Sign in to follow this  
galbeedi

Reer Bariga waa in kursiga Puntland lagu wareejiya si nabadu u waarto.

Recommended Posts

galbeedi   

 

 

Abaaraha 2001 dii wakhtigii dawladaii C/qaasim ee Carta, Djibouti lagu soo dhisay , ayaa waxaan wada joogaynay magaala ku taal koonfurta galbeed ee Maraykank koox aad u badan oo reer Puntalnd ahaa oo Bariga iyo Qardho ka soo jeeda. Wakhtigaas , C/qaasim iyo Cali Khaliif ayaa waxay isku dayeen in ay C/laahi Yuusuf (AHN) ay afgambiyaan iyagoo adeegsanaya Kornayl Jaamac Cali Jaamac oo ku Barbaaray Marka iyo Koonfurta Soomaaliya. C/laahi Gaalkacayo ayuu isku diyaariyey intii uu shirku ka socday Garoowe, markay dhmaysteena ee ay gebagebaysteen ayuu ku soo dhaqaaqay oo hal maalin ku kala diray. Kornayl Jaaamacna Bari ayuu u cararay ka dibna doon ka raacay oo Muqdishu iyo dhankii laga soo abaabulay dib ugu noqday.

 

Sidoo kale waxa uu kala diray koox uu wato nin Moxamed Aadan la yidhaahdo oo isku dayey in uu isbaaro dhigto Garoowe meel u dhaq. Markuu C/laahi xagaa iyo Bari u dhaqaaqay, ayaan waxaan waeydiiyey Reer Barigii, " waar maxaad damacsan tihiin odaygii askariga ahaa wuu idinku soo dhaqaaqaye?". waxay yidhaahdeen , " Reer Mudugu dagaalka hal dhinac keliya ayuunbuu ka yaqaanaa oo kaasina waa aan isdilo, laakiin dagaalku 11 xeeladood ayuu leeyahay". Reer Barigu xaga muaamarada khatar ayey ku yihiin. Ceebise waxay ka dhacday markii nimankii Reer Boqor ahaa ay isbaaro dhigteeen Qardho iyo meelo u dhaw , anagoo la kaftamaynana waxaan ku nidhi , "waar isbaaro reer boqor laguma ogayne waa sidee". Calaa kuli xaal C/laahi isbaaradiina wuu jiidhay Boosaasana caleemo qoyan ayaa lagu soo dhaweeyey.

 

Waxooga ka dib ayaa magaalda waxa noogu yimi jeneraal Cadde Muuse oo dhalintii magaalada joogtay Canada uga yeedheen. Markaan arkay wajigiisa ,waxa uu iila eekaa Oday daalay , warkuu hadlayna codkii reer Bariga malahayn. Anigoo kartidiisa quudhsanaya , hoos waxaan isu idhi " Waar reer Barigu wax Boowe leh oo reer bari run ah miyey dhulka ka waayeen". Ninkii Cadde Muuse ahaa ee maskiinka u ekaa dalkii ayuu tagay, muddo yarna ciidan beeleed xoog leh ayuu urursaday. C/laahi Yuusuf oo isagu isha mar walba ku hayey kursiga saree Sooomaaliya ,isla markaana diidan dagaal daba dheeraada , heshiis ayuu la galay Cadde Muuse , colaadiina waxay labadooduba u bedeleen Guul Wadareer ( win win situation). Reer Barigu kursigii Puntland bay ku fadhiisteen in cimaamadu si xun uga dhacdana way ka bedbaadeen, C/laahina kurisii Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku fadhiistay.

