Sign in to follow this  
malistar2012

Congrats Cabdikariin Xuseen Guuleed the President of Galmudug

Recommended Posts

ADAADO (HOL) ----Somalia’s former interior minister has been elected as the president of the new Galmudug administration after three rounds of vote that saw two rival candidates losing the contest.

musharaxin.jpg

Abdikarim Hussein has contested neck-by-neck in the running with Ahmed Fiqi, Somalia’s former director intelligence agency, ending months of campaign in the central Somali town of Adaado.

 

Mr. Hussein would lead the administration that would have Mudug and Galgadud regions under its control despite opposition from the Puntland semi-autonomous region in northern Somalia which believes that the new administration aims to annex parts of its territory.

 

Speaking after the result was annouced , the new president promised to serve Galmudug people with deligent ,determination and sincerity.

 

Mr. Guled, a close ally of the Somali president has secured 49 votes while his rival candidate Ahmed Fiqi who trailed him until the third round got 40 votes.

 

The election of Galmudug president comes few days after Ahlu Sunna wal jame'a declared Ahmed Shakir as the new president of central regions of Somalia.

 

As the presidential elections came to an end, politicians have started preparing for vice president’s elections.

 

HOL will keep you posted for any more updates as they come.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jenaral Muungaab:Hambalyo M.weynaha Cusub Ee Galmudug

201473635399957654926351Digfeer_10.jpg

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Md Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweyanaha cusub ee loo doortay maamulka Gal mudug C.kariim Xuseen Guuleed.

 

Duqa magaalada muqdisho ayaa Ammaanay habka ay u dhacday doorashada m.weynaha cusub ee Galmudug taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku dayasho mudan.

 

mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa yiri ”M,weynaha cusub ee dowlad gobaleedka Gal Mudug waan u duceynayaa waxaana Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo wajibaadka culus ee horyaalla, shacabka deegaanadaasina waxaan u rajeynayaa in uu gaarsiiyo nabad,barwaaqo iyo xasillooni ay ku waaraan”

 

ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobaka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa Amaanay Hogganka iyo doorka wax ku oolka ah ee M.weynaha Cusub ee maamulka Galmudug uu ku leeyahay Nabadda iyo dagananshaha Soomaaliya.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii ka dhacdey magaalada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

kux_3.jpg

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo bogaadiyey guddiga doorashada iyo Xildhibaannada maamulkaasi, si loo dhameystiro hanaanka doorashooyinka.

 

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Alle ayaan uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koonfur Galbeed oo soo dhoweeysay Doorashadii Madaxweynaha Galmudug.

597.jpg

 

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Cabdi Kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi ayaa sheegay in aay hiil iyo hooba la garab taagan yahiin Maamulka Cusub ee Galmudug.

 

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan doorashada ka dhacday Cadaado ee Cabdi Kariim Xuseen Guuleed loogu doortay madaxweynaha maamulka Mudug Iyo Galgaduud ee Galmudug.

 

Ugaas Xasan ayaa sheegay inuu maamulkooda soo dhoweynayo maamul kasta oo hab dastuuri ah ku yimaada, isagoo intaas raaciyay in dhismaha maamullada uu ka qeyb-qaadanayo dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

 

Ugaas Xasan ayaa hambalyo iyo bogaaadin u diraay Madaxweynaha Cusub ee maamulka galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed asaga oo kula dar daarmay in aay sii wadaan isla tashiga.

 

Sidoo kale, Wasiirka wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Galmudug guusha aay gaareen ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.

 

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa noqoya Maamulkii ugu horeeyay ee soo dhoweeya Madaxweynaha galmudug cabdi Kariim Xuseen guuleed oo Maanta ku gulestay in u noqdo Madaxweynaha maamulkaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adam   

Congratulations, gobolada dhexe ee galmudug state shacab iyo madaxe weyne guuled wuu guuleyste .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Doorashadii Madaxweynaha ee Maamuka GALMUDUG

3 0 Google +0 0

 

 

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee maanta ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

 

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah Caawa u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

 

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Guuleed iyo ku xigeenkiisa Carrabey in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Somalia. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada kasoo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

 

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan. Annagoo ogsoon in muranka Puntland uu salka ku hayo dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka laguna dadaalo in dhismihiisa la waafajiyo Dastuurka u yaalla dalka,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

 

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

 

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

Maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/July/wararka_maanta4-92112.htm#sthash.ywzoKqnm.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Reer Mudug say "ciyaar waa galinka dambe" . This was a major own goal by Hassan sheikh. By bribing Guled to the top position, he has actually made things far worse. His intention is to have a friendly region that will help him in the next election as the Regions will be the ones putting forward the next Members of Parliament ( at least that is how it is looking), Sadly he forgot a couple of things. Cadaado is too far out from Xamar. He also forgot that the H/d ( Mother of beans) clan is divided into several groups and the biggest from Guriceel - C**r ( The poor ones), are against this and are firmly behind Ahlu |sunnah Waljamaca Movement which enjoys considerable support from Ethiopia, the Region's kingpin. To make matters worse, this group has recently been re-equipped and ready to do battle. They have had more support from Hassan Sheikh's own sub sub clan in Xarardheer and also the Folks from Cabuudwaaq.

