Sign in to follow this  
Haatu

Ereybixin iyo Af Soomaaliga

Recommended Posts

Haatu   

Nice cattle whistle or whatever it's called. I'm sure the elders will know. I actually visited this town once. The name fits perfectly Habaasweyne. It really is a dusty place.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Buugaag dugsiyeed

Goob kasta oo lagaga hadlayo waxbarashada Soomaaliya waxaa khasab ah in la soo hadalqaado dhibaatada ka taagan manhaj la’aanta waddanka haysata. Maanta waxaa la qiyaasaa in ilaa 10 manhaj oo kala duwan, lagana soo dhoofiyey waddamo kale, lagu dhigo dugsiyadeenna. Dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran Af Soomaali ayaa jira, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin.

 

Waxbarashada Soomaaliya goob kasta oo lagaga hadlo waxaa la soo hadalqaadaa dhibaatooyinka ay sababto manhaj la’aanta waddanku. Maanta waxaa la qiyaasayaa in toban manhaj wax ka badan oo laga soo raray waddamo iyo qowmiyado kale lagu dhigo dugsiyada Soomaaliya. Nasiib-wanaag waxaa jira dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran Af Soomaali, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin, wax la taaban karaana kama soo bixin.

 

Manaahijtu sidooda ba waxa ay ka turjumaan dadka samaystay mabaadii’dooda nolaleeda, diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed. Dadkaasi waxa ay ka rumaysan yihiin noolashooda, naftooda iyo dadyowga kale ayuu manhajku muraayad u yahay, waxa ay qaddariyaan iyo wax ay qiimeeyaan buu samada geeyaa waxa lidka ku ah na wuu hoosaasiyaa. Manhajku wuxuu ardayga ku barbaariyaa sooyaalka, hiigsiga iyo himilada umaddiisa. Haddii Dii-en-aygu (DNA) dhaxalsiiyo caruurta muuqa, garaadka iyo dhaqanka waalidkood, wuxuu manhajku dhaxalsiiyaa islamarkaana ka dhiga caruurta kuwa waalidkood la aragti ah, la dhaqan iyo siyaasad ah. Si kooban: manhajku waa jiheeyaha iyo qaabeeyaha hab-fikirka jiilka berri. Sidaa darteed ayeysan marna ba suurtagal u ahayn in umadd kale laga soo rarto manhaj, waayo waxa ay ka dhigan tahay oo kale adiga oo ku tallaalay jiilkeena berri mabaadii’dii iyo siyaasadihii ummadaha kale. Waxaa la ma huraan ah in dad kasta gacantooda ku samaystaan manhajkooda, kuna saleeyaan diintooda, dhaqankooda iyo habnololeedkoodaba.

 

Xalka

Waxa aan marnaba laga fursanaynin in la diyaariyo manhaj ama manhajyo wadani ah, oo aan dibadda laga soo dhoofinin. Waxaa loo baahan yahay manhaj Soomaali ah oo ka shidaal qaadanaya aragti-nolaleedka, dhaqanka iyo waxyaabaha kale ee Soomaalida u gaarka ah. Alle waxa uu innagu galladaystay af innoo gaar ah oo hodan ah, ayna tahay in aynu kobcinno oo aynu dhawrno siijiritaankiisa. Sidan maanta jirta haddii aynu ku sii soconno waynu waayeynaa afkaas, taasina waxay keeni kartaa dadnimadeena iyo jiritaankeenna oo aynu weyno.

 

Waddamada Yurub intooda badan, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, iyo waddamada kale ee adduunka intooda badani waxay ardayda dugsiyada wax ku baraan afafkooda. Ardaydani Af Ingiriisiga maaddo ahaan ayey u qaataan, si fiicanna way ugu hadlaan. Yuhuuddu afkoodii oo sii baaba’ayey ayey soo nooleeyeen oo xitaa jaamacadahooda Af-Cibri baa in badan lagu dhigtaa, ma na aysan saamaynin horumarkooda iyo dhaqaalahooda toona. Jarmalka, Jabbaan iyo Shiinaha oo dhaqaalahoodu aad u sarreeyo Af Ingiriisi wax kasta kuma dhigaan’e, afkooday adeegsadaan. Finlaan oo meelaha ugu sarreeya kaga jirta tartammada waxbarashada ee caalamiga ah, afkooda Finishka ayey wax ku bartaan. Haddaba, ma jiraan wax innoo diidaya in aynu dhallaankeenna ku barbaarinno afkoodii hooyo, kaas ayaana u wanaagsan koboca garaadkooda iyo fahanka maaddada ay dhiganayaanba. Islamarkaana waxay maaddo ahaan u qaadanayaan afafka Carabiga iyo Ingiriisaga, iyo kuwii kale ee waxtar u lehba.

 

Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxay tahay in ay fududaynayso helitaanka macallimiin dabooli kara baahida ba’an ee ka jirta tirada macallimiinta ee yar. Maxaa yeelay, in macallinku ku tababarto afkiisa ayaa uga fudud in uu af kale oo uusan si fiican u aqoonin ku tababarto, waxna ku dhigo.

 

Garanuug Ltd waxay ku hawllan tahay sidii ay dibuhabayn iyo horumarin ugu samayn lahayd manhajkii hore, ayna u soo saari lahayd buugaag dugsiyeed manhajkaas ku dhisan oo tayo sare leh.

