Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The two professors: Back to Muqdisho or Minnesota

Recommended Posts

Cali Khaliif Galeyr oo afka furtay, Banaankana soo dhigay balamo looga baxay

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr marna soo noqday Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Khaatuma State ayaa shaaca ka qaaday in looga baxay heshiisyo dhowr ah oo uu la galay Xukuumadii Madaxweynihi Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa uu sheegay in uu hayo heshiis uu la galay Siilaanyo oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in aan weli laheyn cida heshiiskaas fulin laheyd, hayeeshee dhankooda ay diyaar yihiin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka iyo shuruucda lagu tunto ay u baahan tahay cid qaada mas’uuliyadeed,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wadada loo marayo heshiiskaas in la saxo lana fuliyo.

Cali Khaliif Galeyr ayaa xilligii uu ahaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo waxaa uu heshiis la galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana xilligaas wixii ka dambeeyey uu ahaa mid gala safara kala duwan taas oo keentay in uu meesha ka baxo heshiiskaas.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo xayiraad ku soo rogtay laba Professor oo caan ka ah Soomaaliya

Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland.

Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi.

Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay.

Sida ay Caasimada Online u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi.

Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan.

Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Khaliif GALAYR: “Cirka ha soo leefto cidii naga sheeganeysa Somaliland”

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ka dhacay magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay halkuu ku dambeeyay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba.

Dr Galeyr ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ilaa hadda fulin heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoona ka dhawaajiyey ujeedka ay u dalbadeen in la furo dastuurka Somaliland.

“Heshiiskaanu Somaliland la saxeexnay ee magaalada Caynaba ku kala saxeexanay bishii October 20-keedi 2017-kii, Youtube-ku ku jira meel walbana waa yaala, ‘Baabu-ijtihaad-maftuux’, Haddii aad raadineysan, qodobadiisi kama wada hadli karo, waxa muhiim ah in aan isla ogolaanay in heshiiska la hirgeliyo, qodobka ugu dambeeyana wuxuu leeyahay, cidii maamuulka kan ka dambeysa qabata, waxa maslaxad loogu yahay, inay fuliyaan oo ay hirgeliyaan heshiiskaa, mana hirgelin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadaan leenahay Somaliland baanu-nahay ee cidii Somaliland iga sheeganeysa inay i qanciyaan ugama baahni, waa ahay Somaliland, cirka soo leefa”.

“Bal cidda naga leh ee odhaneysa adiguna haraa baa tahay, ana mujaahid baan ahay, dadku hadeyna taariikh wada-laheyn oo wax la isla ogolyahay, balaayo waxay ka dhacday waxa hada nool wax iskuma hayaan, war taariikhda isku haynaa, bahashii haday abtirsiimo ku qorantahay, dee waxan isku nahay ma jirto, cid walba abtirsiintiisa iyo geeliisu aadaya”.

Dhinaca kale, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa la waydiiyey ‘haddii uu heshiiskaasi fuli waayo, muxuu noqonaya mustaqbalka Khaatumo’, wuxuuna yiri:

“Inaan dagaal soo qaadi doono iyo inaanu tabliiq wadi doono taladaa dad baa leh, laakiin aniga la igu cabsi galin mayo himika ma dagaal baad nagu soo qaadeysa, hadey gartaan dadkaasi, go’aanka iyaga leh”.

Xigasho  

Share this post


Link to post
Share on other sites

Less than two years after this thread was created, one is back in Muqdisho.

Maxaa ka jira in Cali Khaliif uu Muqdisho ku yimid martiqaadka Farmaajo?

Cali Khaliif Galyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatuma State ee ku biiray Somaliland islamarkaana ka dhisnaa gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan socdaalkiisa.

Caasimada Online ayaa ogaatay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa socdaalka Cali Khaliif Galyr oo maalmo ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib socdaal uu uga yimid dalka Itoobiya.

