Sign in to follow this  
Mooge

First time Bomb targets safest city in Somalia (Garoowe)

Recommended Posts

Mooge   

126-450x300.jpg

 

Garowe(pp) Taliyaha qaybta booliska Gobalka Nugaal Axmed Cabdilaahi Samatar oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee lala eegtay shaqaale ka tirsan UN-ta Puntland.

 

1Layli ayaa sheegay tiradda dhimasha uu sababay qaraxa inay tahay todobo qof, dad kale oo intaasi leegna ay ku dhaawacmeen, wuxuna sheegay qaraxan inuu ka kacay qof Isi soo miidaamiyay oo saarnaa gaariga qarxay.

 

 

 

”Waxaa ku dhintay Todobo qof, Lix qof waxay ahaayeen dadka dhintay, qofka kalena wuxuu ahaa kii is qarxiyay, afar waa Ajanibi dadka dhintay labo waa Soomaali, dhaawaca waa todobo, shan waa Soomaali, labona waa Ajanibi, Ninka is-qarxiyay waxaa la hayaa lugihiisii, gacmihiisii iyo madaxiisii, baaritaan ayaa lagu jiraa ilaa iyo hadda.

 

Laamaha ammaanka ayaa wali wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxan iyo cida ka danbaysay, walow aysan wali sheegin masuuliyadda qaraxan cida leh, waxaa badanaa weerarada noocaan oo kale ah lagu yaqaanaa ururka Al-Shabab.

 

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa booqday goobta uu qaraxu ka dhacay iyo dhaawacyadii oo la geeyay Isbitaalka guud ee magalada Garowe.

 

Waa qaraxii ugu horeeyay oo dhimasho iyo dhaawac sababay kana dhacay magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Garowe(pp) Madaxwyane ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ahna ku simaha madaxwaynaha Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camey ayaa si deg deg ah u magacaabay guddi wasiirro iyo Taliyaal ciidan iasgu jira oo baaritaan ku samaynaya qaraxii saaka lala eegtay shaqaale ka tirsan QM ee magalada Garowe.

 

IMG_7302Guddigan ayuu Camay magacaabay ka dib markii uu tagay goobta qaraxa loogula eegtay gaariga UNICEF iyo dhaawacyadii la geeyay Isbitaalka Garowe, wuxuna sheegay inay ka xun yihiin ka dowlad iyo shacab ahaan falkan, hase yeeshee uusan wax saamayn ah ku yeelan ammaanka iyo kala danbaynta Puntland.

 

 

 

Gudiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin.

 

Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

 

Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

 

Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

 

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

 

Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

 

Dhinaca kale Qoraal ay soo saartay Hay’adda UNICEF ayaa lagu xaqiijiyay qaraxan inay uga dhinteen afar ka mid ah shaqaalahooda, waxana lagu cambaarerar weerarkan oo saakadii hore Garowe ka dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

IMG_7361.jpg

 

niyoow how did Alshabab infiltrate the most well-organized, well-planned city, the Washington of Somalia? how did the terrorists even enter garowe? this is the safest city in all of Somalia. nobody kills in garowe niyoow. there are no murders. there is virtually no crime niyoow.

 

something is going on. could this be related to politics?

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mooge jaamac,,, waa runtaa magaalada garoowe waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu nabadda fiican soomaaliya, laakiin Washington way ka yar tahay marka laga fiiriyo xagga balaca.

 

si kasataba dagaalkanu waa ka duwan yahay mid la is taago wadada lagasoo galo iyo tan looga baxo, waa bariiskaad cunayso oo dhagax kuu galay.

 

Cid iska ilaalin kartaa majirto una malayn maayo qof sujuud ilaahay ku maqan nin masjid ku dhex dilay inuu UN dayanayo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this