Sign in to follow this  
Che -Guevara

Fighting Over Grass Is as Old as the Somali Nation

Recommended Posts

Puntland Galmudug Agreement

 

I am surprised they agree on this let alone anything else. I give this few days. Hopefully, I will be proven wrong.

 

In si nabad ah loo wada daaqo Naqa,ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan in ay soo galaan dhulka Naqu ka da’ay ee Puntland, si taas loo hirgaliyana waxaa laysla gartay.

 

http://hobyonet.com/2017/06/20/dhagayso-dhamaan-qudbadihii-laga-jeediyay-hashiiska-gaalkacyo-ku-dhex-maray-puntland-iyo-galmdug/

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dhulka naqu ka da'ay?

naqu ma da'ee waa soo baxaa waa roobka waxa da'

 

wariyaashu inay afkooda bartaan si wanaagsan waa muhiim.

 

inta badan colaadu waxay timaadaa marka xooluhu naqa daaqaan, hadana dararaan, cad iyo caano yeeshaan.

 

markaas ka dib reer miyigu meeshay ilaahay u shukrin lahaayeen intooda badan, bay xasuustaan dakano ama aano waayo hore ka maqnayd.

 

Tan kale puntland waa talaabo wanaagsan inay dadka soo dhawayso abaartu hayso,waxaase la yaab leh ayagoon hub wadan,hasoo naq doontaan!

 

kuwa reer puntland hubkooda ma dawladaa haysa?

 

si kastaba waa arin wanaagsan ceebu kuma jirto in dadka wada noolashahooda laga shaqeeyo.

 

Markeeda hore iyo aakhirkana waa walaalo, dhulkuna xuduud ma leh waa dhul soomaaliyeed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^Isbuuc kahorteed bay mooryaan Galmudug ka timaday dad ku layeen Puntland. Adna waxaa leedehay hubka maxa looga dhigayaa??? Reer Galmudug dariis wanaag kula ma dhaqmaan reer Puntland.

 

Hadii aan la xalin nidaam laanta ka jirta Galmudug oo police adag iyo ciidan macna leh oo so qabta dadka rabshada wada - wax heeshiis oo soconaya ma jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

alpuntland

saaxiib reer miyigoo dhan nadaam kama dambeeyaan mana aqoonsana wixii madaxoda kusoo dhaca way ku kici labada dhinacba

 

balse waxaa jirta dhaqanka dilalkooda ama aanooyinka yaa kala badalan dhaqan ahaan

 

waxaa laga yaabaa dhanka cadaado intay qof dilaan inay hadana subag beeca kaa iibiyaan marka waagu baryo.

 

Reer puntland'se kuma dhacaan,mana aadaan jihadooda xataa haddii roob badan ka da'o.

 

Aakhirka waa walaalo, allaha hadeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni, the violence and aggression is one-sided. I don't think reer Galmudug understand coexistence and compromise. They conflate Puntland's willingness to make peace with weakness.

 

And unfortunately, there are no political or traditional institutions that can implement things that do agree to.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Che

arintu waa labo qaybta miyiga ama reer guuraaga iyo qaybta maamulka iyo siyaasiyiinta

 

Qaybta miyiga,reer miyigu daciif ma noqdaan labada dhanba way yaqaanaan sida wax loo dilo hubna way hsystaan cid kalana kama amar qaataan.

 

Qaybta maamulka ama siyaasiyiinta waa xaqiiq in puntland u dhawdahay maamul habaysan oo kala dambayntiisu wanaagsantahay

 

taasna waxa keenay maamul ma'ahan waa shacabka odayaasha dhaqanka culumida haweenka oo inta badan xumaanta u xaliya si ka duwan gobalada kale

 

Tusaale qofkii iyo qoyskii ay arkaan inay xumaan wadaan waxay geliyaan diiqad nafsi ah oo ay dareensiiyaan inay ka duwan yihiin bulshada kale.

 

Runtiina waa dhaqan wanaagsan oo bulshadu iskood u samaysteen

 

Galmudug waxaa ku badnaa dagaalada sokeeye xeerar badan baana ka lumay.

 

maamulkuna dhex gal fiican kuma laha bulshada ama dhaqaale ha ahaato ama wacyi gelin kale ha noqotee

 

Reer miyiguna wuxuu dhaqaale badan ka helay dariiqa isku xira galkacyo ilaa cadaado meel u dhaw, jufo walbana intay degto bay dawlad ka tahay canshuurtana ka qaadataa gaadiidka ku safraya, maamulna ma jecla waayo waxba kama soo galaan ismana dhex galaan.

 

Dad wabaagsna way ku jiraan balse ciqaabtu way salfanaysaa xataa inta wanaagsan.

 

Markaad cadaado gaarto ilaa iyo matabaan oo ka bilowda hiiraan ayadana dhaqan kale iyo maamul kale yaad u galaysaa runtiina wanasgsan.

 

Hiiraan ilaa jawhar agteedana sidoo kale waa dhaqan kale ilaa maashaa allaah koonfur ku tag, maamulka dhabtaa waa bulshada iyo hab dhaqankooda saaxiib.

 

kuwa xalaasha cuna oo u roob raacay puntland ayagoo hubkooda wata yay la noolaan karaan reer puntland sidaan qabo waana dhaqan hore oo soo jireen ahaa.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this