Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre uses public funds to organize lavish party for supporters to threaten opposition

Recommended Posts

Deeq A.   

x5-1.jpg

 

x3-1.jpg

 

 

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad loogu magac daray Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya.

 

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.

 

Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.

 

Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.

 

Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.

 

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda Wuxuuna Raiisul Wasaaruhu sheegay in Kulanka Bisha soo socda ay Qayb kale oo ka mida Wasiiradda hor imaan doonaan sidan oo kale Shacabka.

 

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culimada Somaliyed oo hadlay, ayaa mar isdul taagay Mooshinka suuqa kujiro ee laga wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Waxa uu Shiikha usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ineysan wax lacag ah siin Xildhibaano uu ku sheegay iney xaaraan qaadanayaan hadii lacagahaas la siiyo.

 

Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka oo mideysan ay ceejinayaan Xildhibaanada wada mooshinada ka dhanka ah Madaxda Dowladda Somaliya.

 

Sidoo kale Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigay Heeso ka dhan ah Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha, Waxaana laga jeediyey hanjabaad ka dhan ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku kacsan dowladda.

 

Munaasibadan ayaa waxaa ku baxay Qarash farabadan oo Dowladdu ay ku abuuri kartay Fursado kale oo wax loogu qaban karo Shacabka, iyadoo ay si toos ah Munaasibaddu uga baxaysay Telefeshinadda UNIVERSAL iyo SNTV, iyadoona ay tabinaysay Shirkad qaabilsan Sattelite-ka oo lacag badan ku qaadatay tabintaas tooska ah.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not surprised. There is no financial accountability in Somalia. In the US, any Republican or Democratic Party event is paid for by the Party. In Somalia, all money in the central bank is there to be used by the government. When the government  leaves office, the boxes are always empty. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

haha. the kheyre guys is a playboy. lol niyoow we need to fight this cancer called alshabab ee party hanoo dambeyo marka hore. kheyre should get off his behind and get ready for war.  who cares if some politicians are against government. they are spending too much worrying about what others are saying about them.  

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this