Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Fallanqeyn: Muhiimadda socdaalka Farmaajo ee gobolka

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta tagay magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Djibouti ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar kamid ah dadlalka gobolka ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu taageero uga hello dagaal ay dowladdu qorsheyneyso inay kaga jawaabto weerarkii Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen. Horey madaxweynaha wuxuu u soo maray Uganda iyo Ethiopia. Hadaba Safarka Madaxweynaha ee dalalka gobolka ee markii horeba ay ciidamo ka joogeen Soomaaliya muxuu ku soo kordhin karaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maxaase ka duwan doorkoodii hore oo ay dalalkan ka qaadan karaan la dagaalanka Al-Shaabab.?  Su’aalahaa iyo kuwo kale ayuu wariyeheenna Maxamed Cabdi Xassan Weydiiyay, Professor Cabwahaab Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha gobolka. Khadka taleefanka ee Nairobi ayuu kula xiriiray.  

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this