Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The two professors: Back to Muqdisho or Minnesota

Recommended Posts

Holac   

The good professor is not being honest with us.  If the only explanation he could come up with to justify the dismemberment of Somalia is a casual conversation he had with warlord Muuse Suudi, then that is disgraceful.

The man is very emotional, compared to his brother. Intaa wuu qaylinayaa.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Professor samatar is a patriotic Somalilander  who saw the light.  Taubadu wey furantahay. I think his brother  abdi samatar is wasting his time  on the koonfurians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Ceebay tacaal. Wuxuu Soomaalinimo ku baroortaba maanta dagaal qabiil buu dhexda uga jiraa. I never took these two brothers seriously. I always sensed dishonesty from their Somalinimo talk. Even when both of them were with the unionist side, they used Somaliland issue to get leverage,  and score a point against Puntland or the Somali government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

Professor xanuunsan Somali uunbaa lagehella.

There's reports today that the professor ka in uu 50 ari  ah uu cidamada Tukaraq ugu deeqay...for Qabiilo isku haysto imaginary border..and yet brags he lectured over 59 Jamacadood the world over...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nin misaan leh ma'ahan, sababta loo geeyay tuko-raq waxaa ugu horaysa aragtidayda in uu reer boorame ku dhiiri geliyo  siday godob uga geli lahaayeen walaalahooda soomaaliyeed

Maamulka hargaysa wuu ogyahay in gudaha waqooyi galbeed ku xoogaysanayso kala qaybsanaanta shacabka oo aad ugasoo horjeeda dagaal aysan naf u hayn.

Tani waa qayb ay ula jeedaan qalab urrursi aan macno badnayn.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
27 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Ninkaan Caynaanshe not only Samatar bahlaha ka jafay, but dhulka uu ku jiiday. Caynaanshe looma gali karo, is he Saalax adeerkiisa?

 

indeed qofka runloowga ah is far more important nahaab aqoon badan leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

So he finally entered the black hole of petty tribal feuds?  Manna la yaabo yaasinka!   "Waxbarashadiisa" ma saan ayaa u dambeysay?   Ninkaani waligiisa fudeedka soomalida ku arkay ayuu necbanaa laakin waaxaa yaab eh asaga ayaaba fuedeedkaasi qabo. Waxaan soo xasuusto anaa Tiifiiga ka dawaanayo dood uu ka qaybgalay. Marka uu wakhtigiisa dahamaaday intuu si aqoonyahanimo uu dhageysanlahaa dadka kale  wuxuuba ku xanaaqay qofka dooda soo abaabulay. He was asked why he was leaving the debate and he answered in a very ego-centric way "I need more  time to explain these issues". It didnt occur to him that the other academics he was debating also needed to talk hence  their is a good reason why a debate time of 20 minutes is more then enough.

 

Ducaale is correckt when you get the feeling that when he speaks its all  about him.

 

 

I

Share this post


Link to post
Share on other sites

War nagadaaaya qoladinan koonfurianska shalay  marku xamartina idinla joogay waad jeclaydeen. Now that he has abandoned your sinking ship called  failed state Somalia.  You do character assasination on the good.man the professor is a Somalilander and works for his people and he is part  Now of the ruling kulmiye party of Somaliland. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

After spending a considerable and reflective time spent in cold climates of Minnesota lately by both barfasoorada and increasingly becoming despairing men, one recently wrote a harsh article, lambasting and castigating Muuse Muqayil's incompetency.

__________________________

Samatar oo weerar culus ku qaaday Muuse Bixii kadib markuu waayey siduu rabay

Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, qayb weyna ka qaatay ololihii uu Madaxweyne Muuse Biixi u galay doorashadii kal hore Somaliland ka dhacday, ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo dhisay xukuumadiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa inuu soo dhiso xukuumad kooban, taas bedelkeedna wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu laabtay aragti uu sheegay inay gabowday oo ah in la buun-buuniyo magacaabista.

Ustaad Samatar, oo degen dalka Maraykanka oo uu ka yahay macalin jaamacadaha dalkaas ka dhiga xidhiidhka caalamiga ah,  wuxuu qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda iyo qaybta Somaliland. Wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar, ka sokow isbedelada uu waddo Dr. Abiy Axmed ka hadlay xaaladda Somaliland iyo hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Professor Samatar, wuxuu ka hadlay doorashadii Somaliland iyo guushii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in guushaas KULMIYE ka gaadhay doorashadaas kal hore iyo farxadii taageerayaashiisa hadhaysay ay u muuqato mid cimrigeedu soo koobnaanayo.

