Che -Guevara

Somali Government Arrests Abdirahman Abdishakur

Recommended Posts

15 hours ago, Mooge said:

 niyoow qatar is running the show and they are killing farmaajo's reputation because qatar wants to turn somali goverment camp into like the Houthis who are ruthless and must be feared. it is a tactical advice qataris are getting from Iran. qatar thinks that UAE and Saudi only understand Hisbullah style force with unapologetic attitude and must be feared. it is a big joke they are playing on the poor somali people niyoow. 

 

 

wow..Iran

The truth is Turkey has the most influence both in Somalia and Ethiopia on how they navigate in this Qatar-Saudi/UAE. I guess mentioning Iran gives another fake politics of Shiia vs Sunni. In this gulf fake squable the modus operandi is "you are either with us or with our enemy". I am nuetral in this instance means I am with Qatar, which is the right choice, because of Turkey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 hours ago, cadnaan1 said:

mooge first i m not unuka secondly walaahi somalia waxay ka dagi la'dahay waa *** iyo *** labadaas oo sidii ajuuraan oo kale mapka somalia looga tirtirin waxba ma hagaagayaan.

 

 

You hate us because you ain’t us, son! 😆

 

Cadnaan, in the future, please refrain from posting such woefully disgusting incontinence and keep your genocidal wet dreams to yourself.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

HORDHAC

Dalka Soomaaliya waxa uu soo marey marxalado kala duwan kadib qaran-jabkii dalka ku dhacay sanadkii 1991 markaas oo xukunka xoog looga tuurey Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo xukunka inqilaab ku qabsadey sanadkii 1969, dalkana u horseeday Dowlad keli telisnimo ku dhisan.

 

Jamhaddii USC ee u hartey magaalada Muqdisho, dalka uma horseedin nabad, lamana imaan qorshe ay ka iibin karto Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn in ay la timid wax loogu yeero aargoosi taas oo dalka dhaxalsiisey dagaalo beelo ku dhisan, oo sababtey in la difaaco Madaxweynihihii xukunka laga tuurey. Dagaaladaas ayaa sababey in ay maalinba weji yeeshaan oo sarifmaan, waxaana dagaalo culus ay dhexmareen isla jamhaddii USC oo u kala jabtey laba garab, oo awooda isku qabsadey, isla USC waxaa ka dhex samaysey garab kale oo loogu yeeri jirey SNA, kaas oo isaguna u sii kala jabey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cismaan Caato iyo Gen. Caydiid waxaana dagaaladaasi sababeen dilka Gen. Maxamed Faarax Caydiid. Kadib jamahadda USC waxay u sarifantey ilaa 8 Jamhadood oo dhamaantood Muqdisho kuwada sugan ilaa laga gaarayo sanadkii 2000.

Tan iyo sanadkii 2000 Dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya waxaa burburkeeda soo dadajinayey;

 

1- Hogaamiyayaasha la doorto oo aan la imaan Siyaasad mideysa dadka iyo dalka

 

2- Madaxda oo durbaba qaada wadadii Kali-Talisnimada

 

3- Dib u heshiisiintii oo lagu bedalo dagaal horleh

 

4- Dowlado shisheeye oo farogelin ku hayey Soomaaliya

 

5- Mucaarad ka imaaneysey isla Soomaalida dhexdeeda ah oo fursad u diidey dowladda

Laga soo bilaabo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000, waxaa jirey mucaarad wejiyo kala duwan lahaa, kuwaas oo mar hubeysnaa oo ahaa hoggaamiye kooxeed, mar ahaa wadaado sheeganaya in ay dalka diinta ku xukumayaan, marna ahaa siyaasiyiin aan hubeysneyn laakiin qabta shirar kala duwan, sidoo kale Dowladihii soo marey dalka ayaa lahaa mucaarad isla dhexdooda ah oo ka imaanayey baarlamaanka aan ku dhisneyn nidaamka Xisbiyada, iyo khilaafaad ka dhex aloosma Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.

