Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Mowliidka ku dartay Maalmaha fasaxa Shaqaalaha Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Radio Muqdisho u sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this