Sign in to follow this  
malistar2012

President Terrible budget reducing Soldiers Salaries &biased distribution

Recommended Posts

President Terrible budget reducing Soldiers Salaries &biased distribution to Federal States

 

Dood ka taagan Miisaaniyadda iyo Lacago aan isla ekeyn oo u qoran maamul goboleedyada (Akhriso)

by A M | Saturday, Jul 15, 2017 | 6993 views

 

 

 

 

July 15 (Jowhar)— Muran iyo dood ayaa ka dhashay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, iyadoo arbacadii la soo dhaafay la hor-geeyay Baarlamaanka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii ay dhamaatay miisaaniyad KMG aheyd ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyneysay lixdii bil ee la soo dhaafay.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qaladaad badan ay ka jiraan miisaaniyadda sanadkan, iyagoo farta ku goday meelaha qaladaadka ka jiro sida dhaqaale la siinayo maamul goboleedyada dalka

 

Xogo la helay ayaa muujinaya in maamul goboleedyada dalka ay dhaqaale fara badan ku helayaan miisaaniyada hor-taala Baarlamaanka, iyagoo u qoran lacago aanay isku mid aheyn.

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa lacagta ugu badan helaya oo dowladda Dhexe ee soomaaliya siin doonto, waxaana uu helayaa lacag dhan $4,675,000 (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun).

 

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu helayaa lacag dhan $2,695,000 (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shankun)

 

Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa si isku mid ah iyana waxay u helayaan lacag gaareysa $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun)

 

Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso ayaa noqday maamulka ugu lacagta yar, waxaana uu helayaa lacag dhan $700,000 (Todobo boqol oo kun).

 

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir oo ah xarunta dowladda Federaalka ayaa u qoran lacag dhan $7,000 000 (Todobo milyan oo dollar)

 

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibbi ayaa sheegay in miisaaniyada ay qaladaad badan ka jirto, isagoo xusay in maamul goboleed deked leh oo dhaqaale fiican soo gala ay u qoran tahay lacago badan, halka maamul goboleed aan dekedo laheyn ay u qoran tahay lacago yar.

 

[​IMG]

“Anaga meelaha aan bidhaamin doono ayay ka mid yahay Maamul goboleeydada kuwo lacag badan u qoran iyo kuwo lacag yar u qoran, waliba maamul goboleed deked leh oo dhaqaale fiican soo gala ayaa lacag badan u qoran, tusaale ahaan Koofur Galbeed waa meesha ugu bulshada badan tahay dalka oo dhan, waxaa ku nool 4 milyan oo ruux, hadana waxaa la siinaa hal milyan oo aan badda u shaqeyn, halka afar milyan la siinayo meelihii daqliga yaalay”ayuu yiri Xildhibaan Ibbi.

 

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa sheegay in si aan cadaalad aheyn loo dhigay miisanaiyadan, isagoo xusay inay Wasiirka Maaliyadda ka sugayaan inuu fasiraad ka bixiyo.

 

“Wasiirka Maaliyadda ayaa ka sugeynaa inuu fasiro, sida ay ku kala lacag bateen maamul goboleedyada kuwa dekedaha leh iyo kuwa aan laheyn, waxaa anaga qiyaasaneynaa dowladda bajadka ay siiso maamul goboleedyada inuu sinaado”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim.

 

Waxaa kaloo iyana dood laga keenay dhaqaale u qoran rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana rugta ka dhex jira khilaaf dhexdooda ah oo ay labo garab u kala jaban yihiin.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ka doodaya miisaaniyada loo soo gudbiyay ee lixda bilood ah, waxaana suurta gal ah inay hareyso doodo kulul iyo muran la xiriira miisaaniyada iyo qaababka lagu saleeyay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arrimaha dooda ka taagan ayaa waxaa ka mid ah mushaarka Ciidamada ay qaadanayaan, waxaana bil kasta askariga u qoran lacag dhan $100 kaliya, taasoo Xildhibaanada ay sheegeen in aan la aqbali karin.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo qarka u saaran inay dib u celiyaan Miisaaniyadda sanadka 2017

by master | Sunday, Jul 16, 2017 | 3414 views

 

 

 

 

July 16 (Jowhar)— Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka doodaya miisaaniyadda sanadka 2017 oo maalmo ka hor ay u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa qarka u saaran inay dib ugu celiyaan Wasaaradda miisaaniyadda sanadkan 2017 ee ka harsan 6-da bilood.

