Sign in to follow this  
Axmed1508736699

SFG recognize Khatumo State

Recommended Posts

Ra'isulwasaaraha Xukumadda Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday iney aqoonsi siinayaan Maamulka Khaatumo State kadib markii xaqiraad iyo cadaalad daro lagu sameeyay mudo dheer. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galeydh.

Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Madaxweyne Galeydh uu hogaaminaa.

 

Khaatumo State of Somalia oo dagaalo dhiig badan ku daatay la gashay Maamulka Siilaanyo waxeey astaan u noqotay ilaalinta Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia hasse yeeshee nasiibdarada madaxda Somalida iyo Wadaniyad xumadooda sideey ku habooneed looma siin aqoonsi maamul goboleed.

 

Madaxda Somalia waxeey aad uga baqayeen Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo doonaya iney xuurta ku heeystaan Goboladda Khaatumo State oo la xaqiijiyay inuu ka buuxo Batrool.

 

Quursiga iyo isla qabweynida aan la qaadan karin waxeey tahay in Puntland iyo Somaliland qofkii u dhashay ay Maxkamad ku xukumayaan hadii uu maamulada kale u shaqo tago laakiin iyagu ay ku doodayaan iney Khaatumo metelaan Xaglatoosiye iyo kuwa la mida oo Calooshood u shaqeeystayaala.

Sikastaba ha ahaatee, waxeey geesiyadu ku gabyeen "Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno" !!

Waa kuwo xusuustii lunshoo xaaran gabigoode

Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye

Waa kuwo is ximin iyo ku nool iney xil gaadaane

Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !

Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye

Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede

Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode

Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane

Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane

Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this