 

Waxaa taas usii dheer in hogaamiyayaasha lasoo doorto ay mar walba dhexda u galaan kooxo ay iyagu sameysteen oo talada dalka kula wareega nidaam aan sharci ahayn. Dantoodana laga hormariyo tan shacabka iyo dalka.

 

Farmaajo Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii u horeeyey ee xukunkiisa la kulantey mucaarad aad u xooggan, kadib markii uu Xasan Cali Kheyre u doortey Raysalwasaare, waxaana xilkan isa siiyey in laga soo magacaabi doono beelihii awooda ku lahaan jirey Muqdisho ka hor sanadkii 2007. 

 

Doorashadii Farmaajo waxay ahayd lama filaan, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne xilka haya iyo Raysalwasaarihiisii oo tartanka ka wada qayb-galay, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne hore, doorashada qoyska uu ka soo jeedo ee Daarood waxaa ka digtey Dowladda Itoobiya oo markaas dano gaar ah ka lahayd in Xasan Sheekh Maxamuud markale la soo doorto.

 

Xulashadii uu doortey Xasan Cali Kheyre inkasta oo magaca guud ee beel ahaan beesha la siiyey laga yimaado, ayaa beelaha waaweyn ee awooda is bidey siyaasiyiintooda iyo weliba ganacsatadoodu noqdeen kuwo mashiiqsada oo Madaxweynaha Ganbar ugu fariista.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqdey xiddiga calanka u sida mucaaradka ka soo horjeeda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo weliba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hubeysneyn kaas oo ku kooban siyaasad oo kaliya [shirar iyo dhaliilo] waxaana taasi oo u baneenaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa soo baxay shaki weyn oo muujinaya in uu socdo dhaq-dhaaaq la doonaayo in xilka looga xayuubiyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, mayee intaas waa uu ka sii weynaadey waxaana la dooney in la helo 2/3 Xildhibaanada Baarlamaanka si Madaxweynaha xilka looga tuuro.

 

Marna ma dhicin dowladihii Soomaaliya isu soo bedalay laga soo bilaabo 2000 in la isku dayo in Madaxweynaha Mooshin laga keeno oo la isku dayo in awooda laga xayuubiyo iyada oo lala tiigsanaayo Khiyaano Qaran, waxaana jira shaki laga qabo in Mooshinkaas loo adeegsanayo dhaqaale ka yimid dalal shisheeye, sidii horey u dhici jirtay doorashooyinka Soomaalida.

 

Weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur

Waxaa habeenkii Isniintu soo gelyeysey weerar ciidamada amnigu ku qaadeen guri la sheegay in uu ka socdey shir lagu diyaarinaayey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaa hawlgalkaas ku nafwaayey shan askeri, oo ilaalo ahaa waxaa ku dhaawacmey oo xabsiga la geeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey u soo noqdey Xildhibaan, Wasiir iyo Musharax Madaxweyne.

 

Siyaasiga la qabtey ayaa kamid ahaa siyaasiyiin lagu tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixayaan Mooshinka aan weli soo bixin laakiin dabka saaran.

Tallaabadan maxay uga dhigan tahay siyaasiga la xirey? Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha / Xukuumadiisa? Iyo dhamaan cidkasta oo mucaarad ku ah Dowaladda Madaxweyne Farmaajo ama ha hubeysnaadeen ama yeysan hubeysnaanin, Xildhibaanada labada Aqal iyo Dowlada Gobaleedyada?

 

1. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur xariga loo geystey waxa uu isaga uga dhigan yahay fursad qaali ah oo la siiyey, waxaa kor u kacaya tageerada ay u hayaan kuwa isaga horey u taageersanaa ama dhaliilsanaa Dowladda, siyaasigan oo horey ay uga hari weydey magaca ah bad buu gatey ayaa la dhihi karaa xariga la xirey waxa uu u sameeyey suuq siyaasadeed uu isku deyi karo in uu damac kale ka galo hoggaanka dalka.

