Sign in to follow this  
Saalax

War criminal Silanyo to UN: 1.5 Million Somalilanders on the brink of starvation

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaaca ka Qaaday 1.5 Milyan Qof oo Reer Somaliland Qarka u Saaran Yihiin Macaluul

 

 

Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday in hal malyuun iyo badh ka mid ah muwaaddiniinta dalkiisa ay soo food-saartay halis nololeed oo ka dhalay xaaladda abaaraha kulul ee xilligan waddanka ka jira.

 

Sidaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dhawaaqay kulan uu qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wefti miisaan culus leh ka socda Qarammada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah oo socdaal ku yimi caasimadda Somaliland shalay.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa xalay, weftiga oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada ahna isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadanimada iyo Wakiilka haya’dda UNDP Mr.

Peter de Clercq waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ugu bandhigay xaaladda abaaraha adag ee dalka ka jira iyo saamaynta dhinacyada kala duwan leh ee ku yeesheen nolosha dadka, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka Somaliland.

 

Kulan muhiim ah oo Madaxweyne Siilaanyo la qaatay weftiga UN-ka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada, waxa dhanka xukuumadda Somaliland ku wehelinayey wasiirrada Degaanka, Warfaafinta, Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru-dawlayaasha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibedda, Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Siilaanyo oo kulankaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn uga mahadnaqay weftiga hay’adaha Qarammada Midoobay socdaalkooda Hargeysa.

 

“Mudanayaal iyo marwooyin, farxad iyo sharaf bay ii tahay in aan idinku soo dhoweeyo Somaliland, waxaanan si mug leh idiinkaga mahad-celinayaa booqashada qiimaha leh ee aad ku timaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland. Booqashadiina in muddo ahba waannu naawilaynay iyo in kulankan maanta inoo qabsoomay uu hore u dhaco, laakiin haddana caano daatayba dabadood la qabay. Qaran ahaan waxaannu Qarammada Midoobay uga mahad-naqaynaa taageerada iyo gargaarka aad noo fidisaan iyo yuhuunta ay nagula shaqeeyaan hay’adaha UN-ka ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale, waxaannu dareensanay in aannu u baahannahay gargaar iyo taageero ka badan ka hay’adaha UN-ku haatan noo fidiyaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu weftiga Qarammada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah (International NGO) uga warramay baaxadda dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ba’an ee ka jira dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba aad u tabaaleeyey, waxaannu yidhi; “Mudanayaal iyo marwooyin; sida aaad malaha idinkuba ka war qabtaan, Jam. Somaliland waxa haleelay abaaro aad u ba’an iyo xaaluf ka dhashay roob la’aan iyo isbeddelka cimilada adduunka, taasoo dhalisay in dadkii iyo duunyadiiba halis ku sugan yihiin. Ilaa inta la xasuusan yahay abaaraha haatan ka jira dalka waa kuwii ugu adkaa ee soo mara dadka Somaliland. Dalkayaga waxa haatan halis ku jira ilaa (1.5 milyan) hal milyan iyo shan boqol oo kun qof. Sida ay xaqiijisay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan raashinka iyo beeraha (FOA) 350,000 dadkaas ka mid ah waxay qarka u saaran yihiin inay macaluulaan, maadaama aanay haysan biyo iyo raashin toona. Roob la’aanta ka jirtay Somaliland saddexdii sanno ee ugu dambeeyey waxay sababeen in duunyadii dabar go’do, dallagii beerahana la waayo. Abaartu waxay saamaysay guud ahaanba geyiga Somaliland min bari ilaa galbeed, waxase ugu sii daran afarta gobol ee bariga Somaliland. Nafaqo-darrada iyo tabaalaha ka muuqda bulshada ay abaaruhu haleeleen waa kuwo aad u baahsan. Ubadka dhallaanka ah, carruurta iyo dadka waayeelka ama da’da ah waxa soo wajahday taag-darro ka dhalatay nafaqo-darro, waxayna qarka u saaran yihiin macaluul iyo dhimasho. Tabaalooyinka kale ee abaaruhu keeneen waxa ka mid ah qoysas badan oo ay dantu ku qasabtay inay kala hayaamaan, oo raggu ay wixii xoolo u hadhay la doontaan meelo fog-fog oo loogu sheegay in xooluhu biyo iyo baad ka heli karaan, halka carruurta, haweenka iyo waayeelka gaboobay lagaga guuray degaannadii abaaruhu ku haleeleen,” ayuu Madaxweynuhu u sheegay weftiga.

