiisa ah gabadh ka dhalatey reeraha layidhaahdo "gibil-cadka", kuwooda Kismayo dega, maadaama uu halkaas iyo Kismaayo uu kusoo korey oo inantan uu guursadey ay isku soo barteen halkaas.

 

Maantana waxa uu ku nool yahay Boorama oo ganacsi weyn iyo dukaan ku heystaa, caruurtiisuna lahjada "reer Boorama" ayey leeyihiin, oo "Ciyaar Seyliciga-na" waaba ay ku fara-yareysteen, oo waaba ay ii ciyaareen, markii uu guriggiisa igu casuumey oo aan utagay. Oo gabadhii "gibil-cadka" aheyd ee Kismaayo laga soo guursatey oo maanta "reer Boorama" noqotay (si lahjad ah iyo si dhaqan ahaanba) ayaa qaddo sharaf leh noogu samaysey gurigeedaa Boorama ku yaalay oo aad u qurux badnaa.

 

Markaa, dadku wax "cuqdad" ah makala qabaan oo ilaa Ceerigaabo iyo Maydh waan tagey. Waxaan kaloo lugta soo mariyey, intii aan gaadhi karayey ee Sool iyo "Caro Dhulbahente" ahaa, oo waan soo marey oo dhul aanan horey u arag, sida, Taleex, Xudun, Awrbagoys, fiqi-fuliye iyo dhamaan "dhulka dhulbahantaha Nugaaleed" dego iyo Sanaag-ba waa soo marey.

 

Runtii dadkii aad iyo aad ayuu isu guursatey oo waa is dhaqan barteen oo waxaad arki, tusaale ahaan (aan kaftamee) mid "huuno" ah oo ka timid Gabiley ama Boorama oo ganacsi iyo tacab dhaqashaba ku haysta Xudun ama Taleex. Oo waliba kula yaabayaba haddii aad weydiisu waxa Xudun iyo Taleex keenay isagoo ay dhici kartaba in uu Tog-wajaale ama Dilla uu Ku dhashay.

 

Sababta oo ah wuxuu u heystaa in aan Taleex ama Xudun iyo Sool-ba si guud aan looga laheyn, isagoo Galbeed ka yimid iyo Gabiiley ama Awdal. Oo aan laga xigin Sool iyo degaamadeeda, gaar ahaan, mar hadduu Somaliland u dhashay, oo uu dalka Somaliland ku abtirsanayo, wax kasta oo siyaasiyiinta Hargeisa joogta ee is eryanayaa ama isu-muuqda ay yidhaahdaan-ba.

 

Runtii waan kasoo helay sida turxaan la-aanta ah ee dadkii "Afweyne Faqash" isku direy ee uu "hubka" isugu dhiibey, sida ay maanta isu-dhexgaleen oo isu guursadeen, oo gobol kasta jaamacadihiisa ay wax uga wada barannayaan, oo ay "kibista iyo ceeshka", "haasawaha guurka" iyo "macaashka ganacsigaba" uwada qaybsanayaan iyadoon cidina qabiilka aad tahay isku wareerineynin.

 

Waxaana ii muuqatey haddii Somaliland hesho "5 sanno ilaa 7 sanno" oo dambe oo siyaasadda Somaliland tahay mid "degan" sidii ay aheyd intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2010 ee uu dalka xukunkiisa majaraha uu u hayey Madaxweyne Daahir Rayaale,  oo aheyd wakhti degan oo beelaha Somalilland wada lehi aaney is eegeynin oo aaney isu fiirsaneynin, haddii taas oo wakhtiga ah oo kale la helo, waxaan hubaa in sheekadan Majeerteeniya iyo "Halamash Dhabayaco" ay iibinayaan ee ay leeyihiin dhul "harti-land" layidhaahdo ayaa Somaliland naga maqan in ay iska soo afjarmi doonto si fudud oo aan dagaal-ba u baahneyn.

