Sign in to follow this  
Saalax

Saudi Arabia refuses Siilaanyo to enter their country with visa

Recommended Posts

Saalax   

9th July, 2015

 

War Deg Deg Ah: Dalka Sucuudiga oo madaxweyne Siilaanyo …………..

 

 

Hargeysa,(Qaran-news)- Dawlada Sucuudiga ayaa gabi ahaanba diiday in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu socdaal Cimrada ah uu ku tago ama galo dalka Sucuudiga, arintani cimrada jujuubka ah ee madaxweyne Siilaanyo la doonaayay in lagu galiyo dalka Sucuudiga oo laga lahaa dano gaar ah oo dhaqaale lagaga raadsanaayo dalkaasi ayaa gabi ahaanba isu rogtay mid murugo leh, kadib markii safaarada dalka Sucuudigu uu ku leeyahay dalka Jabuuti ay diiday in madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ku dhow dhow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arimaha gudaha dhamaantood loo diiday in ay dalka Sucuudiga ku galaan fiisada Cimrada.

 

Arimaha safarka madaxweynaha waxa horkacaayay oo qaban qaabadeeda watay oo uu wasiir Xirsi u xil saaray nin sheegta in uu yahay wakiilka Sucuudiga u jooga Somaliland oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan madaxweynaha, ninkani oo lagu magcaabo ama la yidhaa C/raxmaan Kuwaiti waxa uu si toos ah ugu fashilmay in uu dalkaasi casuumad rasmi ah iyo mid cimro toona ka keeno.

 

Lama granaayo sababta xiligani loogu diiday madaxweyne Siilaanyo galista dalka Sucuudiga, hase ahaatee dad u dhuun daloola arimaha Sucuudiga ayaa sheegaaya in dowlada Sucuudigu la dhacsanyn maamulka Axmed Siilaanyo, oo ay u aragto uun mid aduun raadis ah isla markaasina ku fashilmay hagista dalkiisa.

 

Guulahii iyo siyaasadii is afgaradka ahayd ee madaxweyne Siilaanyo kala kulmay dalka Imaaraadka ayaa dhiiri galisay in uu talaabo kale sii qaado taasi oo dadka qoyskiisa ah ee ku hareeraysani ay sahansadeen wado qaldan oo aan laga baaraan dagin taasi oo ay doonayeen in ay aduun ka doontaan dalka Sucuudiga, taasi oo hada gabi ahaanba fashilantay, waxna dalka ku soo laabtay oo Jabuuti ka soo anbabaxay wiilkii siday basaaboorka madaxweyne Siilaanyo oo ay la socoto warqad diidmo ah in aan loo ogolayn in uu dalkaasi ku galo Cimro.

 

Todobaadkii ina dhaafay ayaa waxa soo baxday warqad sir ah oo laga jabsaday wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga taasi oo sheegaysay in xukumadda Siilaanyo ay heshiis habka fadaraalka ah la gashay xukumadda Muqdisho iyo maamul goboleedyada kale oo ay ka mid tahay Puntland, arintaasi oo dareen cadho leh ka abuurtay gudaha Somaliland ayaan ilaa hada xukumadda Siilaanyo si rasmi ah uga jawaabin.

 

Sida ay doontab ha ahaatee arinta diidamada madaxweyne Siilaanyo loo diiday in uu galo ama soo gudo cimrada ayaanay ilaa hada xukumadda Siilaanyo ka hadlin

 

https://qarannews.com/war-deg-deg-ah-dalka-sucuudiga-oo-madaxweyne-siilaanyo/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

It is probably not true. Why would Saudi Arabia care about the democratic well being of a state like Somaliland. If the rejection is true, it may be because of the Houthis that Somaliland may have been caught red handed by the Saudis. I don't think that anything else makes sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It is nothing to do with democratic well being but rather Saudi Arabia does not

want to be seen as dealing with Siilaanyo as equal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this