Illyria

The Bosaso port project?

Recommended Posts

Holac   

There has been so much protest and controversy over this port project that you wonder what UAE's plan is for this port. Is it to keep other investors away or is the UAE really interested in developing this port for the benefit of the country? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Horumarinta dekaddu waa shay wanaagsan waana arin sax ah, waayo wax walba oo la dayactirin way halaabaan ama duugoobaan,wayna wanaagsan tahay in maal-gashi caalami ah la helo ama yimaado, dalal badan ay ku tartamaan,kii dani ku jirtana uu ku guulaysto.

 

Mana haboona in hal dal oo kaliya albaabka usoo xirto dad lumay dalkooda.

 

Mushkiladda heshiiskaan iyo shakiga waxaa keenay caddayn la'aanta waxa ku qoran heshiiskaan oo aysan cidna la wadaagin shacabka dalka iska leh. 

 

Dadka hogaanka sheeganay waa ku xaqiraad hadday shacabkooda iskala weynaadaan.

 

lama hayo cid ama qof si rasmi ah u akhrisay heshiiskaan,baarlamaanka ansixiyay qudhiisana haku ahaadee,laga yaabee in lagusoo aadiyay saxiixiisa maalintii mushaarka iyo gunadaba laysugu daray oo maskaxdoodu joogin.

 

 

30'sano maxay faa'iido ka helayaan dalka maal gashaday? ayagay jirtaa

 

Maxay reer puntland ka helayaan? ma naqaan

 

Ma isu dhigmaan sodonkaa sano qiimaha ay ku dayactireen iyo wakhtigaa dheer? lama yaqaan

 

Haddii cabshuurta la kordhiyo oo sicir-barrar ku yimaado dadka abaaruhu haystasn maxaa talaa? war looma hayo

 

Imaaraadku ma is waydiiyay dalka uu maal gashaday celcelis inta soo gasha qofkiiba dakhliga maalin lahaa? danihiisa gaarkaa yaa ka muhiimsan

 

Dr-puntland hogaamiya oo dhaqaalaha soo bartay maxaa ku kalifay inuu shacabka ka qancin waayo oo warqadda uu saxiixay miiska u saari la'yahay dadkana u sheegi waayay inuu faa'iido keenay.

 

Dawladda dhexe maxay tahay shaqadeedu?wax maka ogtahay heshiisyadaan maamulada oo u eg dhul boobka mar haddaan wax caddayna la hayn?

 

Yaa ka mas'uul ah khayraadka dalkoo dhan?mise dastuurkii kala caddayn lahaa wali waa qabyo?

 

Maxay ka qabtaa shuruucda caalimigga dal aan dastuur lahayn in khayraadkiisa heshiisyo sabado dheer lagu galo?

 

waa su'aalo aad u badan oo qof nooga jawaaba aan lahayn.

Allahu mustacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   
6 hours ago, gooni said:

 

Maxay ka qabtaa shuruucda caalimigga dal aan dastuur lahayn in khayraadkiisa heshiisyo sabado dheer lagu galo?

 

 

Oday Gooni waan kuslaamay marka hore.

 

Suaalaha Maxaa kuqoran heshiiska? Dr-Puntland  ayaa laweydiin iyo Waasiir Raage. Shacabku xaq ayey u leeyihiin inay dalbadaan aragtida heshiiska.

 

Mida aan jecleystay inaan kajwaabo waa mida dal aan dastuur laheyn heshiis mageli karaa? 

 

Jawaabtu waa haa, tusaale waxaa kuugu filan UK inayan ilaa hadda laheyn dustuur qoran, marka laga reebo sharciyada midowga Yurub oo ayba hadda laadeen.

 

Soomaaliya dastuur way leeydahay, laga soo bilaabo kii lixdameeyada aftida looqaaday, ilaa midka Faderaaleynta ee gudiyada qaran ansixiyeen. Wolow qodobo u baahan bidhaamin ay jiraan, hadana waa dastuur jira oo shaqeeya.

 

Suaal aan jecleystay  inaan kuwaydiiyo waa: Shacab arkay ama latusay meel maku haysaa heshiisyada shirkadaha Turkiga kula wareegeen dekeda iyo Airportka Xamar? 

 

Wadanku ha dhismo, cidii xisaabtan qabta xoog ama xeeladba hadhow wax waaku maareysan doonaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Dadka qaylinaya waxaa mooddaa inay daba socdaan arrimo siyaasad ku shuqul leh, oo sal ku leh khilaafka UAE iyo Qatar. Bosaso heshiiskeedu wax uu uga duwan yahay kan Barbara, Airport Xamar, iyo Dekedda Xamar ma jiro. Khidmada laga qaado Bosaso waa ka yartahay tan hadda laga qaado Berbera iyo Xamar. Dastuurkan lagu hoos gabbanayo xagguu jiray markii Turkish-ku Airport, Military base, Hospital, iyo Dekad dhisayay? War hormarka dalka meeshuu rabo ha ahaatee yaan la hor is taagin.

