Sign in to follow this  
malistar2012

Aabaha horumarka Madaxweyne Xasan Sheikh oo Xariga ka jaraya Garoonka Boosaaso

Recommended Posts

Aabaha horumarka Madaxweyne Xasan Sheikh oo Xariga ka jaraya Garoonka Boosaaso

 

11117486_1009029445788959_1567252544_n.j

 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Xariga ka jaraya Garoonka Boosaaso iyo Wararkii ugu Dambeeyay

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa 8/January/2016-ka si rasmi ah xariga uga jaraya garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo noqonaya garoonkii ugu horeeyay ee caalami ah oo ay yeeshaan Ummadda reer Puntland.

Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa maalinta bari oo Khamiis ah iman doona magaalada Boosaaso hadduu EEBE idmo.

 

Wufuud Soomaali ah iyo kuwo caalami ah ayaa ka qayb galaya furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,waxaana magaalada Boosaaso caawo laga dareemayaa mashquul aad u badan.

 

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Mas’uuliyiin ka socda dawlada Talyaaniga,China,Itoobiya,Jabuuti,Maraykanka,Ingiriiska yo dalalka kale ay ka qayb galayaan garoonka Boosaaso.

 

Sido kale Mas’uuliyiinta shirkado Maalgashi oo caalami ah ayaa kaso qayb gali doona Munaasabda Daahfurka ee dhacaysa maalinta Jimcada hadduu EEBE idmo.

 

Maalinta beri oo Khamiis ah ayaa waxaa garoonka soo caga dhigan doonta diyaarad wayn oo ay leedahay shirkadda Jubba Airweys,taasi oo sida Wufuud kala duwan oo ka qayb galay furitaanka garoonka Boosaaso.

 

Cabdikariin Guuleed oo kaso qayb galaya Munaasabada.

Madaxweynaha maamulka Cadaado ee Galmudug Cabdikariin Xusseen Guuleed ayaa maalinta beri imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,kaasi oo qayb ka ah Wufuuda ka qayb galaya furitaanka garoonka Boosaaso.

 

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa horay uso kaxaynaya Cabdikariin Xusseen Guuleed,waxaana Axmed Maxamed islaam uu caawo u hoyday degmada Cadaado.

 

Boosaaso iyo Caawo.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa laga dareemayaa mashquul aad u badan,Guud ahaan hoteelada ayaa ah kuwo buuxa,waxaana si isdaba joog ah magaalada u imanaya Wufuud kala duwan oo ka imanaya dibada iyo gudaha dalka.

Waxaa Boosaaso ay caawo marti galisay Wufuud kala duwan,halka maalinta bari ay iman doonaan Wufuud ka badan kuwii maalimihii ugu dambeeyay imanayay.

Si kastaba ha ahate,Munaasabada lagu furayo garoonka Boosaaso ayaa noqonaysa Munaasabad Taariikhi ah.

http://www.puntlandi.com.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Looks like Puntland is getting it's share of the money and developments donated by the international community. I heard that Cabdiweli Sheekh Ahmed, the last Prime minister and the current one both brought some projects to the Punties.

 

I saw some solar panels in Garowe streets.

 

In Somaliland every thing is about Hargeisa. I yet have to see one major project in Awdal. They are a greedy punch who complain about others in Somalia always...

Share this post


Link to post
Share on other sites
xabad   

Reer Cuqdadland maxaa kasugi lahayd adigaba ?

 

Those Garoowe street lights i'm afraid for their maintenance down the line, we know how mechanically gifted maryooley are, don't we ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aabbaha horimarka kuyeh.. Kacaan mentality at work ;) War qof jeclaysigaan aan micnaha lahayn ka tag oo maskaxda ka shaqeysii. Hassab Sheikh is aabbo to his kids and to his pocket, he's neither a man who has any vision nor an inspirational figure for others to emulate.

 

Xabad, Somalia is in desperate need for people with technical skills. Factories shutdown for a mere broken conveyor belt and there are no local technicians that can fix the darn thing. I know of cases where mechanics had to be flown from India and Dubai to fix a diesel generator that powers a city, because the Somali mechanics there couldn't do a jack to start it.

 

Instead of building 100 (house sized) Universities in every village, with sorry azz degrees and curriculum, they should rather invest vocation/technical colleges.

Share this post


Link to post
Share on other sites
xabad   

<cite>
said:</cite>

Xabad, Somalia is in desperate need for people with technical skills. Factories shutdown for a mere broken conveyor belt and there are no local technicians that can fix the darn thing. I know of cases where mechanics had to be flown from India and Dubai to fix a diesel generator that powers a city, because the Somali mechanics there couldn't do a jack to start it.

 

Instead of building 100 (house sized) Universities in every village, with sorry azz degrees and curriculum, they should rather invest vocation/technical colleges.

 

Gheele i agree with you wholeheartedly on technical/vocational training.

 

True manliness is technical aptitude and prowess not clan boosterism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

201618635878380056314685IMG_6435.jpg

 

 

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka ayaa sheegay in hir-gelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

 

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isku bogaadiyo, waa maalin reyn-reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawl-karnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hir-galiyay mashruucan waxaa iska leh Somalia oo dhan,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

 

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay dhiirri-gelinayso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhawaan ay gacan ka gaysatay Mashruucii lagu dhisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

 

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay dhanka siyaasadda iyo Nabad-gelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumarro la taaban karo, isla markaana maamullada dalka ka jira ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan Ammaanka dhulka ay ka taliyaan.

 

“Wax weyn ayaan qabanay, wax badanna way inoo dhimman yihiin. Waxaa keliya ee aan horumar ku gaari karnaa waa midnimo iyo dowladnimo. Nidaam federaal ah ayuu dalku qaatay, walow ay weli harsan yihiin dhameystirka sharciyada iyo caqabado jira oo dhanka amniga ah. maamulada dalka ka jira oo dhan kuma wada-guuleysan inay hantaan dhamaan ammaanka dhulalka ay ka taliyaan, laakiin waxaa hubaal ah in dadaalka socda uu aakhirka horseedi doono in laga guul-gaaro hadafka aan leenahay oo ah inaan dalka oo dhan nabad iyo horumar ku soo dabaalno,’’ ayuu mar kale yri madaxweynaha Somalia.

 

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2016/Jan/wararka_maanta8-94446.htm#sthash.1mWGwk9f.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this