 

Aniga iyo rag aan ku jiray wakhtigaa waxaanu aad u taagersanayn mashruuca TNG da ee C/laahi looga takhalusayey, anagoo u arkaynay in hadii isaga loo dhameeyo in kuwa dagaal oogayaasha ee Muqdisha jooga ay wiiqmayaan. Hase yeeshee markii C/laahi la wareegay Garoowe muujiyeyna awood military iyo mid dawladeed oo diidan tafaraaruq Puntland ku dhaca , isaga ayaanu taageernay. Markii lana yidhi " waar saw idinkii taageerayey mashruuca Carta maxaa iska kiin bedelay ?, waxaa ku jawaabanay, " Waxaanu diidanahay in sida Muqdisho ay dhawr dagaal ooge Puntland ka soo baxaan oo midna Garoowe fadhiisto , midna Bari iyo Boosaaso, Waxaanu u arkaynay C/laahi Yusuf oo gebi ahaanba Puntland la wareega in ay yaraynayso kala jajabka , isla markaana fududaynayso dawlad Soomaaliyeed oo la hello".

 

Hadaba Reer Barigan cusub ee maanta isa soo hubeeyey ee dagaalka diyaarka u ahi , ma ahan Reer Barigii hore ee Cadde Muuse. Kuwani waa Reer Barigii runta ahaa ee u badnaa degaanda gobolka Bari. Waa niman guuxayey sanadihii la soo dhaafay. Hadaba maxay ka cabanayaan ?, ma dhaqaale darro ayey ka cabanayaan?, ma maamul xumo ayey ka cabnayaan ? mise awood siyaasadeed bay rabaan?. Mararka qaarkoodna waxaad moodaa in ay Somaalinimada ugu dhaw yihiin dadka kale ee reer Puntland, mise waa qorshe laga soo istaadhay Muqdisho iyo Damujadiid.

 

1- Reer Barigan dhaqaale xumo ma hayso.

 

Dadka reer bariga guud ahaan iyo reer Boosaaso gaar ahaan waa dadka ugu taajirsan Puntland. labaatankii sano ee u dambeeyey waxay u kala baayac mushtarayeen dhaman goblada dhexe , Galagaduud, Hiiraan iyo Soomaaliland. Boosaaso oo magaaalo yar ahayd 1991, maanta waa magaalooyinka ugu waa weyn dhulka Soomaalida. Waxay Faa'iido badan ka heleen abuuristii 1998 ee maamulka Puntland iyo nabadii nidaamku keenay dhawr iyo tobankii sano ee la so dhaafay. Sidoo kale dhaqaalaha ugu badan ee la galiyey kaabayaasha dhaqaalahu waxay galeen Boosaaso iyo degaankaas. Hadday airport tahay iyo hadii ay tahay adeega dekadaba. markaas , lama odhan karo arrintu waa mid dhaqaale.

 

2-Dekada Boosaaso iyo dadka degaanka.

 

Beryahan waxaa dhulka Soomaalida ku soo batay dadka degan magaalooyinka ay dekaduhu ka dhisan yihin oo mar walba ku dooda in ayagu ay leeyihiin dekada iyo waxii dhaqaale ah ee ka yimaada. Dekadaha iyo airporradu waa hanti maguurta ah oo dadka iyo dalku leeyahay. Dhamaantood waxa dhisay dhaqaale shisheeye ugu deeqay qaranka Soomaaliyeed. Haba yaraatee ma jirto mid qabaa'ilka degaanku dhisteen. Hase ahaatee waxay xaq u leeyihiin in adeega dekeda ( port services) iyo maaraynteeda dadka degaanka maamulaan, gaar ahaan maamulka degmada (local port authority).Waxii cashuuraad ah ee ka yimaada badeecadaha iyo qalabka dalka soo gala waxa leh qaranka, waxayna ka mid noqonayaan dakhliga qaranka ee dalka loogu adeegayo. Dekada iyo degaankeedu waxay abuureen maal qabeen badan oo reer bari ah.

 

3-Reer Bariga iyo soo celinta qaranka.

