Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland marks 25 years of Independence a great day for the great Nation.

Recommended Posts

 

Dhul aan ceel lahyn baan

Dhaankii u rarayaa

Adna dhool guyaad iyo

Dhibicdii ma hayside

Dhacar baad ku nooshahay

Dhankaan anigu kaa xigo

Dharka la ma yaqaannee

Dhuub baannu xirannaa

Adna dhogorta xoolaha

Malaha waad ka dhigataa

 

Buuraha dhexdoodiyo

Dhagax baan ku seexdaa

Adna wax i ma dhaantide

Dhulka hoos u qodan iyo

Dhufays baad u hoyataa

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer

Yay isu soo dhaweeya?

 

Kolkaad adigu dhimataa

Naftu iga dhaqaaqdaa

Kolkaad adigu dheregtaa

Dhibaatadu i daysaa

Dheehaaga wacan baan

Aniguna ku dhaashtaa

Dhaxalkii aad reebtaa

Dhitadaydu noqotaa

Markaan soo dhawaadana

Waad iga dhaqaaqdaa

Anna ku ma dhagaystee

Dhegahaan kaa furaystaa

Dhaandhaan haddaan ahay

Adna dhoohanaad tahay

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer

Yay isu soo dhaweeya?

 

Kool haddaan dhuuxiyo

Dhiiggii ka siman nahay

Midabkiyo dhawaaqiyo

Diintiyo dhalashada

Iyo dhaqan-wadaag nahay

Dhudhunkaad i goysaa

Waa dhantaalan-kaagee

Labadeennu dhuun iyo

Dhogor baan ka dhigannee

Dhidibkaynnu taagniyo

Dhismihii adkaan jiray

Inaan kala dhantaalnaa

Dheg-xumiyo yaab iyo

Talo dhacantay weeyee

Dhaxdin baan wadaagnee

Aayaha dhasheenniyo

Midnimada ma dhawrnaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Dhgax-Tuur,

 

That poem definitely describes the brotherhood of the people.

 

Haddal kale oo laga daba yidhaahdaa ma jiro.

 

Tilow gabaygan goormaa la tiriyey?, yaase tiriyey?.

 

Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Galbeedi,

 

Waa hees waxa iska leh Cabdi Qays (Rer Gabiley). Waxa heesta ku luuqeeya Duet Khadra Daahir Cige iyo Saado Cali Warsame. Waxa la curiyay 1984-85.

 

Today, both Khadra Daahir and Cabdi Qays wear Somaliland on their sleeves.

 

 

Anagu xamar dooni mayno;

xumaana u gaysan mayno;

xeerkii laba dowladood iyo

xuduud baa naga dhexeeya

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

1984, now I know I am not an old timer anymore.

 

Afaraydan dambe iyagu malaha ma sameyn e Suldaanka sameeyey. Miyaad Hubtaa in Khadra ku heestay. Waxaan u malaynayaa in ay Khadra Dahir iska aamustay sida fanaaniin badan oo wakhtigeeda ah.

 

Correct me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^adduunka aynu ku nool nahay wuxuu si fiican u fahmay in midnimo iyo wadajir horumar lagu gaaro, danta guudna sidaa lagu gaaro. Tan ugu muhiimsana waa inuusan cadawgaa kugu soo deg degeyn markay hujuum noqoto.

 

Allow caqligeena Kuwii maala naga yeel!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Barwaaqo waad salaaman tahay,

 

Waa rutaa heestaas way iga maqnayd laakiin , Hadal waa margi ayey Soomaalidu tidhaa. Waxaan u jeeday afaraydan dambe ee uu Suldaanku soo qoray :

 

Anagu xamar dooni mayno;

xumaana u gaysan mayno;

xeerkii laba dowladood iyo

xuduud baa naga dhexeeya

 

taas ayaan lahaa Khadra ma heesin, fanaaniinta badan baa jirta oo aan shanqadha badnayn sidii uu qaranku u dumay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wali marqaankii maa lagu jiraa? Wali gacmo iyo luggo daaliskii maa socdo?

 

Dad ma quustiyaal ayaa SOL hore ugu gubtay, ka samray riyadaan iyo ruwaayadaan aan bilaabaneynin iyo aanan dhamaaneynin. Laakiinse jiilka cusub waxaa dhahaayaa noo wada taxanaha, sii fidiya sheekadii. Labaatan iyo shan kale waliba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

said:

^you two are not helping. Walaalihiin si laxawsi leh ula hadla, laga yaabo iney soo jeestaane! Waa idin see?

Well they are not hurting either as theirs is just an opinion, and as you know opinions are like @ssholes- everyone has one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

said:

Wali marqaankii maa lagu jiraa? Wali gacmo iyo luggo daaliskii maa socdo?

 

Dad ma quustiyaal ayaa SOL hore ugu gubtay, ka samray riyadaan iyo ruwaayadaan aan bilaabaneynin iyo aanan dhamaaneynin. Laakiinse jiilka cusub waxaa dhahaayaa noo wada taxanaha, sii fidiya sheekadii. Labaatan iyo shan kale waliba.

Alla war la'aan ayaa ku haysa. Waar dadkan aad ka hadlayso 25 sanno iska daayoo kun qarni ayay diyaar u yihiin inay koonfuria xitaa soo hadal qaadin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

said:

^adduunka aynu ku nool nahay wuxuu si fiican u fahmay in midnimo iyo wadajir horumar lagu gaaro, danta guudna sidaa lagu gaaro. Tan ugu muhiimsana waa inuusan cadawgaa kugu soo deg degeyn markay hujuum noqoto.

 

Allow caqligeena Kuwii maala naga yeel!

Ummad wax kala faa' idi karta ayaa mamda ka dhexeeya ku midowda sida reer yurub oo kale laakiin midnimo khasaare mooyee wax kale aanay kaa soo galayn dee cid wax kufalaysa oo aduunka ku nooli ma jirto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this