 

Taas waan hubaa oo indhaheyga ayaan kusoo arkey, "xaqiiqda" faham-bulshadeedka ah ee dhabta ah ee "Dhulbahante Nugaaleed" iyo "Mid Sanaag-ba" ay maanta ku sii durkayaan, siyaasad ahaan, waxa ay tahay.

 

Laakiinse, xagga bariga fog iyo "Caro Warsengeli" (inkasta oo aanan tagin doorkan maanta ah) waxa ii muuqata in iyaddu wakhtigii ay siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan-ba iyo niyad-ahaanba ay u "qaramoobi" la haayeen oo ay "abtirsiimadda" dhul-siyaasadeed-ka "Maandeeqda Somaliland" u qaadan lahaayeen uu ka yara dheeraan doonaa ta maanta ka dhacaysa ee hadda sida xawliga ah uga socota "Caro Dhulbahante", gaar ahaan degaan-kooda Nugaaleed iyo kan Sanaag-ba.

 

Sababta oo ah, wali dadka dega "Caro Warsangeli" waa ay ka yara "khajilayaan" in ay "xeedhadda" Somaliland iyo "gunteeda" ay ku soo dhawaadaan oo ay "dheriga" siyaasadeed ee ay Somaliland karineyso, ay dhankooda ka qabsataan.

 

Halka, Beesha Dhulbahante at maanta leedahay, "si cad iyo si kaftan" ahba, waar hooy, "Beesha-Dhexaay", ilmaabtiyaal iyo seediyaal, "xukunka" iyo Madaxtooyadda Hargeisa "furaheeda" iska soo wareejiya, idinka oo aan is dhibin. Gaar ahaan marka lagaadho, doorashadda kursiga xukunka ee dalka ee soo socota ee la qaban doono 2022-ka.   

 

Tana waxa aan uga jeedaa, in si tusaale ahaan aan idiin tuso in magaalo kasta oo dalka ah wax aad ugu tageysaa mid ku odhanaya waxa aan ka imid degmo ama tuulo ku taala gobol aad uga fog meeshaas uu jooga, amaba waabad garan waayeysaa tuulooyinka qaarkood ee dadku kasoo kala hayaameen.

 

Sidaa daraateed, dadkii waxa ay u baahan yihiin oo qudha "niman siyaasiyiin" ah, sida allax-yarxamu, Mahamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kale oo aan dadka beelo iyo jifooyin ukala gurin oo si wada jir isugu haya. Taas weeye, ta maanta loo baahan yahay. Waxaadna moodaa in ladareemay halkii Guurtidii xijaabatey ka baxdey, sida Sheikh Ibrahim Madar, Sheikh Fure iyo kuwa kale oo badan in aan meeshoodii lasoo buuxin.

 

Waase arinta imika si hoose looga wada hadlayo, oo la leeyahay, war sheekadan "deel-qaafeysan" iyo "xanaftan" ka dhalatay doorashadii dhaweyd yaaney sii durkin ee hadda "boogaha" hala "dhayo" inta aan "cad-qudhmay" boogahaasu noqon.

 

Waanan hubaa in "tolku" (i.e., "Maandeeqda Soomaaliland" si guud iyo "Beeshe Dhexe" si gaar ahba) ay taasi ka go-an tahay, oo arintaas goor dhow war fiican ayaa laga maqali doonaa. Insha-allah, khayr ayey noqon.

 

*********

Miyir,

 

Saaxiib, waxba maad soo kordhiyin oo "halamash Dhabayaco" aqligoodii lagu yaqaaney, ee "lab iyo dhadig" midna aan aheyn, oo waliba in uu yahay aqli "labeeb" ah  oo lagu tuhmayey ayuun baad nagula soo dul dhacdey. 