Madaxweynihii Khaatuma State Mr Cali Khaliif Galyr ayaa magaalada Muqdisho u yimid sababo caafimaad kadib xanuun uu dareemay, ayada oo ay qoyskiisa kula taliyeen in uu aado Muqdisho si loo daaweeyo.

Ehallada Mr Galayr ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku jiro Isbitaal ku yaalo magaalada Muqdisho islamarkaana laga daaweynayo kiliyada, sidoo kalane lagu sameynayo baaritaano caafimaad.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa warar sheegaya in Cali Khaliif Galayr uu u yimid Muqdisho marti-qaad uu ka helay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana loo adeegsan doono kicin dadweyne oo ka bilaawda gobaladii Khaatuma State ee ku biiray Somaliland kadib markii ay la heshiiyeen hogaaankii Madaxweyne Siilaanyo, balse taas ma muuqato.

Xigasho

_______________

Haddee runtahay xanuunka haayo, Eebbe haka caafiyo - aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 hours ago, Che -Guevara said:

We wait for Samatar😁

Both are really hopeless specially Ali, always looking for something at wrong place.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Cali Khaliif is not a poor man who would go for major diseases like kidney issues to Mogadishu. He can afford to go to Dubai like most Somalis who have money.

Let us wait for the real news.

One thing is for sure,  the Reer Woqoyi are the biggest engines of the Farmaajo government as we speak.  Jamal, Bayle , deputy premier Khadar, Maareeye, and others are shining at the moments.

I do not want to brag but the Reer Woqoyi has certain swagger to do things and might be more serious in life than most southern politicians. Also Farmaajo has huge support from certain segments of the Reer Woqoyi at the moment. 

 

 I would advise Farmaajo to give the major security posts to the pro-union Reer woqoyi if want to succeed and ditch the do nothing and sqaubelling D and Hag blog.The Kacaan could have moved an inch without the able men of the North. Ismaaciil Cali Abokor, Ahmed Saleebaan Dafle, Muusr Rabiile, Ahmed Sillanyo, Cumar Carte, Mohamed Hawaadle Madar, and many other moved mountains and made the Kacaan achieve major things from 1969-1977.

It was Abdirisaaq Haji Huseen who aided the northern class in a big way when in 1964 he changed the working  language to only English which made the north the best civil servants. The grieving Reer Woqoyi would never mention this . but it changed the landscape in favour ofv the north. Imagine an exam for pilots and engineering heading for Germany in in 1967 were the Reer Woqoyi won 26 out of 28. Can you imagine the injustice, because the test was administered in English.

The Southern elite is more educated today than ever before, yet, my pro northern bias  leads to me that they might not be serious men for the national project. 

Suldaanka iyo Xertiisu waxay yidhaahdaan Motoorkii baan qaadanay, qolftiina koonfur ayaan uga tegnay. So Farmaajo should bring back the brain.

 

Wax baa lakarinayaa baan u malaynayaaye bal aan sugno. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

He said he went to Mogadishu for personal issues he will be back. Galayd resting home is in Somaliland. Galaydh since 1991 flipflopped only once I don't think he will ever do that again it will only tarnish his rep. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ali khalif
Way u cuntami la'dahay inuu snm la shirkoobo faysal waraabana qado ugu yeero.

Puntland wuxuu ku qaabilay calaacal daciifnimo iyo waxba nooma ogola.

Dawladda dhexe ee soomaaliya meelna ugama muuqato uu ka geli karo.

Maamul gaara oo dadkiisii lakala qaybsadayna ma dhisi karo.

Safaradiisu waxay u badan yihiin dalxiis iyo hawo gedis aragtidayda.

Xalka aragtidayda waa mid fudud.

Puntland hala heshiiyo waligiisna yuusan ka sugin inay gooni u maamusaan.

Waxaa la yiri hadda ka hor yaa reer masago ama (hadhuudh) karsanaya, intaysan biyihii kululaa ku darin xabad masago ah, jinni ku dhex darsaday.

