Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Gov and Federal states meet in Mogadishu discuss the futur of Somalia

Recommended Posts

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubaland iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta soo gaaray Muqdisho

gobb_2.jpg

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Maamulka Jubaland Sheekh Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Maamulka Putiland.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ugu soo dhaweeyay Wafuud ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntiland.

Madaxweynaha Maamulka KMG ah Ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan cadde ayaa waxaa uu sheegay in Socdaalkoodu uu la xiriiro kulamo ay la yeeelanayaan Madaxda Qaranka iyadoo laga wada hadlayo Xaalada Dalka iyo sidii Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira ay wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen loogana wada shaqeyn lahaa Hiigsiga 2016 ka.

madoo.jpg

Waxaa sidoo Kale Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas , waxa uuna sheegay in Ujeedka ugu weyn Ee uu u yimid ay tahay in Dowladda Dhexe Madaxdeeda ay ka wada hadlaan Hormarka Dalku hiigsanayo iyo warbixin kala qaadasho labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaga shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu Muqdisho ka dhaco kulan ay yeelanayaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kasocda.

gaas3.jpg

Kulamada ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa looga hadli arrimaha aayaha siyaasada dalka, hiigsiga sanadka 20016, isku dhafka ciidamada dowladda ee gobolada dalka ku sugan, waxaana kulankan ka marneyn la tashiyada ku aadan soo magacaabista Xukuumada cusub.

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdi Wali Gaas ayaa la arkayay diyaaradii keentay oo ay lasocdaan Ciidamo gaar ah oo katirsan ilaaladiisa, kuwaa oo u labisnaa qaabka Ciidamada Gaashaan ee Dowlada Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeesay uu Muqdisho la yimaado Ciidamo hubeesan.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha iyo Ra' iisul Wasaaraha oo la kulmay Madaxda Maamulada Gobolada dalka

xasan-ccc.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada, madaxda maamul goboleedyada dalka ee booqashada ku yimid Muqdisho.

Hoggaamiyeyaasha qado sharafta loo sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, kan Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo midka Koonfuur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

xasan-madax-gobolada-4.jpg

Socdaalka madaxdan ay ku joogaan magaalada Muqdisho ayaa la xiriira martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si ay ugu wada tashdaan Mustaqbalka dalka, nidaamka Federaalka iyo Hiigsiga cusub iyo arrimo kale oo la xiriira isku dhafka ciidamada gobolada dalka.

Ahmiyadda socdaalkan ayaa ah in wadatashi uu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulada gobollada, iyagoo isku xog warami doona, kana tashan doona arrimaha qaranka horyaalla" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxay bilaabeen kulan ay wadajir ula qaadanayaan madaxdaasi maamulada gobollada.

Kulamadan wadatashiga ah ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, iyadoo la filayo in gabagabada laga soo saaro war loo wada dhan yahay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Great work by SFG and Federal states it's time Somali moves forward United ,

xasan-madax-gobolada-1.jpg

xasan-madax-gobolada-2.jpg

xasan-madax-gobolada-3.jpg

Kulamada ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa looga hadli arrimaha aayaha siyaasada dalka, hiigsiga sanadka 20016, isku dhafka ciidamada dowladda ee gobolada dalka ku sugan, waxaana kulankan ka marneyn la tashiyada ku aadan soo magacaabista Xukuumada cusub.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Odey   

its high time they all sat down together, talked about how they can individually and collectively serve the poor, starved and suffering people of Somalia whom they claim to represent. If this event and possible future ones like this can stop the never ending bickering in the media, the general public can possibly recover from the "divide & Rule" BS of the past 25 years!. Good move forward and if Culusow made this happen, maybe, just maybe, there is hope still.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mooge   

Abdiweli is lowering his stature by participating in this. Puntland is not only a federal state, but it is bigger than that. It is a mistake to participate in this.

Share this post

Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Abdiweli is lowering his stature by participating in this. Puntland is not only a federal state, but it is bigger than that. It is a mistake to participate in this.

Your so Funny , Puntland is not only a Federal State lol ? What's Puntland on Independent country when did Bari & Nugal a Region of Somalia succeeded from the Rest of Somalia?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada oo maalintii labaad shir uga socda Muqdish

IMG_1797.jpg

IMG_1722.jpg

IMG_1832.jpg

Qodadii gudiga maanta loo saaray ayaa waxay kala ahaayeen

1. HIIGSIGA SANADKA 2016

2.BARNAAMIJKA HIMILDA CUSUB ( NEW DEAL)

3. DHISIDA CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYA

4. ABUURIDA KALSOONIDA

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mooge   

malistar, Puntland is bigger than a Federal state niyoow. it is a super state niyoow and everyone knows that. we are not equal to shariif sakiin and Awliyo name in only phantoms. we supported those states to become federal but that doesn't mean we are equal.

that is the reality niyoow. abdiweli has more stature and influence than qoslaye and CCC niyoow.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Shirkii Madaxweynaha iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Kulankii Wadatashiga Dowlad goboleedyada oo warmurtiyeed laga soo saaray (VIDEO)

February 06, 2015 – Kulankii Wadatashiga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sida Puntland, Jubbaland iyo Koofur-Galbeed ayaa maanta lasoo gabo gabeeyay.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd wadatashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada dalka, si argti Qaran oo midaysan looga yeesho arrimaha Soomaaliya.

Muddadii saddexda maalmood ahayd waxay dhinacyadu yeesheen kulammo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaa ugu dambeyntii la isku raacay qodobbo muhiim ah:

WARMURTIYEEDKA

1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.

2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.

3. Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada harsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.

5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.

7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.

8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.

9. Inta la gaarayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

Xafiiska Sawirro.com Muqdisho

Recent Posts

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed (Sawirro)

DSC_3741.jpg

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay Madaxweynayaasha Maamullada KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Xildhibaannada heer Federaal ee kala matala labada maamul goboleed, Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.

DSC_3759.jpg

Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay uu ugu horeyn uga mahad celiyey dhinacyada kasoo qeybgalay sida ay marti qaadkiisa u aqbaleen, waqtiga haray ayuu tilmaamay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu aad u gaaban yahay sidaasi daraadeedna looga baahan yahay shacabka labada maamul iney is cafiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan islamarkaasina ay horey u socdaan ayadoo lagu dadaallayo midnimada dalka iyo muwaadiniinta.

DSC_3747.jpg

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay tahay lagama maarmaan in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo dhex marta shacabka ku dhaqan gobollada ay ka arimiyaan labada maamul goboleed iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha hormarinta, amniga, deris wanaagga iyo in si wadajir ah oo loo wada dhan yahay loo dhameystiro dhismaha maamulladan oo hada ah KMG.

DSC_3744.jpg

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba waxa ay faah faahin ka siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dhinacyadii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay halka ay wax u marayaan, waxyaabaha u qabsoomay maamulladan KMGka ah iyo halka ay hiigsanayaan taasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhinacyadii kulanka kasoo qeybgalay ayadoo Xildhibaannada,Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyaraduna ay aragtidooda ka dhiibteen madasha islamarkaana ay soo dhaweeyeen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka isugu keenay hogaanka iyo dhinacyada metelaya labada maamul.

Gaba-gabadii kulanka waxaa la go’aamiyey in la sameeyo guddiyo Xildhibaanno,Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin,ururrada bulshada rayidka ah ka kooban kuwaasi oo hubinayo in dhameystirka dhismaha maamul goboleedyadan koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay noqdeen maamul goboleedyo dadka ay raali ka wada yihiin,loona wada dhan yahay.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this