Sign in to follow this  
malistar2012

General Mungaab has Made Mogadishu self sufficient The entire city will be Paved

Recommended Posts

General Mungaab has Made Mogadishu self sufficient by year end the city will be paved

 

mashruca-dhiso-5.jpg

 

mashruca-dhiso-1.jpg

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray laamiga cusub ee la saaray Waddo dhex marta Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

by A M | Saturday, Mar 14, 2015 | 2321 views

 

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray waddada isku xirta Isgoysada Baar Ubax iyo Howlwadaag, halkaasoo dhowaan la saaray laami casri ah.

 

Koormeerkan ayaa ahaa mid uu Gudoomiye Muungaab ugu kuur galayay xaaladda suuqa bakaaraha, sida ay u socdaan howlaha ganacsi iyo dib u habeynta lagu sameeyay laamiga dhex mara suuqaasi.

 

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Wabraahinta ayaa guddoomiyaha gobolka banaadir iyo xubnii la socday uga warbixiyay xaaladda suuqa bakaaraha iyo dhismaha wadadasi, isagoo ganacsatada ka dalbaday inay bixiyaan canshuurta.

 

Mr Muungaab ayaa sheegay in dowladda hoose ee xamar oo kaashanaysa ganacsatada suuqa Bakaaraha ay ku guuleysteen in waddo 1-km ah oo dhex marto Suuqaasi ay laami saaraan, isagoo xusay in wadadan laamiga aanay Beesha Caalamka u dhisin.

 

mashruca-dhiso-8.jpg

 

“Tani waxa ay muujineysaa in aan nahay dad wax qabsan kara, waxaan markale ku celinayaa baaqii ahaa, mashruucii Dhiso dalkaaga oo uu horey Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay, laamigan aan ku socono saaxibada Beesha Caalamka nooma dhisin” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo intaa ku daray in dhowaan wadadan xariga laga jari doono.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa wadada waxaa uu dhex galay shacabka, isagoo wax ka iibsaday, kana dukaameystay dukaamo ganacsi ku yaal wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha.

 

Tani ayaa ka dhigan in Maamulka uu ku tallaabsaday waxqabad, isla markaana isku howlay sidii laamiyada loo dhisi lahaa iyo dhismayaashii dowladda ay laheyd, iyadoo laga kaaftoomayo in taageerada hey’addo ama dowlado.

 

24 sano kaddib ayay noqoneysaa markii laami casri ah la saaray wadada isku xirta Isgoysyada Baar Ubax iyo Howlwadaag, halkaasi oo ay dhibaatooyin ku qabeen ganacsatada iyo dadka kale ee ka adeeganaya suuqa bakaaraha.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The best piece of good news I have heard from you for a while. It's heartwarming to hear 'Somali baa dhisatay iyadoon cid kale gacan weydiisan'.

 

Hopefully it will be the sign of things to come, Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cadale   

<cite>
said:</cite>

Muungaab will be sacked by the President anytime now.

 

Yup. He lacks the administration skills that is needed. Ina Ali Amerika might replace him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Mogadishu will have election Thanks to Gen. Muungaab no more Selection

 

muun-gaab-oo-bun-kusoo-dhaweeyay-nicolos

Kulan Dhex Maray Muungaab iyo Nicholas Kay(Sawiro)

Posted by: Danan24 in Warar, Wararka 3 days ago 0 43 Views

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta Xafiiskiisa degmada Heliwaa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nickolas Kay.

Gudoomiye Muungaab iyo Kay ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay igu Muhimsaneed qaabka doorashada dowlada Hoose iyo sidii caasimadda Soomaaliya loogu sameyn lahaa qaab gooni ah si ay wax ula qeybsato wadanka intiisa kale oo ay hooyo u tahay.

 

“Waxaan Gudoomiyaha gobolka Banaadir uga Mahadcelinayaan Mudadadii sanadka aheyd oo xilka hayey sida wanaaagsan oo uga shaqeyay arimaha horumarinta, bulshada iyo wacyigelinta bulshada Soomaliyeed aniga waxaan Marqaati ka ahay in Maamulka gobolka Banaadir uu qabtay wax cad oo la taaban karo” ayuu yiri Danjire Kay.

Sidoo kale Kay ayaa sheegay in mudadii sanadka aheyd ee Maamulka gobolka Banaadir uu Muunaagb Hogaaminayey in aysan Wax dhibaato ah soo gaarin hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

“Waan ugu mahadcelinaynaa sida uu mar walba u soo booqdo xarunta maamulka gobolka ee degmada Heliwaa waana arin farxad leh in uu Kay sidaa sameeyo” waxaa sidaasi yiri gudoomiye Muungaab.

Kulanka oo qado iyo aragti is dhaafsi ahaan ayaa ku soo dhamaaday jawi is maxabeyn iyo nabadgeliyo ah iyadoo Danjire Nicholos Kay iyo mas’uuliyiintii kale oo la socotay ay xarumahooda dib ugu laabteen si nabadgeliyo ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this