Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif arrives in Mogadishu to join campaign to impeach Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Image result for sheekh shariif muqdisho 2017 november

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inuu Sheekh Shariif waqtigaan imaado Magaalada Muqdisho iyadoo ay dowladda dhexe wajaheyso cadaadis siyaasadeed oo aad u weyn. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ka tirsanaa Musharixiintii uu Farmaajo kaga guuleystay tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula saftay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna Magaalada u imaado inuu ka sameeyo qorshooyin meesha looga saarayo Madxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

 

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa dhawaan dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay madax ka tirsan dowladaas, waxaana lagu heshiiyey in Magaalada Muqdisho laga bilaabo ololo weyn oo looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee go’aanka dhex dhexaadnimada ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha walaalaha ah ee Khaliijka. Sheekh Shariif ayaa kulamo Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiinta sida weyn uga soo jeedo dowladda Soomaaliya, waxaana maalmaha soo socdo la filayaa inuu isna Muqdisho soo gaaro Cumar Cabdirashiid oo Siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta.

 

Siyaasiyiinta dowladda Mucaaradka ku ah ayaa Magaalada ka bilaabi rabo ololo aad u xooggan oo lagu doonayo in lagu kiciyo baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka, waxaana la doonayaa in meesha laga saaro dowladda Farmaajo. Sheekh Shariif ayaa maanta kulamo xasaasi ah Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiin ay ugu horreeyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaano kale. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu ka qeyb qaato ololo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qorshahaan wadato dowladda Imaaraadka Carabta oo arrintaan usoo wakiilatay shakhsiyaad ay kamid yihiin:

 

1) Cumar Cabdirashiid

2) Sheekh Shariif Sheekh Axmed

3) Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

iyo Shakhsiyaad kale oo aan inta lagu soo koobi karin.

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Recycling the same failed politicians and expecting a better result eh? And we will then ask ourselves why are we in this state of affairs..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow shariif is a good guy. people only missed him after qoslaye came. but the quran teacher is wiser now and he gained lot of outside experience so he can win next election i will not discount him. but first, he must bring down Farmaajo and i think that is what is working on right now. he is dangerous. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this