 

The ethiopians have just pulled out of Cadaado and the Deputy President for ahlu sunnah arrived in Cadaado today. Their forces have left Dhusomareeb and are heading in to Cadaado, the seat of the newly put together Galmudug headed by Guled. If they manage to take Cadaado, that will be the end of it. Let's not forget the never ending mistrust between these factions. Puntland is another obstacle and if you add all these together, you are likely to see this project failing before even starting. Their problem won't be Shabab, but the very people they are supposed to rule over who don't seem to want them. Guled has flown off to Xamar and can't even stay there. What does tell you?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

..

[03-07-2014 19:43]

 

Banaanbax lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo maanta la dhigay

 

 

http://kalshaale.ca/wp-content/uploads/2015/07/DAAWO-MUUQAAL.jpg

 

Waxaa Maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee

 

Gobolka Mudug ka dhacay bananbax balaaran oo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmdug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo shalay lagu doortay Magaalada Cadaado.

 

Banaanbaxa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne oo aad ugu faraxsanaa Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, waxa ayna dadka Dibad baxyada dhigayay ay wateen Sawirada Madaxweynaha iyo boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo lagu taageerayay Madaxweyne Guuleed.

 

Waxaa bulshada Gaalkacyo Banaanbaxa kala qeyb galay Masuuliyiin katirsanaa Maamulkii hore ee Galmudug kuwaa oo dadweynaha halkaasi kula hadlay, waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin ayna soo dhaweenayaan in Maamul loo dhan yahay loo dhiso GoboladaGalgaduud iyoMudug.

 

Maalmaha soo aadan ayaa sidoo kale la filayaa in magaalooyin kale oo dalka iyo dibadiisa ka dhacaan banaanbaxyo iyo xaflado lagu taageerayo laguna soo dhaweenayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey oo shalay si Dimuquraadiyad ay ku jirto loogu doortay Magaalada Cadaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool@malistar. niyoow everyone from central somalia was sad damjadiid thug was elected after he paid more than 30 million dollars. today damjadiid is trying to send cash to diaspora outside of country so that parties can be held to safe them embarrassment from lack of welcome from central somalia communities abroad. niyoow. this is shame.

 

niyoow after your friend Daahir Calasoow pointed out the lack of welcome for the new admin, damjadiid is planing to send money everywhere to have banaanbaxyo. hahaha.

 

give it up niyoow. this project has failed before it got off the ground niyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad lagu taageeray Maamulka Galmudug oo ka dhacday Caabudwaaq

 

 

 

Ahlu sunna officials are in Cadaado for negotiations, minister position etc

 

Strong support from IC and the FG

 

Mooge

 

You can cry all you want nothing will stop Galmudug

 

Next

 

Hiiraan and Shabelle state enjoy the show

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congratulations are not in order; the next "President" was selected by bribed illiterate thugs, pirates and warlords.

 

There should be free and fair elections in this new state. The residents should have voted.

 

The Somalis are beyond reform. Whats with the low standards that we have? We are content with God, khat and camels. Titles like the one on this topic do Somalis and Africans a disservice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Beesha Caalamka oo soo Dhaweysay Doorashadii Madaxweynaha ee Maamuka GALMUDUG

1 0

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/July/wararka_maanta4-92112.htm#sthash.y3fjmcLj.dpuf'>http://www.hiiraan.ca/news/2015/July/wararka_maanta4-92112.htm#sthash.y3fjmcLj.dpuf

 

abti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee maanta ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

 

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah Caawa u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

 

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Guuleed iyo ku xigeenkiisa Carrabey in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Somalia. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada kasoo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

 

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan. Annagoo ogsoon in muranka Puntland uu salka ku hayo dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka laguna dadaalo in dhismihiisa la waafajiyo Dastuurka u yaalla dalka,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

 

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha. Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

 

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

Maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at: http://www.hiiraan.ca/news/2015/July/wararka_maanta4-92112.htm#sthash.y3fjmcLj.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this