 

anigu nimaan ahay aad ayaan u jecelahay markaan maqlo reer bariga oo leh Soomalia in ay hagaagto ayaan rabnaa . Waxaad moodaa in ay gebi ahaanba diidan yihiin isbahaysiga beeled iyo mid degaaneedba. Sidoo kale waxay dumistii qaranku ku eedaynayaan beelaha kale ee Puntland. Arintaasi waa mid xaqiiqda ka fog. Reer barigu qeyb weyn ayey ka qaateen jabhadii SSDF iyo guud ahaan abuuristii Puntland. Waxaan odhan karaa marka laga reebo C/laahi Yusuf, ninka kale ee ugu caansanaa jabhadii SSDF ee waxa la odhan jiray Khaliif Sheekh Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Qandalla ee gobolka bari. Anigoo dugsiga dhigta ayaanu habeenkii qarsoodi u dhagaysan jirnay. Qurbaha markaan imid ayaan cabaarahii 1999, dhagaystay gabayadii uu ka sii dayn jiray radio Kulmis. Waxaan odhan karaa waxaa uu ahaa ninka kiciyey ee dhiirigaliyey qabaa'ilka Soomaaliyeed in ay ka horyimaadaan dawladii Siyaad Barre. Cajaladaas markaan dhagaystay , waxaan ku tilmaamay boropagaandadii ugu weynayd ee dad lagu kiciyo ( public incitement ). sidaa darteed anigu maqabo reer barigu in ay ka maqnaayeen abaabulkii reer Puntland ee wiiqida xukunkii Siyaad barre.

 

Reer waqooyiga ama SNM markuu kicinayey midhahan ayuu tiriyey. In kastoo Cabdi Iidaan iyo rag kale u jawaabeen, haddanaa Khallif wuu ku guulaystay ujeedadii uu uga dan lahaa oo ahayd kicinta qabaa'ilka.

 

Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane

Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan

Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane

Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye

Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye

Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile

Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye

Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye

Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye.

Reer kuunfurka iyo USC na dhulka ayuu galiyey isagoo ku eedaeeyey dad aan muraad ka lahayn ama aan diyaar u ahayn isbedel.

 

Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye

Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye

Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe

Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye

Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e

Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane

Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday

Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey

Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo

Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe

Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay

Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin.

 

4-Reer Bariga dhafoorka ayaa laga taabtay.

 

Maadaama Boosaaso tahay xuduntii dhaqaalaha ee Puntland , maamulka dawlada iyo dhaqaaluhuba halkaas ayey u badan yihiin, sidaa darteed dad badan oo awood siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba doonaya ayaa jooga. Dadkaas oo ka kala yimid degaanada Puntland. Sidoo kale madaama ay tahay meesha keli ah ee baaxad weyn leh islamarkaana fududeyn karta in argagixiso ku dhuuman karto, awood military iyo mid boolisba waa ay joogaan. Reer Barigu waxay ka cabanayaan in dadka awooda sugida amaanka gacanta ku haya in aysan ka mid ahayn. Sidoo kale waxay ku celceliyaan in musharixiin ka soo jeeda bariga loo diiday in ay galaan Garoowe wakhtigii C/raxmaan Faroole. Hase yeeshee, Faroole , waxa uu xataa horjoogsaday C/weli oo Raiisul Wasaare ahaa jiray in uu ka ololeeyo bariga iskuna dayeyin uu xoog uga soo saaro , taas oo markii dambe la xaliyey. Waxaan odhan karaa reer barigu dhawr dhacdooyin oo dhaqanka Soomaalida looga yaqaano dhafoor taabasho ama xiniinyo taabasho ayey aad uga xanaaqeen, taas oo keenaysa arrimaha la yidhaahdo, "rag ciil , cadaab buu ka doortaa".

 

5-Mashruuca balaadhinta fawdada Soomaaliya.