 

Taas-na waxaan uga jeedaa, saaxiib, arinta maaha, in nin tol ah dhicistiis iyo boobkiis aad ogashahay, hase ahaatee aanad ogoleyn nin tol kale ah in uu far ku soo gaadhsiiyo. Ee arinti waa, in ninka tolka ah wax kuu xidha oo kuu dabra, ayaa meesha yaala. Oo haddii taasi shaqeyn weydo, kasoo qaad-ba, markaa waxaa dhici in wixii fal ah ee kayimaada "is-qabsashadiinaas" meel "majrac" ah oo loo celiyo iyo Guurti idiin gar naqda ayaa isaga iyo adigaba dhex joogta. Si kasta oo ay maanta guurtidaasi u "diir-dhaceen-ba" ama ay u "nuxur-beeleen-ba" oo ay u jilicsan yihiin-ba.

 

Hase-ahaatee, kan kale ee Dhulka "Qadaadweynta" kasoo jeeda oo "Garanwaaga" ah, wax isku kiin "seeteeya" meesha ma yaaliin. Markaa, Geelu uu kaa dhaco, haddiiba uu ku jiro xiniinyo intaas le-eg oo uu kugu dhici karo, wax aan "abley" layska liso iyo "maryo-dhiig" leh oo lakala furto, aan aheyn mooyee, wax kale idinma xeer aha oo idinma dhex-yaaliin.

 

Waana sababta aan u idhi, in haddii geel "wadar" loowada lahaa oo Somaliland ka dhaxeeyey, haddii nin "damac qaloocan" lehi uu gaar u dhaco, oo uu isagu isa siiyo, oo dabadeed-na dhulkiisa iyo degmaddiisii Gabiley ula foofo, waxa jira "xeer soo jireen" ah, arin "xisaabtan dhaqameed" ah iyo "sooyaalka tolka" oo noqonaya "xigasho taariikheed" oo marka laysku geeyo, intaas oo dhan, waxa la helayaa "seeto" ama "dabar" xidhaya nin kasta oo damac-guracan leh oo Somaliland u dhashay  inta uu ka "fushan" karo hankiisaas gaaban.

 

Taas ayaa ka dhigeysa in Geela laga dhacey Oodweyne (haddiiba ay taas iska dhaadhiciyaan tolka halkaas degan) oo dabadeed-na Geel-kaas loola cararo Gabiley, waxaa "hubaal" ah in meel fog aanu jirin geel-kaasu.

 

Oo waliba soo celis lagu sameyn soono Geel-kaas iyada oo waliba "gabadho" xaal-marin oo guurkooda lasoo "hibeeyey gabaati la-aan" lasoo raacin doono marka reerka dhacay geelaas lasoo celinayo. Halkaas dhaqan u eg oo ah mid umadda isku haya ayeyna arinto ku dambeyn doontaa. Waa marka geel "Tolku" kala dhacay laga hadlayo.

 

Gaar ahaan haddii "tolka" guud (i.e., Beeshe Dhexe) isla garato in geel Oodweyne laga lahaa la dhacay oo loola baxsadey Gabiley. Markaa geel-kaasi la dhacay waa mid "amaah" ah oo ku maqan reero iyo niman aan kaa fogeyn oo Gabiley degan. Ee ma aha mid aan soo noqon doonin oo la foofsatey.

 

Haddiise, Geel Maandeeqda Somaliland laga leeyahay laga dhaco Oodweyne (Tusaale ahaan) ama laga dhaco meel kale oo Somaliland si guud ahaan-ba uga mid ah, oo dabadeed-na, "Caro Qadaadweyn" iyo "Dhul Garanwaa" loola hayaamo, sida Xamar oo kale iyo wixii Koonfur kasii ah, Geel-kaasi, abid dib loo heli maayo ama wakhti badan ayaa ku bixi sidii loo soo heli lahaa.

