Sign in to follow this  
malistar2012

A working Gov in action great week for SFG Punland to Contribute 3000 troops

Recommended Posts

A working Gov in action great week for SFG Punland to Contribute 3000 troops , Minister of Interior arrives in Cadaado to start Centre state .

 

 

War-muurtiyeed ka soo baxay kulankii dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland”SAWIRRO”

Posted on April 12, 2015 by Ali PK in WARAR, WARARKA // 0 Comments

 

cumarwali4.JPG

 

 

 

Waxaa booqasho qaadatay 10 -12 Abriil 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland wafdi ka socda Dawladda Federaalka oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, kulanka wada-xaajoodka oo dhexmarey wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Dawladda goboleedka Puntland, waxaa la isku raacay war-muurtiyeedkan:

 

Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

 

Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

 

Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya

Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.

 

Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya

Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.

Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland

Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadaladii ugu danbeeyey.

7.Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland.

 

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:

ü Arrimaha dastuurka

 

ü Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada

 

ü Iskaashiga qorshaha qaranka

 

ü Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Soomaalidu lugtii laga qaniinay maahee tii kale bay gaas ku shubeen.

(Mushkiladdu waa federaalka),, hana ka yaabin in qodobka sedexaad laysla gaaro.

 

Markaad macnayso federaalka soomaalida ama macnihiisa dhabtaa waa masaamiirta iska ilaali

 

Itoobiya iyo kenyana waa inay goob joog ahaadaan intaan calanka maamul gobaleedka la samayn

Taas macnaheedu waa tiimbarahoodii jeebkay ku wataan looma baahna in meel fog aadaan.

 

Dawladda dhexe waa shimbir aan baalal loo ogolayn oo geed kasoo dhacday,wax awooda oo gacanteeda ku jiraa ma jirto haba yaraatee, nalkaas turkigu ku shiday bay la wareersan yihiin.

 

ciidamadee laysku daraa?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

CCC should bring the money first. puntland is waiting for its share and then we will talk about sending troops.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

DoctorKenney, Puntland reserve army is 60,000. Puntland can mobilize 200,000 well trained fighting force in 24 hours. 3000 is nothing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:Shirkii Maamul Usameenta Gobolada Dhexe Oo Si Rasmi Ah Maanta Uga Furmay <st>Cadaado

 

null

 

Shirkii Maamul usameyta Gobolada Mudug Iyo Galgaduud ee Xiliyadii U danbeeyay uu hareeyay Qilaafku ayaa Maanta Wuxuu ka furmay Magaalada Cadaado Waxaa Shirkaani Si rasmi ah u Daah furey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Xaflada Furitaanka ayaa waxaa ka qayb Galay Saxiixayaashii Shirkan,Gudiga Farsamada,Ugaasyada Beelaha Dega Labada Gobol,Madaxda Dhaqanka Siyaasiyiin Iyo Ururada Bulshada .

Shirka Oo Mudo Saacadaa ka Socday ayaa waxaaa Ugu Horeyn ka hadashay Gudoomiyaha Gudiga Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Gal Gaduud Xaliimo Yarey waxayna Xustay In ay Dhamaystirka Shirka ay u mari doonaan Hanaankii lagu Saxiixay

Dhanka kale Waxaa isna Madasha Qudbad ka jeediyay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid Oo Xusay In ay ka Galmudug ahaan Tanaasul Sameeyen .

Gunaanadkii Shikan waxaa Soo Xiray Islamarkaana ku dhawaaqay Furitaanka Shirka Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shekh.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this