Soomaaliyada Cusub

 

2. Qorshaha lagu xirey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la aaminsan yahay in uu yahay qorshaha cusub ee Raysalwasaare Kheyre ee Soomaaliyada Cusub, kaas oo ah in la isku dayo wax cusub oo aan horey u dhici jirin, sida uu dalka Maraykanka uga dhawaaqey Kheyre lama oggolaan doono, dhex-dhexaadnimo xitaa, lamana oggolaan doono cid horjoogsata Soomaaliyada cusub oo mucaarad sheeganaysa.

 

Guuxa Khayre iyo weerarkii lagu qaaday CC Warsame ayaa muujineysaa isku kalsooni la’aanta xukuumada Khayre oo lugaha hadda u gelisay wixii ay ka baqayeen oo ah Kacdoonkii kasoo horjeeday oo sii xoogeysta iyo waliba iyagoo jabiyey Dastuurkii dalka ee muwaadinka u fasaxayey inuu fikirkiisa si xor ah u dhiibto, Jeclow ama Necbow waa Dastuurka dalka u yaal. Meeshu Maaha Kuuriyada Waqooyi.

 

Tilaabadaan waxay sidoo kale meesha ka saareysa fikirkii ahaa in xukuumada cusub ay tahay mid Dimuquraadi ah oo siyaasad cusub la timid maadaama ay dib ugu noqtay dhaqankii Kali-Talisnimada ee horseeday burburkii Qaranka.

 

Dowladii Militariga ayaa halheys ka dhigan jirtay in ay Aaseyso ama duugeyso “Qabiilka”, taasi oo ay shacabka ku maadeysan jireen sida ay runta uga fogtahay. Hadda Xukuumada Khayre ayaa dood ka dhiganeysa Qaran dumis baan ka hortagayaa iyadoo kursi u dagaalameysa kuna tumaneysa Dastuurka dalka, waxaa mooda Qaranka la difaacayo inuu yahay Kursiga Raysalwasaaraha ee la isku heysto.

Dowlada waxay horey u mamnuucday:

 

1- Mudaharaadka (Waxay Tiri Amniga ayaa khatar galaya)

 

2- Xisbiyada (Waxay tiri waa soo wadnaa “Mashruuc aan Dhamaan”)

 

Dowlada Hada waxay wadaa:
1- Fikirkaaga ma dhiiban kartid
2- Mucaarid ma noqon kartid
3- Ma shiri kartid!

 

Tani waxay ummada soo xasuusineysaa hadalkii Allaha u naxariistee Faarax Gololeey ee ahaa “Afisioone aad (Villa Somalia la jir) ama Afgooye aad (Xabsi gal) ama Afkaaga heyso!”

Fariinta ku socota Xildhibaanada
Weerarkii Cabdishakuur ayaa sidoo kale la oron karaa wuxuu muujinayaa in Raysalwasaaraha markuu ku guuleysan waayey soo jiidashada Xildhibaanada uu bilaabay olole lagu bartilmaameedsanayo Xildhibaanada Mucaaridka ah oo ay Xeer Illaalintu dalbatay in xasaanada lagala noqdo si loo xiro, waana khamaar kale oo siyaasadeed oo ay xagjirnimo ka muuqato.

 

Fariinta ku socota Dowlad Gobaleedka
Weerarkii Cabdishakuur wuxuu sidoo kale fariin u dirayaa Dowlad Gobaleedyada oo ah in hadii xukuumada Khayre iyo Farmaajo ay cudud militari u helaan inaysan ka waabaneyn isticmaalka awoodaas sidii ka dhacday Cadaado. Taasi oo keeni karta in Dowlada Gobaleedka ay ka cago jiidaan wadashaqeynta dhabta ah ee Federaalka taasi caqabad kale ku noqoneysa midnimada Qaranka iyo qorshayaasha hada socday sida dib u dhiska ciidamada Qaranka. 

