Sign in to follow this  
Saalax

Hubkii laga rogay markabkii Dekeda Berbera lagu qabtay oo dib loogu raray

Recommended Posts

Saalax   

War-degdeg ah:Hubkii laga rogay markabkii Dekeda Berbera lagu qabtay oo dib loogu raray isla markabkii+Hawl-wadeenadii,shaqaalihii iyo Ganacsatadii oo layska hortaagey inay galaan dekeda gudaheeda ilaa iyo inta

 

 

 

Berbera-(Qaran-news)-Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa goor-dhaweyd Warfidiyeenka Qarannews u xaqiijiyey in dib loo raray Hubkii iyo Agabkii Milateri ee Shalay uun laga rogay Markabka MV-Shaakir oo isagoo hubka iyo shixnad kale wada ku soo xidhay dekeda Berbera Laba Usbuuc ka hor.

 

 

Waxay xoggaha Qarannews heshay intaas ku dareen in saqdii dhexe ee xalay Go’aanka Raristu soo dhacay,islamarkiibana la bilaabay rarka Hubka ,Waxaana ilaalo adag la dhigay ama lagu wareejiyey Albaabadaa Dekeda laga soo galo oo dhan. Ku darsoo ilaa iyo hadda oo saacadu tahay Todobadii Subaxnimana waxaa hor tuban Gaydhka weyn ee Dekeda Shaqaalihii iyo Xamaalkii dekeda oo aan la ogoleyn inay gudaha galaan ilaa inta hawsha rarka Hubka xaal-xaalkeeda la soo afjarayo.

 

 

Geesta kalena markabka Hubka sida ayaa la filayaa inuu goor dhaw dhaqaaq bilaabo.

 

 

https://www.qarannews.com/war-degdeg-ahhubkii-laga-rogay-markabkii-dekeda-berbera-lagu-qabtay-oo-dib-loo-rarayhawl-wadeenadiishaqaalihii-iyo-ganacsatadii-oo-layska-hortaagey-inay-galaan-dekeda-gudaheeda-ilaa-iyo-inta/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this