Sign in to follow this  
Deeq

Qaraxyo iyo Rasaas wali ka soconaya Hoteelka Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq   

Hi guys. So, we all guess by now that Maka Al Mukarama Hotel was attacked at about 4pm this afternoon. As a Resident that currently lives in the Mog, we been hearing bangs till right now. While. I wrote this, its 2.45am.

 

 

Muqdisho-SOMNA-Wali waxaa ka soconaya Gudaha Hoteelka Maka Al Mukarama Qaraxyo iyo Rasaas u dhaxaysa Ciidamadda Amniga iyo Tirro Rag Hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab. iyadoona imminka ay galeen Saacaddii 9-aad inta ay Kooxda hubaysan ku jiraan Gudaha Hoteelka Maka Al Mukarama. Xaaladdu waxay u muuqataa wali mid aan la soo afjarin, waxayna Wali ku jiraan raggii hubaysnaa ee Al-Shabaab ka tirsanaa Gudaha Hoteelka Maka Al Mukarama, Waxaana soconaya Dadaalo ay samaynayaan Ciidamadda Amnigu si ay meesha uga saaraan Kooxda Hubaysan ee Gudaha Hoteelka ku haysata Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xilliga oo Habeena iyo Korontaddii Hoteelka oo dantay waxay fursad u noqotay Kooxda soo weerartay Hoteelka, Waxaana ku adkaatay Ciidamadda Amniga inay qaybo ka mida Hoteelka galaan, iyadoona laga maqlayo Gudaha Hoteelka Qaraxyo iyo Rasaas.

 

 

War hadda na soo gaarayna waxa uu sheegayaa in 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Amnigu inay ku dhinteen Daqiiqado ka hor Gudaha Hoteelka iyagoo ku guda jira Hawlgalka ay kula tacaalayaan Ragga hubaysan ee wali ku jira Qaybo ka mida Hoteelka.

 

Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa haddaad ku jirto Facebook nagala soco barteena Facebook oo Like dheh si aad ula socoto Macluumaadka aan daqiiqad daqiiqad idinkugu soo gudbinayno

 

https://www.facebook.com/pages/Warbaahinta-Warar/849871818406854

 

Somali News Agency

 

Maka Al Mukarama

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

People are being killed in xamar by a bunch of blood thirsty terrorists. What does our great leader do?, he travels to sham al sheikh to have shisha with his counterpart.

 

Surely, even this demented fool can understand that a leader doesnt abandon ship at a time like this!!!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

AUN ,intii dhimatay dhaawacana allaha u fududeeyo.

 

Dawladdu waxaa keliya noo qaabilsantahay inay tacsi u dirto intii dhimatay markay fasaxa kasoo noqdaana madaxa ka taataabtaan inta dhawaacantay.

 

Carabtu haday weydiiso qarax safiiro ku dhinteen baa ka dhacay wadankiinii maxaad noo ag fadhidaan waxaa laga yaabaa inay ku jawaabaan diyaarad aan ku noqono ma haysano.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this