 

Maxamed Cismaan

Horseed Media 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saan ayaa la rabaa. One down, few more to go, starting with the scared mouse that is hiding in Dubeey, kii la dhahaaye Uusbuur. Magaca aabihiisa heybada lahaa ayuu aad ugu dheel dheelay. Hadduu aabihiisa, whose daljeceylnimo was very renown, noolaan lahaa asagaaba xabsiga dhigi lahaa.

 

I hope to those who are jubilantly cheering this arrest for qabyaalad will equally cheer the arrest of Uusbuur when it will eventually come to.

Share this post


Link to post
Share on other sites
15 hours ago, cadnaan1 said:

mooge first i m not unuka secondly walaahi somalia waxay ka dagi la'dahay waa *** iyo *** labadaas oo sidii ajuuraan oo kale mapka somalia looga tirtirin waxba ma hagaagayaan.

 

It is ridiculous to equate PL'ers to the anarchists of the last 30 years, PL nacayb yeysan ku qaadin. Qaswadayaasha Somalia last 30 years waan wada ogsoonahay sxb. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

cadnaan1, haha. i am not unuka kulaha.  walaha xaasid ba tahay niyoow. bismilaahi. why do you want to massacre somali people?

 

anyways, more than 90 MPs are now very upset at the situation kheyre and farmajo plunged the nation into. i think farmaajo may not survive this. latest theory is that this was a trap for Farmaajo by some insiders working with the opposition and he fell right into it niyoow. 

 

niyoow kheyre is a just an empty head. he knows nothing about what this country went through and that guns used by the government will not work to make things better. he completely alienated one of the most important clans in somalia by humilating them and killing people who did nothing. most people i call in mogadishu are saying he is detached from reality and doesn't understand somalia at all. they called him empty head. from what is brewing in mogadishu,  his days of being PM are numbered. 

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

It is a mess. No need to sugarcoat this one way or the other. It is a big mess. The fact that not even a simple arrest warrant was issued speaks oceans about the impulsive thuggish nature of this amateurish raid. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Abdishakuur is free man they have released him tonight but why did so many life's have to be lost for his arrest only to be released after 3 days.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

This is bad move from Farmaajo and Khayre, and very amateurish politicking. This guy Abdishakur was never a political heavy weight but they made him one now unnecessarily. Let him talk and say all he wants but to to go your way to arrest an non factor and kill many young men in the way is beyond comprehension.

 

Hassan Culusoow you used to face worse opposition than what Farmaajo is facing now, but I can not remember him going and arresting an opposition member like this. It is counter productive and damn wrong. Tell me what are they getting out of it except causing clan hatred and giving ground to Al Shabab? Nothing. He is out now more embolden and empowered by this experience, and I am sure he will milk it by presenting himself to his clan that he is their saviour.

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 hours ago, Che -Guevara said:

The Government loses credibility if it buckles under pressure. Don't arrest him in the first place but if you do, let the process take its course.

 

I think we can all agree that PM Kheyre’s  plan to use lethal force against Mr. Cabdishakur has failed miserably, which proves to all  the prime minister’s dilettantish leadership skills and amateurish practice of politics.

 

If they accuse the man of a serious crime such as high treason( Khiyaamo qaran),  then why in the hell was he allowed to walk scot free?

 

Tsk tsk tsk...

 

  • Like 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

It is a typical Somali government moves of the last 27 years.  

 

Hebel ayaa polisku soo xidheen oo jeelka Hargeisa la dhigay. waxa lagu eedeeyey in uu wax dhacay, iyo dembiyo kale oo waaweyn. Dhawr cash ka dib odayaal baa madaxweynaha u tagay oo ninkii waa la soo daayey. 

 

Ninkii oo la soo daayey shirjraa'id buu qabtay o dawladii ayuu dhulka ku jiiday.

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.