Sign in to follow this  
malistar2012

Som Gov rented two Private plan to evacaute Somali refuges in Yeman one has land

Recommended Posts

Som Gov rented two Private plan to evacaute Somali refuges in Yeman one has land.

 

222.jpg

 

First lady Sahra Cumar Xasan The wife of President Xasan Sheekh God Bless her effort

 

114.jpg

 

A plane carrying about 100 Somali nationals evacuated from Yemen landed in Mogadishu airport, the capital of Somalia on Monday evening, in the government’s first major mission to rescue citizens stranded in the strife-torn nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Hey’adda Hormuud Foundation Oo Boqol Kun Oo Dolar Ugu Deeqday In Lagu Caawiyo Qaxootiga Yemen

Posted on May 20, 2015 by Mustaf Mustaf in WARAR, WARARKA, XULASHADA // 0 Comments

hor2.jpg

 

 

WhatsAppShare

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa Guddiga Badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen ugu Deeqay deeq lacageed oo gaareysa 100,000(boqol kun oo dolar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Dalka Yemen.

 

Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo goor dhow la hadlay Radio muqdisho ayaa u sheegay in Hey’adda Hormuud Foundation ay ugu deeqday lacagtaasi in lagu caawiyo dadkaasi Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen, waxaana Hey’adani uu ku ammaanay caawimaada ay caawineyso dadkaasi, isagoo xusay in loo baahanyahay hey’adaha,ganacsatada, iyo cid kasta oo wax heysata in ay caawiyaan dadkaasi oo u baahan caawimaad dhab ah.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxaa uu ka hadlay 24-kii saac ee la soo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay guddiga oo uu sheegay in maanta kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir oo uu xusay in uu balanqaaday in ay siinayaan dhulal Qaxootiga Yemen ee Soo gaaraya Muqdisho kuwaa oo ay dagi doonaan

 

Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay la kulmeen islamarkaana uu umuujiyay sida ay ugu go’antahay garab istaaga Qaxootiga Soomaaliyeed Yemen, waxaana uu xusay in shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada laga jari doono qidmooyin lagu caawinayo dadkaasi

 

dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa waajib uu ka saaran yahay in ay ku dadaallaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dadka qaxootiga ah ee walaalahooda, waanna midda kaliyah ee muujineysa Soomaalinimada qiimaha ay leedahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

It's good that these people have landed back on their home soil safe and sound, however the credit even to the Government is not entirely theirs. The money was not paid by the government even though it was more than able to do so. The funds were paid by the International Organisation for Migration( IOM), a UN body that deals with these types of repatriation efforts.

 

I agree with a comment made which is for the Government to rent a ship or two that will probably set them back a couple of million- It currently receives a million a day in revenues, and bring back home our poor citizens!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markab Uu Baarlamaanka U Kireeyey Ku Dhowaad 1000 Qaxooti Soomaali Ah Oo Saakay Soo Gaaray Berbera… WARSAXAAFADEED

Posted on May 21, 2015 by Abdi Jeyte in WARAR, WARARKA // 0 Comments

markab-ganacsi.jpg

 

 

WhatsAppShare

Saakay abaare 08:30 waxaa dekedda magaalada Berbera soo gaaray markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka qeyb qaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan.

 

Markabkan oo howshiisa ay wadeen guddi uu Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen,siyaasiyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Yemen hogaankooda ayaa waxa uu shalay kasoo ambabaxay dekedda bureekha oo ku dhow magaalada Cadan ee dalka yemen.

 

Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka kana mid ah guddiga howshan gurmadka uu Baarlamaanku u xil saaray ayaa xaqiijiyey in saakay uu markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo xertay dekedda Berbera islamarkaana ay saaran yihiin 960 qaxooti Soomaali ah iyo laba qof oo Yemeni ah.

 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa howshan ku gacan siinaya shirkad la yiraahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada sabtida ay bilowdaan diyaaraddo lagu soo daabuli doono dadkan Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo in kadibna loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda.

 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go’aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Seddex Boqol kun oo doollar).

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen waxaana uu si guud ugu mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmad loo sameynayo walaalahooda kasoo laabanaya Yemen,sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad celiyey sida ay dadkan usoo dhaweeyeen.

 

—-DHAMMAAD—

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go’aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Seddex Boqol kun oo doollar).

 

 

 

0001.png

 

Congrats to our Govermanent excellenct job Finnaly The Somali People have Gov that cares and safeguards its citizen at home and Abroad .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this