 

Xildhibaanada ayaa doodo culus ka keenay miisaaniyada iyo qaabka loo dejiyay, iyagoo ku tilmaamay inay ka jiraan qaladaad iyo cadaalad daro, waxaana ay su’aalo adag ay ka weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda.

 

Dooda ku saabsan miisaaniyadda oo maalintii labaad gashay ayaa marka la soo gaba gabeeyo lagu wadaa in cod loo qaado, waxaana laga cabsi qabaa in Baarlamaanka uu diido.

 

Arrimaha dooda ka taagan ayaa waxaa ka mid ah mushaarka Ciidamada ay qaadanayaan, waxaana bil kasta askariga u qoran lacag dhan $100 kaliya, taasoo Xildhibaanada ay sheegeen in aan la aqbali karin.

maxresdefault.jpg

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in askari qaadanaya $100 aanu Amni sugi karin, sidaas darteed ay doonayaan in mushaarka ciidamada la kordhiyo, isagoo xusay in shaqaalaha dowladda ay guryahooda ku qaataan lacag $1000, isla markaana askarigii ku sugnaa jiida dagaalka ee jiifay dhaxantana uu qaadanayo $100.

 

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa muran ka keenay bajadka loo qondeeyay maamul goboleedyada dalka oo qeyb ka noqday miisaaniyada sanadkan ee dowladda Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in dowladdu la wareegto ilaha dhaqaale ee ay leeyihiin sida garoomada iyo Dekedaha.

 

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan cadaalad aheyn in maamul goboleedyada lacago aan isla sineyn la siiyo, iyadoo maamulka Puntland uu yahay kan ugu badan ee lacagaha loo qondeeyay qaadanayo oo gaaraya illaa afar milyan oo dollar, halka maamulka Hirshabelle uu yahay midka ugu yar ee qaadan doono lacag dhan todobo boqol oo kun.

 

Si kastaba ha ahaatee dooda Xildhibaanada ee miisaaniyada lixda bilood ee sanadkan ka harsan ayaa laga yaabaa inay sii socoto, lana soo gaba gabeeyo illaa maalinta berri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALI dhib badanaa, for the first ever States are getting money, from the FEDERAL government, yet they still making noises.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

These Xildhbaans from Hirshabeel are showing their true tribal colours. Xildhibaan oo xaal qaado.

 

The money for Puntland is coming from the World bank and not from the TFG coffers. it is a money they have assigned for training and paying for the civil service. Puntland had to meet stringent conditions in terms of proper audit trail for existence of these Civil servants and putting in place good framework of financial management. It has been in the pipeline in the last three years and they only partly released it last year.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This money is from the world bank. The amount of money given to regions is equivalent of their responsibilities and their government operations. AS of now, South West region only runs Baidoa and small pockets of lower Shabeelle, and HirShabeelle does not have police, army or government bureaucracy to pay yet.

 

Puntland is a functioning state with government ministries, police and other government services. It does need more than the nascent regions. It is only logical.

 

So, these "Xildhibaano" should focus the real issues. The Salaries of the soldiers must be increased.

 

Also, this large Mogadishu bureaucracy who are more than five thousands should be reduced. Other than the security apparatus, the government operations should be minimal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Galbeedi you are right. Hirshabelle barely exist and it just in name. The few services that exist in the towns come under it, is provided by the TFG and Amisom(security). For example, education, security, healthcare still come under the TFG.

 

Also, why pick a fight with Puntland when Puntland has welcomed this new admin. They could learn a lot from it instead going through whole lot new learning curve.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this