Sign in to follow this  
Deeq A.

Pictures: President Abdiweli pays a visit to Garowe Airport under construction

Recommended Posts

Deeq A.   

 

 

1-15.jpg?resize=1000%2C667 2-15.jpg?resize=1000%2C667 3-13.jpg?resize=1000%2C667 4-13.jpg?resize=1000%2C667 5-5.jpg?resize=1000%2C667 6-5.jpg?resize=1000%2C667 7-3.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0041-Copy.jpg?resize=1000%2C653 IMG_0046-1.jpg?resize=1000%2C622 IMG_0094-Copy.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0145-Copy.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0153.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0181-Copy.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0224-1.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0234.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0288.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0296.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0327.jpg?resize=1000%2C580 IMG_0331.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0351.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0357.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0377.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0390.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0394.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0401.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0409.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0414.jpg?resize=1000%2C667 IMG_0421.jpg?resize=1000%2C667

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 Nov 2017 kormeeray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah. Kormeerka Madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey garoonka diyaaradaha magaalada Gaoowe ayaa waxaa ku wehelinaayey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Axmed Karaasha, masuuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, waxaana sidoo kale  dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalaga Gaalkacayo isna dhisaya shirkadda CCECC taas oo laga leeyahay waddanka China, isla markaana waxa ay shirkadda CCECC  dhowaan bilaabi doontaa dhismaha waddada Garoowe – Eyl iyadoo hore u dhistaytay dhismaha garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Shirkadda CCECC ayaa sidoo kale dalka ka wadda mashruuc horumarineed oo kale kuwaas oo wax tar u leh mustaqbalka shacabka Puntland iyo dawladda doodaba, ka sokow fadliga Alle ee gulahaasi waayen inoogu qabsoomeen ayaa waxaa dedaalkooda, dardargelintooda, dhirindhirintooda iyo hirgelindoodaba leh xukuumadda uu hogaaminayo  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland, Danjiraha dalka China ee Soomaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ayaa waxa ay kormeer kadib wakhti ku qaateen Hotel Garand ee Magaalada Garoowe. Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa booqday xarunta warbaahinta dawladda Punrland ee magaalada Garoowe [PUNTLAND TV AND RADIO ], waxaana uu sheegay safiirku in xaruntu tahay mid shaqadeeda iyo wax qabadkeeduba caalamka oo dhan ku baahey, isla markaana bishay bilicda, quruxda iyo waanaaga dawladda Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, sigaarana hadda iyo jeer shacabka ugu ifisa wax qabadka dhaxalgal ka ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxqabadkaas oo ku qotoma dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

 

Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay kormeer ku tegeen xafiiska ay shirkadda CCECC ay ku leedahay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu safiirku kula kulmay qayb kamida shaqaalha  shirkaddaasi.

Ugu danbayn, Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay xarunta Hidda Raac Garoowe kaga qayb galeen qado sharaf  ay ku marti qaadeen madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay qado sharafta kadib kulamo la qaateen qaar kamid ah masuuliyiinta hay’addaha dawladda Puntland.

 

Source: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, the Turks have a good reputation in the Engineering/Construction industry. I believe that this particular company's lack of deep resources and the minimum funds allocated for the project created the situation in Garowe. Under this situation, the Chinese company may have performed better. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

LSK, I always thought the reason they awarded this Turkish company was to entice Turks to invest in Puntland. It seems that hasn't materialized.

 

Puntland should continue putting more emphasis on the Chinese. Let's hope CCECC does build Galkayo Airport and Garowe-Eyl Road.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow the meeting between chinese ambassador and abdiweli was historic. it was really a big deal if you check out the details. the chinese know they have a friend in Puntland and are doing everything they can to deepen the ties. 

 

good day for puntland. guul iyo gobanimo. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this