 

Haddii, aakhirka, la hela-na, waxa hubaal ah, in dagaal iyo dhibaato badan lagu soo heli doono. Sidii aanu kusoo aragney sidii lagu soo helay, "hashii maandeeq" ee Somaliland laga lahaa ee 1960-kii ku ambadey "Ardul Qadaadweyn". Oo dabadeed-na nagu kaliftey in ay qaadato 30 sanno (1960 ilaa 1991) in dib loo soo dhiciyo oo loo soo furdaamiyo "hashaa ku ambadey" reero kale oo Soomaliyeed deegaanadoodi iyo "Dhul Qadaadweyn" leedahay.. 

 

Markaa, saaxiib, soo baro dhaqanka Somaliland ka jira inta aanad aqligii lagu yaqaaney "halamash dhabayaco", ee aan "dhadig-na" aheyn, "Lab-na" aheyn, aanad nagula dul kufin.  

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ooodweyne,

 

I am surprised you don't know Tuni or Gibil-Cad. You are not as well travelled as I thought you were or at least well-versed in the South.

 

Also, I thought people in the north as is the case in the south are very integrated even despite the decades of conflicts.  Lastly, here's an advice in regards to Dhabacayo, it might not have occurred to you, Warsangale, Dhulos and Mjs have common bond, not just clan wise, so you next time Somaliland wants to coalesce Dhulos and Warsangeli into their inner circle, it is better not trash their brothers. I want you but I hate your brother is not good selling argument.

 

The problem with Beesha Dhexe is that they think their neighbors have no neighbors of their own. So trashing the other half of Harti might not be a smart thing to do.

 

Now, how did the election actually got stolen? We surprised it took a week or so to "count" less a million votes, were ballots stuffed, money exchanged? State institutions used by ruling party?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne, tell us more. How did the cheating take place at places you visited? Self-criticism is healthy in democracy so be honest. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oodweyne   

Folks,

 

It's not really that important to dwell publicly as to what happened in this passed election. Or even start "airing" Somaliland's political dirty laundry in a public forums like this SOL What happened has happened. And besides, most of the political elites (i.e., the nation's insiders) who are the "real shakers and movers" of Somaliland actually know what took place, where precisely it happened, how was it "facilitated".

 

Hence, the most important thing is for the "Tolka" (i.e., Somaliland's political stake-holders in general and those of "Beeshe-Dhexe" in particular) to actually sit themselves down in a private room (as it were) while ensuring they ought not be disturbed by too much of a "public posturing"from any party. Or doing  their "private sitting" under the glare of the media.

 

And once they are in a "secluded" and a private chamber, at least from all sort of "political temptation" to play to the "punters on the gallery", or to those who are on the "cheap seats", they should proceed to admit to each other (at least privately since it's not a good idea to do it in public) of what took place in this passed presidential election.

 

Consequently, that way, Somaliland's political blushes will be spared, which in turn will mean, you will be "taking" stock of what happened without publicly "delegitimatizing" the current "elected" government (and I use the quote sings, in a deliberate way to indicate something).

 

And of course, you can in that sort of "private deliberation" make amends of the "electoral fraud" that, unfortunately took place in the recent election, along the lines of actually setting about a way in which a decent election of the kind that will be a "credit" to our brave people, can be organised, firstly, for the parliamentary election of next year (2019) and then afterwards for the presidential election of 2022.

 

Hence, it's important, that, the opposition party (i.e., Wadani) must not dwell on too much of what took place in this passed presidential election, otherwise what will happen will be a situation that will be akin to what Mr Trump is doing currently, particularly every-time he is told that he is not "legitimate president", since rumors seems to suggest that he was "elected" (notice the quote signs there) with the help of some other third party. Which is the reason he is always fighting the "last election" of 2016 in the US.

 

And this will mean, that the current government of Somaliland must not be "put" in a "naughty corner", in which their "legitimacy" will constantly be subject to "relentless questioning" by the opposition parties, since that will create a "defensive mind-set" on the part of the current government. And that in turn, of course, will stop the whole nation (through its political elites) to take account (in the proper sense of the word) of what took place in this recent presidential election.