 

Astaamaha Buugaag Dugsiyeedyadan

Buugaagtan qaybahooda badani waxay ku salaysan yihiin oo asaas u ah manhajkii ay abaabushay dawladdii kacaanku todobaataneeyadii ilaa dabayaaqadii siddeetamaadkii qarnigii tagey, ee uu daabacay Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta. Waxa aanu ku samaynay horumarin badan, sida sawirro iyo jaantusyo midab leh aadna heerkoodu u sarreeyo. Meelaha qaarkood waxa aanu dibushaandhayn ku samaynay sida cutubyadu u kala horreeyaan, si fahankoodu ardayga ugu fududaado.

 

Muddada afartanka sano ku dhow ee ka soo wareegtay qoritaankii buugaagta manhajkii hore, wax badan ayaa isbedelay, aqoon cusub oo badan ayaa la daahfuray, mid hore loo haystayna waa laga tagey markii ay caddaatay in laga saxsan yahay. Sidaas awgeed, aqoonta manhajkan ku xusani waa mid wakhtiga la socota, wixii dib iska bedelana la sixi doono wakhtigeeda. Waxa aanu xoogga saarnay aragtiyaha asaasiga ah iyo qawaacidda gundhiga ah ee aan marnaba laga maarmaynin, si ardaygu u yeesho aqoon iyo fahan qotodheer.

 

In kasta oo aan aaminsannahay in buugaagtu afkeenna ku qornaadaan laguna barto, afafka kalena sidooda ardayga loo baro, waxaa jira maaddooyin aan afaf kale looga maarmaynin. Tusaale ahaan, maaddooyinka diinta la xidhiidha, sida tafsiirka, fiqhiga, xadiiska, iwm, waxaan looga maarmaynin erayo badan oo Af-Carabi ah oo ay tahay in uu ardaygu yaqaanno, fahansanyahayna macnahooda. Sidaas oo kale, sayniska iyo xisaabta iyo maaddooyin kaleba waxa uusan ardaygu ka maarmaynin eraybixintooda Af-Ingiriisiga ah. Sidaas awgeed, in kasta oo aan adeegsanayno eraybixin Af-Soomaali ah marka ay suuragasho, waxa aan islamarkaana raacinaynaa eraybixintii afka “asalka” ah oo uu la socdo dhawaaqeedii oo Af-Soomaali ah. Tani waxa ay ardayga u suuragelinaysaa in uu waxbarashadiisa si fudud ugu sii wadan karo afafka kale marka uu gaadho heer jaamacadeed.

 

Qaybta hore ee mashruucan waxaan hawshayada ku koobnay maaddooyinka sayniska iyo xisaabta dugsiga sare, fiqhiga, cilmiga xadiiska, suugaanta iyo dhawr maaddo oo soo raaca. In kasta oo sayniska, xisaabta iyo suugaanta in badani tahay qoraal cusub, meelaha qaarkood waxa aan sidoodii ugu darnay qaybo ka mid ah manhajkii hore, kaas oo asaas u ah buugaagtan. Maxaa yeelay, meesha in aan ka saarno ma rabno ee waa dibuhabayn, qurxin, fududaynta fahmiddiisa iyo soosaariddiisa, maadaama ay adag tahay in la helo. Run ahaantii, waxa uu ahaa manhaj aad u qiimo badan, waddamo badanina aysan weli haysanin wax u dhigma. Yoolkayagu waa in arday kastaa haysto buugaagta uu u baahan yahay. Maaddooyinka diinta la xidhiidha waan ku soo kordhinnay, waana qoraal wada cusub oo aan la xidhiidhin manhajkii hore.

 

Waxa aan ku dedaalnay intii karaankayaga ah in xogta buuggaatan ku qoran iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin ay la heer ahaadaan aqoonta ay qaataan ardayda heerkan waxbarasho joogta ee waddamada horumaray (sida dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska), iyada oo aan xaaladda dalka ka ambaqaadayno, si aqoonta aan soo gudbinaynaa ay u noqoto mid waxtar u leh dadka iyo dalkaba. Intaa waxaa dheer, buug walba oo taxanahan ka mid ahi waxa uu wadan doonaa laylisyo iyo tijaabooyin la socda casharrada buuggu ka kooban yahay, si aysan aqoontani u noqonin aragtiyo keli ah ee ay ardayda u dhaxalsiiso qaab feker toosan iyo khibrad xirfadeed oo wax lagu qabsan karo.

 

http://www.garanuug.com/buugaag-dugsiyeed/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Lababboglayn: tossing from side to side due to ciil (anger?) or illness.

 

Laba'aabbur: pincer attack: in battle attacking an enemy from both front and back.

 

Rogaalcelin: counter-attack

 

Baqabbeenlayn: feigned retreat (as a strategy)

 

All from the dictionary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Ismutux: being the only person who believes a certain opinion in a debate/forum

 

Uduufo: wax kasta intiisa liidata. The most base and lowly of things.

 

Ugar: a bag/purse made from leather.

 

Umal: resentment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

said:

For a while now I have been thinking of a Somali word for obesity. I recently came across the word
'bardaq'
which according to the dictionary means
"Qof buuran oo jir jilicsan leh"
. As you can see this is a very good candidate for the translation of obese.

 

Obesity would therefore be
bardaqsanaan
. When put in a sentence it would become for example:
"Ololaha ka hortagga bardaqsanaanta"
(Campaign for the prevention of obesity).

 

What do you guys think? Do you know of a better word for obesity?

I've come up with a better alternative. I think kanjab is a better alternative for obesity.

 

The current dictionary meaning for this word is "cayil dartiis u dhimasho". It's a disease that happen to animals that are too fat and literally destroys the fat on top of the kidney.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this