Markii ay bislaantay wuxuu reerkii u sheegay inay xabadiisii masagada ahayd, ay tarmisay dherigii oo buux dhaafay.

Muran dheer ka dib wuxuu reerkii ku qanciyay inay sacab mugiis ka qaataan dheriga oo ahayd intii ay markii hore ku shubeen dheriga.

Puntland ayadaa leh Dr.ali kaalay isku hooyo iyo aabe yaan nahay ee wax igu darso, ma jirto sabab uu hargayso marti ugu noqdo.

(Nin dhirbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrtaa abide)

Waxaa la rabaa inuu calaacalka iska daayo puntland waa beesha ugu xabad neceb soomaalida oo dhan marka laysku daro waxaana u malaynayaa inay ugu wacantahay dhaqaalaha iyo jacaylka dumarka.

Wax ku darso aydoon laydiin gar naqin bay iskood u gar qaadan doonaan, laakiin ka faa'iidayso intay isku beel baan nahay ee walaalow noo imow ku leeyihiin.

Suurta gal ma'ahan inuu aqoontiisii faysal waraabe la ag fariisto waa tiir iyo tacab beel.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni

Luqunta sare u taag oo catawga iska daa. Aduunka waxa loo yaaba kolka taxi-driver uu Prof afka ku taago. Awoowe, Prof. Cali Khaliif kaa aqoon badan adiga, una malayn maayo in adiga oo kale wax ka dhagaysanaayo.  

Faysal Cali Waraabe shaashadda ayuunba ka baratay, kabahiisa ma gaadhid.  

 

Anyway, Halkan waa Professor Ahmed Ismaciil Samatar oo dood dalka Sweden kaga qayb galay dhawaan.

 

 

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
14 hours ago, Suldaanka said:

Gooni

Luqunta sare u taag oo catawga iska daa. Aduunka waxa loo yaaba kolka taxi-driver uu Prof afka ku taago. Awoowe, Prof. Cali Khaliif kaa aqoon badan adiga, una malayn maayo in adiga oo kale wax ka dhagaysanaayo.  

Faysal Cali Waraabe shaashadda ayuunba ka baratay, kabahiisa ma gaadhid.  

 

Anyway, Halkan waa Professor Ahmed Ismaciil Samatar oo dood dalka Sweden kaga qayb galay dhawaan.

 

 

Suldaan
Saaxiib aqoontu waa waraaqo qofkii bartay jeebka ugu jira, waa wax asaga kaligiis anfacaya, haduu garto sida loo adeegsado.

Taxi driver iyo geel jire xaq bay u leeyihiin inay ra'yigooda dhiibtaan.

Malab hadii lagu shubo weel aan nadiif ahayn lama dhadhamin karo.

Aqoonta hadii lagu shubo maskax aan nadiif ahayna waa la mid.

Puntland waxba nooma ogola waa eray aan meesha oolin ama qaban aragtidayda.

Puntland waxaa laga rabaa in laga helo wax maysku darsanaa (bas) 

Hadii laga helo waxaa ku xigta si sax ah noogu qaybiya waxaan isku darsanay.

Waa la arkay labo nin oo walaalo ah oo dhaxalkii aabahood isku qabsatay, ama isku dilay.

Balse lama arag nin doonaya in reer dhari ay karsadeen, saxan la ag taaganaado, soomaalinimo iyo qabiil ahaan labadaba aan kuu doonayn.

Tusaale
Hadii puntland lagu dhex dilo, ama lagu dhirbaaxo, ina khaliif soo aasa yaa la oranayaa ama waa kuma ninka dhirbaaxay Diktoorka.

Hadii hargaysa lagu dhex dilana faqashka maydkiisa naga fogeeya yaa la oranyaan.

Waad ogtahay waxaan kuu sheegaya inay sax yihiin, markii beeshaada jeegaantu dulumtay maxaad maamulka puntland ugu biiri wayday adigoo calanka buluugga ah wata?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.