 

So that means no need to do a too much of a "public grandstanding" about the recent results, or you can say, that, there is no need to instigate a "parliamentary investigation" into the election, just so that you could coherently determined of what took place. Much less said about the need in establishing a "blue-ribbon commission" that will look into a what took place.

 

And the reason for that, is that, since most "Somaliland's insiders" actually know to a "fine-detail" the degree to which things went off the rail during the election day and the counting time of the ballots afterwards, particularly in some of the "deliberately designated polling stations" in certain part of the country, then these sort of "futile exercises" (of investigating after the fact) will be liable to "exacerbate" the lingering hostilities that exist between the political parties in Somaliland.

 

Hence, when all said and done, as the old Mr Bill Clinton's presidential election song of 1992 by Macwood Fleet had it: "Don't think about it, for yesterday's gone". Which means, yesterday's presidential election in Somaliland is gone and it's been done and dusted with it. But Somaliland's fate is far more important than a mere  presidential election, which is a passing one at that.

 

Hence it's "imperative" to allow the current government its sense of "elected legitimacy" (even if you are finding it a difficult to accept that, or if you could only do that when you swallow with it that notion with a large pinch of salt). Also stop undermining government, particularly in the manner that could be "reminiscent" of the way in which the US's Democratic party are doing currently to Mr Trump's government on a daily basis.

 

And that is important, since a government that is "politically under-siege" at least by the opposition party (or parties) is seldom known to have any time to do anything else for the country other than to "man its political barricade" (metaphorically speaking), or to "pull-up the drawbridges" (politically speaking) or even to "circle-the-wagon" (socially speaking) just so that it can defend itself from the internally-based hostile forces, such as the media and the opposition parties.

 

And this is the reason the current government in Somaliland started talking "tough language" to the media, as soon as they were in power since they already know that the media (who are already smelling blood) will be relentlessly pursuing them in the manner that is exact replica of the way in which most of the US's media are "hounding" the current Mr Trump's government on hourly basis in each passing day.

 

And since the Media will probably have done its "beastly best" always, in-terns of "critiquing" any sitting government, even if Wadani's party were in power, or even if Kulmiye's had won it fair and squarely, but still all that being said the most crucial point in all of these issues is the fact that the "political establishment" of the nation must reach a "gentlemen's understanding" about what took place and how to ensure it never happens again.

 

And, of course, it goes without saying that I wouldn't wish the media to be anything other than its boisterous and irreverent best to all things that could be "defined" as the usual pomposity of the political elites of the nation, just so that the media can keep them on the "honest lane" our decidedly sleazy politicians in which we have in the country. 

 

And, finally, that "understanding" (privately arrived at, of course) ought to be that what happened did indeed happened, since there is no point of publicly dredging it up all the "dead electoral bodies". Which means, let sleeping dogs of the "election skulduggery" lay where they are right now without being disturbed.

 

And for the sake of the nation, this "elected" government (notice, again, the quote sign, that I put it there) must not be harass or harried from the political pillar to post and back again for the sake of "salving the wounded honor" of the opposition Wadani party, who actually know how they were "brilliantly blindsided" in this past presidential election by the ruling government and its party. And are now, they, in turn, are "licking" their political wounds, privately, in their regional party offices across the nation and in their Wadani's party's head-quarter in Hargeisa.

 

And that means allow this government the "political space" it needs to do the "governing business" of the nation. Correct them when they are wrong. But for the sake of the nation, stop being "politically obsessive" about this recent presidential election and move on. And for what is worth, stop "harping" on about it all of this "unfortunate political episode", which took place during this passed election.

 

And, of course, all of these must be done provided the government at least in private "concede" the reality of this passed presidential election to the opposition parties, and therefore "enters" into a "Gentlemen's Understanding" with them in-terms of how to move the country forward now that the "deeds" is done.