 

Qatar hadda heshiisyo saxiiday ay dhul beereed rabto inay kula wareegto oo ay dalagyo ka beerato, marka dalkuu miyuusan abaar ku jirin? Waxaan ku durayaa hadalkan oday Gooni!

Horimarka dalka ha la taageero!

  • Like 1
  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

yuunis

Sidoo kale waa ku salamay

Turkiga muqdisho waxaan ka aamisanahay shakhsiyan inay aad uga duwan tahay tan carabta.

 

Turkigu wuxuu yimid muqdisho ayadoo nalku ka dansanyahay oo mugdi ah ma'uusan isticmaalin qallinka jeebka kore ugu jira hogaamiye daciif ah.

 

Nalkii wuu shiday wixii xaabo ahaa oo horyaalay wuu nadiifiyay asagoo isticmaalaya jeebkiisa wixii ugasoo noqda dhaqaalihii ka baxay waa wuxuu xaq u leeyahay adba turkiga makhaayad waad ka furan kartaa adoon cidina kafiil kaa ahayn sida carabta.

Markaad isku filaato waa sahal inaad kala wareegtaan

 

Tan carabta

dekadda waxaa dhisay talyani, wakhti iyo dhaqaale nalama waydiisan waana lagu liibaanay soomaaliyoo dhan

 

Carabtu waxay maal-gashanayaan waa isla ayadii

Intaan qalabkay ku dayactiri lahaayeen soo gaarin waxay kor u qaadeen canshuurtii ayagoo sheegaya inay heshiis sodon sanaa haystaan maalinkii loo qabtay inuu bilowdana la gaaray

 

Arinta boobka u ekaatay halkaasay ka timid waana isha kaliya oo wax lagu arko 

Deked cusub way dhisi karaan waa wadanka afaraad oo ugu dhaqaale badan dalalka muslinka ah balse ujeedkoodu waa lugta meel ii gali inta yar ee ka baxdayna waa inaad bixisaa markay koofiyadda shirkadooda kuu xiraan sida reer berbera oo kale.

 

Marka lasoo xooriyo warka

Dr'kaan indhaha qurxoon asagaa looga fadhiyaa waxa heshiisku yahay. 

 

Waxaan anagaa leh, waxaana ayagaa leh, aakhirka fas'iidadu waa noo haraysaa,intaanu waa lafihii intaana waa wixii baxay.

Reer barigu waa wada ganacsato adeer shaqo kale ma yaqaaniin waa qeexid iyo qancin kaliya si horumarku usii socdo.

 

Cheelle waa ku salamay saxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni waan kaa qaaday salaanta. Marka xiga, horta adduunka wax mashruuc intaa le'eg intuu dhiso gacanta kaa saaraya iyada oo ay dan kale daba socon horta ma jirto. Turkish waxa ay dhiseen free maaha, danaa daba socda. Haddana iyagaa inta mashruuc oo ay hirgasheen gacanta ku haya.

Dekada Bosaso iyo jidka Bosaso-Garowe haddaanan khaldanayn waxaa lacagta baxshay Maraykan shirkada dhistay un baa Talyaani ahayd. $250 Milyan buu Maraykan ku baxshay iyada oo ay daba socotay shidaalka ay shirkad Maraykan ah ka baaraysay dhulkaa Nugaasha.

 

Tan Emirates waxa heshiisyada galaya dowlad maaha (si dadbanba ha u lahaadeen shirkadaha) ee waa shirkado faa'iido doon ah, oo raba inay lacagta ay maalgashiga ah uu soo noqoto, anakana aan wax ka faa'iidno. Mida ah waxbaa la iibinayaa oo dalbaa la iibsanayaa waa fikir caadifad ku salaysan.

 

Mid kale oo aan rabo inaan wax iraahdo ayaa ah, Carab siyaasad xumo ha lagu xanto, laakiin Soomaaliya intii dagaal ka dambaysay waxa iskoola ka furan iyo waxa hay'ad kaalo ah dadka ugu badan oo maalgaliyay waa Carab. Marka yaasan dhisin Airport ama jid, laakiin wax nooma qaban waxay ila tahay waa jisaar. Waxaa intaa raacsiisaa, dhaqaalaha Soomaaliya badankii waxa uu ku xiran yahay waxa aan u dhoofino duni Carab iyo inta aan ka soo dhoofsano iyaka (waliba Dubai oo aad hadda moodo inay isheenu hayso baryahan).

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a great project, and is a good opportunity if well managed.

 

I hope the people work with the government, and government keeps the promise.

 

Bosaaso has a great potential.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

https://horseedmedia.net/2017/12/14/xalkii-loo-helay-muranka-dakadda-boosaaso-iyo-mustaqbalka-maqaal/

 

A really different and well-thought article. I like how the writer broke the general term of Ganacsade down in to Hawker vs Investor.

 

His encouragement in a long term investment thinking is what is really missing in that part of the country. 

 

While buying land with astronomical prices (led by speculation) is where the majority park their money.

Anyone with good investment plan will find it very hard in getting investors, even from very close relatives. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.