Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Figthings resume between Khatumo & Maamulka Somalidiidka

Recommended Posts

Dagaal Somaliland iyo Khaatumo ku Dhexmaray Deegaanno ka Tirsan G. Sool

0 4 Google +0 1

 

Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Dagaal khasaare kala duwan geystay ayaa shalay ka dhacay duleedka tuulada Saaxdheer oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka kaga beegan dhinaca Koonfur-galbeed qiyaastii 75-km.

 

Iska-horimaadkan oo u dhexeeyay ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa gabal-gaabkii shalay ka billowday Qudhac-maqasin oo kaga beegan Waqooyi tuulada Saaxdheer.

 

Ma jirto cid si dhab ah u og khasaaraha ka dhashay dagaalka oo soo gaaray xilli habeen-nimo ah, waxaase la sheegayaa inuu jiro khasaarooyin soo kala gaaray labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay.

 

Daahir Maxamed Maxamuud Xoosh oo ka mid ah odayaasha deegaanka uu ka dhacay dagaalka ayaa HOL u sheegay in illaa shan ciidanka Khaatumo ah uu dhaawacooda og-yahay, wuxuuna intaas ku daray in khasaaruhu intaas ka badan karo.

 

"Dagaalku wuxuu saameeyey deegaanno badan oo ay degenaayeen dad reer guuraa ah; waxaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan; sidaa daraadeed wuxuu wayeello gaarsiin karaa dad iyo duunyo,” ayuu yiri Daahir oo ku sugan Saaxdheer.

 

Xildhibaan maamulka Khaatumo ka tirsan Cabdirashiid Askar Jaamac ayaa isna sheegay in laba gaari ay ka gubeen ciidamada Somaliland intii aysan cad-ceeddu dhicin, balse aanu ogayn wixii ka dambeeyay.

 

Dad deegaankaas ku sugan ayaa iyaguna soo sheegaya in dhaawacu uu shan qof gaarsiisan yahah, laakiinse habeennimada iyo is-gaarsiinta oo liidata awgeed ay adag tahay in la ogaado khasaaraha inta uu le’eg yahay.

 

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku saabsan dagaalka ka dhacay duleedka tuulada Saax-dheer. Ciidamada Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgalo ciidan ka waday deegaano ay ka mid yihiin xidh-xidh, Dharkayn-geenyo, Geed-dheer iyo qaar kale oo badan.

 

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

seynab@hiiraan.com

Laascaanood, Gobolka Sool

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Feb/wararka_maanta25-90355.htm#sthash.9WSD7dSH.dpuf

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this