 

And this in turn means the government, at least in private, since their party is the one who committed the bulk of the "election skulduggery", must "acknowledges" that "amends" (of both political and legal kind) will be made to "protect" the social and the constitutional integrity of the upcoming parliamentary election of next year (2019). And the presidential election after that in 2022.

 

This is the most politically crucial point for Somailand at this "pregnant juncture" of her recent history. Everything else is wasting time on a futile "navel-gazing" at best. Or at worse, it's down right political  "distraction" in which the nation can ill-afford at this point in time.   

Share this post


Link to post
Share on other sites
12 hours ago, Oodweyne said:

Sidaa daraateed, dadkii waxa ay u baahan yihiin oo qudha "niman siyaasiyiin" ah, sida allax-yarxamu, Mahamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kale oo aan dadka beelo iyo jifooyin ukala gurin oo si wada jir isugu haya. Taas weeye, ta maanta loo baahan yahay. Waxaadna moodaa in ladareemay halkii Guurtidii xijaabatey ka baxdey, sida Sheikh Ibrahim Madar, Sheikh Fure iyo kuwa kale oo badan in aan meeshoodii lasoo buuxin.

 

Absolutely right. Meel aar ka kacay atoor fadhfadhiisay. 

 

I think also, the fact that AMM Silaanyo's last 4 years in power, the system become lax and other family members abused power like a private entreprise. 

 

At the very least, we have someone who is now taking firm decisions at the State house. 

 

We need an affective opposition that will keep MBC tow the line and deliver for everyone and not the certain sections of society as happened during the previous administration. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ha ha ha...😃

 

Oodweyne, wlcm back bro and thank you for answering to my challenge in the other thread in which I asked you to get back online and admit the untenable situation that Maandeeq finds herself in.

 

But naturally, if I might say frankly, I wasn’t  expecting this sort of apologist rhetoric aad la soo shir tagtay. I was expecting the usual domineering and bellicose claptrap from you that the readership here has gotten accustomed to, but instead you pen the most shameful, servile and fawning balderdash that a right thinking person could ever compose.

 

I mean take for instance what’s  this disgusting and atrocious unspeakables that you mentioned ....that Jeegaantu naaska bey iga jiideen oo wey i faraxumeeyeen, laakin sida aan  ka yeelayo 5 sano ka dib baan sugayaa oo waa inaanu iska aqbalno tuugnimadii  Jeegaanta. What utter nonsense?!

 

...and then you have the timid audacity—after taking such a defeatist stance— to claim to speak on behalf of the noblity of reer Sheikh, The Garxajis.

 

I guess the root meaning of the term “Gar-Xajis” flew right by you; for if you did have a grasp of the true meaning of the name then you wouldn’t be nonchalantly advocating the acceptance of the myriad injustices of the so-called Jeegaan and the inevitable concomitant trashing of somaliland’s aspirations of becoming a beacon of “hope, justice and democracy”.

 

But thankfully, your pusillanimous and undignified calls for serfdom to the Jeegaan,  and all the unjust and oppressive social inequalities that they espouse in the north, has been thoroughly and effectively been rebutted by men more braver than you...

 

 

 

P.S

Notice how the first Elder in the clip above  says “ Somaliland waa xiniinyo iyo xiniinyo dabadood”. 

 

I guess, Oodka, you’ve without a shadow of doubt proven that you’re most definitely NOT Xiniinyo; and since your claptrap above proclaim that Jeegantu iney adigaba naaska kaa tuujiyeen...so you ain’t Xiniinyo dabadood, either.

 

Ergo, the only logical conclusion then is that you fall somewhere in between, huh? 🤣😆

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tillamook,

 

Family on family whipping is acceptable so as long as the dreaded south is kept away and boy, isn't Biixi stoking the stance with this let's close the border mantra.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.