 

Waxa kaloo Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay beesha caalamka inay dhegaha ka furaysteen baaqyo tiro badan oo xukuumaddiisu kaga dalbatay in gurmad degdeg ah lala soo gaadho dadka reer Somaliland ee abaaraha kulul saamaynta weyn ku yeesheen.

“Laga bilaabo bishii November 2016-kii waxay xukuumadaydu diraysay baaqyo iyo qaylo-dhaan is-daba-joog ah oo aannu bulshada caalamka kaga codsanaynay in dadkayaga ay abaaruhu haleeleen lala soo gaadho gar-gaar iyo kaalmo bani’adanimo oo deg-deg ah. Waxaan magacaabay Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, guddidaasoo masuul ka ah ururinta qaadhaanka, abaabulka iyo isu-dubbaridka deeqaha iyo u-qaybinta raashinka iyo biyaha gobollada abaaruhu saameeyeen. Guddidani waxay ka kooban tahay xukuumadda, ganacsatada, culimada iyo madax-dhaqameedka dalka. Xukuumadda, goleyaasha Baarlamaanka, ganacsatada iyo qurba-joogguba si xoog leh ayey uga qaybqaateen gurmadka iyo taakulaynta abaaraha, taasoo Guddidu u sii daadejisey heer qaran, gobol, degmo iyo tuulo. Sidoo kale, xukuumad ahaan waxaannu samaynay dedaallo dheeraad ah si aannu si mug leh uga qaybqaadanno qaadhaanka gurmadka abaaraha. Mashaariic kala duwan oo hore loogu qorsheeyey dhanka horumarinta ayaannu u leexinnay xagga abaaraha, ciidammada kala duwan ee qarankuna waxay ka qaybqaataan gurmadka iyo taakulaynta abaaraha,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Isagoo intaas ii raaciyey, “Nasiib-darro, Bulshada Caalamka, gaar ahaan haya’daha kala duwan ee UN-ka iyo ururrada Caalamiga ah kama aannu helin kaalmo muuqata iyo gar-gaar ay qaylo-dhaankayagii kaga jawaabayaan. Annagu xukuumad ahaan, intii itaalkayaga ah waxaannu ku dedaallay in aannu abaaulno ganacsatada, ummadda Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) oo aannu ku baraarujinno inay ka qaybqaataan gurmadka iyo gargaarka abaaraha. Laakiin baahida maanta la soo daristay ummaddayada iyo marka la eego xajmiga tabaalaha iyo baahida abaaruhu keeneen. Lacagtaas aannu ururinnay waxay ka dhigan tahay dhibic biyo ah oo badweyn ku dhacday.

 

Sidaa darteed, gurmadka iyo gar-gaarka Allaah ka sokow, waxaannu gargaar iyo kaalmo deg-deg ah ka rajaynaynaa hay’adaha kala duwan ee UN-ka iyo ururrada caalamiga ah iyo waddamada deeq-bixiyeyaasha sidii nalooga taageeri lahaa abaaraha ba’an ee ka jira dalka Somaliland, kuwaasoo duunyo iyo dadba tabaaleeyey. Waxaan rajaynayaa in hay’adaha kala duwan ee UN-ku garan karaan in aannu jirin waqti la sii sugo ama la sii eegto. Maalin kasta oo aad gargaarka dib u dhigtaanba waxay khatar ku tahay dadkayaga abaaruhu tabaaleeyee noo haatan qarka u saaran macaluul iyo dhimasho haddii aan wax laga qaban.”

 

Dhanka kale,Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftiga u sharraxayey saamaynta tooska ah ee abaaraha baahsan ku yeelan karaan dhinacyada nabadgelyada, xasilloonida, koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalkiisu higsanayo oo la soo dhisaysay muddo ku dhow rubuc qarni, waxa uu yidhi; “Mudanayaal iyo marwooyin, abaahara ba’an ee haatan ka jira Somaliland waxay saamayn taban oo toos ah ku leeyihiin dakhligii ka soo geli jiray xukuumad iyo shacab-ba xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha ee ay bulshadu ku tiirsanayd. Abaaruhu waxa kale oo ay sababeen bara-kac baaxad leh, taasoo dad badan degaannadoodii ka hayaameen, una baqooleen degaanno durugsan oo dantu ku qasabtay si ay u badbaadiyaan wixii weli xoolo u sii nool. Hayaankaas habaqlaha ah wuxuu keeni karaa culays iyo cidhiidhi ku yimaad xagga dhulka, baadka iyo biyahaba, taasina waxay dhalin kartaa iska horimaad iyo xasillooni-darro bulsho.”