 

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin quwado shisheeye iyo kuwa sokeeye ayaa raba in ay balaadhiyaan fawdada ka jirta koonfurta Soomaaliya oo ay keenaan degaanda nabada ah sida Puntland oo kale. Dhawr billod ka hor , dhawr boqol oo wiil oo Al-shabaab ah ayaa habeen madow laga soo dejiyey xeebaha Puntland si fawdadu u fido, hase yeeshee ma suurta gelin. Waxayse arrintaas keentay in Ciidankii Puntland ku soo ururo Mudug iyo Nugaal si ay dagaalkaas ugu guulaysto. Taasi waxay fursad abaabul siisay C/samad Galan --abaanduulaha reer bariga-- in uu isku diyaariyo degaanda bariga. Kuwa diidan in ay Soomaalidu waxoogaa neefsato, arrimahan oo kale way soo dhaweynayaan.

 

6- ReerBarigu kursiga miyey rabaan?.

 

Karaanda iyo dhafoor taabashda ay ka xanaaqeen ka sakow, reer barigu waa beelaha ugu balaadhan Puntalnd . Waxaan odhan karaa reer barigu waxay aaminsan yihiin in xukunka Puntland ee sidii hagbada (Shalagada) marba reer qaadanayo, imikana wakhtigodii la gaahday. Waynu wada ogsoon nahay tartankii adkaa ee dhex maray Faroole iyo C/weli in uu ahaa mid adag oo hal cod lagu kla badiyey , sidaa darteed reer barigu waa n ay si weyn isu soo abaabulaan. haday rabaan hagbada in ay markooda qaataan. Waxaase laga yaabaa, Mr. Galan in uu rabo sidii Cadde muuse in uu awood militari la yimaado kadibna miiska fadhiisto. Arrintani waxay si fiican ugu xalismi lahayd C/weli Gaas oo kursiga sare ee Soomaaliya isu diyaariya, reer barigana kursiga ku wareejiya. Hadaba si nabada Puntland u sii waarto waa i reer barigu hagbada markooda qataan oo xukumka Puntland markooda qabtaan. Xalka ayaa ku jira in mucaaradka alabaabka lagu faru.

 

Gebagebadii, siyaasiyiinta Puntland waa kuwa waayo aragnimom u leh in ay xaliyaan hawshan cusub, iyagoo aynu ognahay in ay ka soo talaabeen hawlo kuwan ka adag kana balaadhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galan does not represent and speak for reer Bari, It is one thing to disagree with Abdiwali but to destabilize an entire region?

 

Where was this injustice when he was the Bari Governor?

 

Bosaso and other big Somali towns prosper simply because they tend to be cosmopolitan. If reer Bari play this is our town card, the Somalis in the city can move elsewhere with their resources.

 

Rebel movements were biggest masiibo that ever

Share this post


Link to post
Share on other sites

reer puntland waa dad arimahooda ku dhameeya si nabad ah oo ay kaga fiicanyihiin kooxaha kale,waxaan rabaa in nabadu ku waarto PL-hooyada somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Galbeedi, Sxb ha isku daalin ninkaan wuxuu rabo ilaa iyo hada lama yaqaan. Waa uun ismuujin iyo reerkayaga qori waa qaadan karaan ii fiirsha. Reerkiisu haday rabaan xukun meesha ay u maraan waa yaqaaniin. Midna ogoow tani lama mid aha Cade Muuse iyo C/laahi Yusuf. C/laahi termkii baa ka dhamaaday wakhti kororsi aan sharci ahayn buu sameeyay taasaana dagaalka keentay. Dad badan oo reer mudug ahna waxay u arkayeen inuu gardarnaa. Laakiin wiilkaan Galan xukunkii markii laga qaaday buu maleeshiyo reerkiisa aruursaday si uu loo dhaho meel ha la geeyo ama uu gorgortomo. Meesha dhibku ka jirana waa Aruntii muxiyadiin ee reerkiisu khalad ugu hiiliyeen baa uun la kobinayaa. Puntland iyo Soomalyana inta ninka reerkeena qori u qaada gar iyo gardaraba aan u calan wadleyneynio dawladnimo lama gaarayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this