Sign in to follow this  
Asad Ahmed

Madaxweynaha: ‘’Jabka xooggan ee loo geystey Al Shabaab waa guul u soo hoyatey s

Recommended Posts

 

 

 

Press Release

 

June 10, 2016 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, oo maanta si geesinimo leh isaga caabbiyey maliishiyada argagxisada Al Shabaab oo weerar ku soo qaadey fariisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

 

Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab kaga dilay in ka badan laba boqol oo maliishiyaad ah.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Ethiopia oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee Al Shabaab loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

 

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’.

 

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa weerarka ay saaka ku fashilmeen waxaa sidoo kale looga qabsadey hub tiro badan iyo saanad kale.

 

———————-DHAMMAAD———————-

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

ninyahow,shabab are completely disoriented and in desperation,the locals have turned completely against them by providing intel to the peace keepers.that is why the corpses are everywhere after 240+ were massaccred in a failed terrorist attack on AMISOM BASE.xasuuq ba`an oo loo geystay argagaxisada shabaabka degaanka hiiraan,

graphic pics be careful

http://allbanaadir.net/news.php?readmore=1030

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

President "Hiiran region attack show that Militants can be easily defeated.

Madaxweyne Xasan: “Jabka Al-Shabaab loo geystey wuxuu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo”

 

 

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOMee sida uu sheegay maanta si geesinimo leh isaga caabiyey xoogaga Al Shabaab oo weerar ku soo qaadey fariisimada ciidanka ee degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

 

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya ayaa weerarkaasi kooxda Al Shabaab kaga dilay in ka badan boqol oo dagaalyahan sida wararku sheegayaan.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Ethiopia oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee Al Shabaab loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul tan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey cadowga uu niyadda u dhisayo shacabka nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

 

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Video

the locals are talking of ordeals,heaps of shabab corpses in hiiraan after their failure.

240+ shabab terminated in one single hour,a major moral,financial and material blow to the terrorists inside Somalia.

Local sources

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this