 

“Abaaruhu waxay keeneen fakhri iyo caydh baahsan oo hor leh oo waajahday bulsho aad u badan oo xoolo-dhaqato ahayd oo run ahaantii iyagu abaaraha ka hor si walba ugu filnaa nolol-maalmeedkooda, balse haatan faro madhan ka taagan boqollaan adhi ama geel ah oo ay lahaan jireen. Arrintan waxa ka dhalan kara bara-kac, hayaan iyo in degaannadii baaxadda lahaa ee miyiga laga haajiro, loona boqoolo magaalooyinka. Waxa kaloo tani horseedi kartaa in dad badan oo aan magaalada ku noolaan jirin ay magaalada soo galaan, gaar ahaan dadka da’da yar waxay halis u yihiin inay gacanta u galaan kooxaha dembi-oogayaal ah ama xag-jirnimo,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo hadalkiisa ku soo afmeeray.

 

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu weftiga culus ee ka socda hay’adaha Qarammada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah kala hadlay baahida Jamhuuriyadda Somaliland in caalamku ka taageero qorshe iyo hannaan dhammaystiran mustaqbalka lagaga gaashaaman karo, loona tacaali lahaa abaaraha soo noqnoqday ee ka dhashay isbeddelka cimilada adduunka.

 

Geesta kale, ka hor intii aanay weftigu la kulmin Madaxweyne Siilaanyo waxay kulan dheer la yeesheen Guddida Qaranka ee Gurmadka iyo Taakulaynta Abaaraha, kuwaasoo xog-warran dhammaystiran ka siiyey saamaynta iyo waxyeellada ka dhashay abaaraha ba’an duunyo iyo dadba aad u tabaaleeyey ee ka jira dalka Somaliland.

Sidoo kale, Guddida Gurmadka Taakulaynta Abaaraha Somaliland waxa ay weftiga culus ee Qarammada Midoobay ka socday si cad ugu sheegeen in aannu jirin waqti la sii sugo ama la sii eegto xaaladda abaaraha qallafsan ee xilligan dalka ka jirta, waxaanay ku wargeliyeen in xaaladdu haatan marayso meel khatar ah oo u baahan gurmad degdeg ah.

 

http://togdheernews.com/news/01/02/2017/madaxweyne-siilaanyo-oo-shaaca-ka-qaaday-1-5-milyan-qof-oo-reer-somaliland-qarka-u-saaran-yihiin-macaluul/

Share this post


Link to post
Share on other sites

The one good thing (if there's any) that came out of the Somali civil war is no Somali can blame another for their leadership failures.

 

The old man is failure. So is Abdiwali Gas, Hassan Sheikh, Sakin, Guled, etc. Each tribe or region has no one else to blame.

 

Maybe Somalis need to understand vote for the better not the incompetent ones from your tol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

said:

The old man is failure. So is Abdiwali Gas, Hassan Sheikh, Sakin, Guled, etc. Each tribe or region has no one else to blame.

 

Maybe Somalis need to understand vote for the better not the incompetent ones from your tol.

 

Che,

 

Ma maqashay maah maahda ah, 'Weel waliba wixii ku jiruu dhididaa'.

 

Bulsho musuqmaasuq dilooday hogaamiye fiican ma helaan. Wadanka in aad ka maqantahay mudo ayaan filayaa. Dawada waxa u baahan waa bulshada, makaas kadib ayey heli hogaan fiican.

 

Wakhtigan waxaan kusuganahay gudaha wadanka, waxa aan maalin walba arkaa, dad aysan ismaqleyn afkooda iyo dhegahooda (hadal fiican, hadana ayan dhagahooda gelin fiicnaantaas).

 

Qofka wanaagsan waa la qariyey, waxana la gaarsiiyeyinuu ku dhiiran waayo dhiibashada fikradiisa fiican marka reeruhu gooni u shirayaan. Mowjada laga hadlayo waxa hadba lagu saleeyaa intaa wada fadhida jawigooda. Hadii qof kale kusoo biiro waxa 180° la wareejiyaa afkaartii markaa la dhiibanayey.

 

Odayaal Gadhcas ah oo musuqmaasuq dhuuxa kagalay ayaa meel walba hor boodaya. Bulshada waxay ku xirteen xero, siyaasi walbana ayagaa waala ilaa uu waasho oo dadka dhamaan lug gooyo.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Good point Che-Guevara. Somaliland now can't blame

its failure of 26 years on Siad Bare or other administrations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this