Wuxuu sheegay in dareenka rajada sare lahaa ee la qabay ay ku salaysnayd shanti tiir ee lagu saleeyay ololihii xisbiga KULMIYE “oo kala ah” ayuu yidhi  “Xoojinta is haysashada bulshada, dhaqaajinta korriin dhaqaale oo ay la socoto ilaalinta deegaanka, dib u dhiska hay’adaha waxbarasho, wax ka qabashada caafimaadka dadwaynaha, iyo dib u cusboonaysiinta xidhiidhka caalamiga ah—- wuu uumi baxayaa.” Ayuu yidhi qoraalka Samatar.

“Sidaasdarteed” ayuu ku yidhi Macalinku qoraalkiisa, “Waxa cad in dhamaan dadku ay galeen waxa ay u yaqaaniin reer Somaliland Amakaag iyo yaab.”

Professor Axmed Ismaaciil Samatar, isagoo soo bandhigaya qodobada shacabka ku keenay warwarka waxa uu tiriyay qodobadan.

Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday Somaliland.

Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

Biixi waxa uu si u bogis mudan, oo go’aan adayg ah u yareeyey musuqii fadeexadda ahaa ee dakhliga dawladda lagu samaynayey, gaar ahaan ay wadeen masuuliyiinta sare ee dawladdu. Si kastaba ha ahaato ee, raadka ka dhashay koritaan la’aanta dhaqaale, sicir bararka, qiima dhaca lacagta Somaliland, heerka aadka u khatarta badan ee shaqo la’aanta dhalinyaradu maraysaa waxa ay ifafaale fool xun u tahay dhaqaale la’aanta mustaqbalka ka soo muuqda. Abaaraha isdaba joogga ah, iyo engaga  dhulkii ku dhacay, waxa uu Somaliland ku keenay in dad aad u tiro badan oo ah dadkii baadiyuhu ay u soo guuraan magaalooyinka waaweyn ee tirada yar.

Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

Inkasta oo ay deriskeeda iyo meelaha ka sii durugsanba ka socdaan isbedello yaab leh oo isa soo tarayaa, haddana Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad lignaan iyo qaangaadhinimo la’aan ah oo ka haysata dhinaca fahamka waxyaabaha adkeeyey aqoonsiga, iyo sida oo kale ka faa’iidaysiga, isbedellada Istaraatijiga ah ee socda.

Ma jiro wax caddaynaya in wasaaradda waxbarashada iyo xitaa wasaaradda caafimaadka dadweynaha la siiyey mudnaantii sare iyo dib u habayntii ay mid kastaa gaarkeeda ugu baahnayd. Waxa ay dunida casriga ah oo dhami ka midaysantay aaminsanaanta ah in mudnaansiintan muhiimka ah ee labadan hay’adood ay aasaas u noqonayso soo saarista raasamaal dad oo tayadoodu aad u sarrayso.

Labada xisbi mucaarad waxa ay noqdeen ma dhalays , waxa aanay u muuqdaan in aanay illaa imika awoodin in ay keenaan dhaliil lafagur iyo raynrayn abuuraysa oo rayid ah. waxaaba intaas sii dheer, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI oo helay boqolkiiba 43 tirada codadka guud, in uu weli ka dul barooranayo jabkii gaadhay. In ka badan sannad oo laga joogo doorashadii, WADDANI muu muujin wax calaamad ah oo muujinaya in uu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh – Kaas oo awood u leh in uu si adag u sii haysto taageerayaashiisa tirada badan, dibna u ceebtiro aragtidiisa ku aaddan Somaliland, si uu ugu guulaysto in uu muwaadiniin badan oo dheeraad ah dhinaciisa u soo jiido, isuguna diyaariyo tartanka soo socda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Barwaaqo   

Maalin kasta ishaydu  waxay qabataa boqolaal war oo nagative ah oo Koonfuria laga sheegayo inaan u duceeyo mooyee waan ka xishoodaa fidintoodda. F&G Hadii Bisadi ku jabto Shankaroon, xumaan bay ka raadiyaan! “Annagu Koonfuria dooni mayno, xumaanna u gaysanayo mayno”

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne made some good poins kooonfurians  are a weird bunch for them future  legacy building a tomorrow for the next generation. Is all secondary. For them it's  the loot the cash the auction selling what ever you can sitting in meetings with the white masters acting all professional  but it's just a monkey in a suit. Everything has a price tag  there is no xeer  there is birmageydo. There are no values or priniples when we talk about the politicians in the Amisom protectorate. Scamingkan ngo scamming iyo lacagahan ay  gaalada kaboobayan they think they smart but the Europeans know the game.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.