Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali PM Dissolves New Cabinet

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo lagu wado inuu kala diro Xukuumada uu dhowaan soo dhisay

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid lagu wado inuu kala diro Xukuumada uu dhowaan soo dhisay, kadib markii uu xoogeystay dadaalka Xildhibaanada Baarlamaanka inay codka kalsoonida ugu diidaan.

 

Kulamo saacadihii u dambeeyay ka socday Madaxtooyada oo ay lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada dhinac waxay isku afgarteen in la kala diro Xukuumada dhowaan la soo dhiso, si looga baaqsado in maalinta berri uu rido Baarlamaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha, si uu isku bad baadiyo, isla markaana aanay u dhicin in markii u horeysay Xukuumada uu soo dhisay la diido.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu kala hadlay arrinta uu damacsan yahay oo ah inuu dib ugu noqdo Xukuumadiisa, waxaana uu weydiistay Gudoomiyaha in wax ka bedel lagu sameeyo Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee berri.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa isku raacay in ugu yaraan dib loogu noqdo jagooyinka Golaha Wasiirada isla markaana is bedel dhinac shaqsiyaadka iyo jagooyinka loogu sameeyo Golaha Wasiirada 5 ta bilood ee ugu horeysa.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu maalinta berri hortagi doono baarlamaanka, isla markaana ka hor sheegi doono inuu kala diray Xukuumada uu soo dhiso.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu weydiisan doono Baarlamaanka in waqti ay siiyaan oo uu ku soo dhiso Xukuumad cusub, iyadoo ay jirto in Baarlamaanka uu dhowaan fasax geli doono, waxaana ay u badan tahay in muddo 10 cisho uu weydiisan doono.

 

Tallaabadan ayaa la leeyahay waxay ka dambeysay markii isku dayo la doonayay in Xildhibaano badan lagu soo jiido uu guuldareystay, iyadoo Xildhibaanada badi ay ku adkeysteen mowqifkooda.

 

Dhinaca kale Ajandaha berri ee shirka Baarlamaanka ayaa laga bedelay codka kalsoonida Xukuumada, waxaana laga dhigay Hadal jeedinta Ra’iisul Wasaaraha oo lagu wado inuu Baarlamaanka hortiisa kaga dhawaaqo inuu is bedel ama uu kala diri doono Xukuumada uu dhowaan soo dhisay.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay diiday codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in ilaa 22-ka bisha dib loogu dhigo, waxaana taas ay noqotay caqabad ka hor timid ansixinta Xukuumada uu soo magacaabay.

 

Wal walka beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa noqday Golaha Wasiirada oo ay iska soo buuxiyan rag wax abaabulay ridista Labo Xukuumadood oo kala ah Saacid iyo C/weli, lagana yaabo inay mar kale horseed u noqdan burbur ku yimaado Xukuumadda hadda la magacabay ama inay ugu yaraan caqabad ku noqdaan Geeddi socodka 2016 da.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

http://www.jowhar.com/raiisul-wasaare-cumar-cabdirashiid-oo-lagu-wado-inuu-kala-diro-xukuumada-uu-dhowaan-soo-dhisay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hahahahaahahah wonderful and the Madness continues a useless government to replace another useless government. Why cant these people ever get it right perhaps it was wrong to bring cumar buur as the prime minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saturday, January 17, 2015

 

MOGADISHU — Somali Prime Minister Omar Abdirashid Sharmarke has dismissed his newly nominated cabinet, a government official told Xinhua in the wee hours Saturday.

 

"The PM decided to dissolve the newly appointed cabinet due to strong opposition from parliament," said member of Parliament Ali noor Bodaye, adding that Sharmarke is expected to appear before the national assembly on Saturday to request more time to form new government.

 

Sharmarke announced his new cabinet earlier this week. However, there has been a standoff within the national assembly on approving the new cabinet, which largely comprised of former cabinet ministers.

 

Sharmarke, former Somali Ambassador to the United States, was appointed as premier in December last year, after his predecessor was ousted via motion of no confidence.

 

The international community has warned against the recurrence of violence in the horn of African state due to unstable political standoff among the Somali leaders.

 

http://hiiraan.com/news4/2015/Jan/97777/_font_color_red_breaking_news_font_somali_pm_dissolves_new_cabinet.aspx

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another Prime Minister. Another political infight.

 

This just doesn't stop :D ....I know Omar Caloolweyne isn't the sharpest politician, but all this does is expose Culusow for being an unbelievably petty and divisive President.

 

There's no way this clown can return in 2016. No way at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Right thing to do. The cabinet was filled with people that accomplished nothing under two previous PM besides being allies to the president and the dissolved cabinet was not inclusive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

null

 

PRESS RELEASE — The Somali Forum for Unity and Democracy (SFUD) welcomes the prime ministers withdrawal of the list of cabinet appointees

January 17, 2015

 

Mogadishu, Somalia

The Somali Forum for Unity and Democracy welcomes the decision of the Prime Minister to withdraw the list of cabinet appointees, responding to the deep concerns over the list held by an overwhelming majority of parliamentarians.

We commend the efforts of Forum members and other parliamentarians, as well as our public in voicing disapproval to the list. This signifies to the Somali people that a democratic culture is emerging in our country, a culture that will allow the desired checks and balances to flourish in our political system.

The Forum strongly urges the prime minister to use this opportunity to form an inclusive and competent government. A government that can steer our country to free and fair elections in 2016, and one that is capable of advancing our national agenda to improve the rule of law and good governance; restore security, uphold human rights, provide basic social services and enhance the welfare of our citizens.

We appeal to the prime minister to not reinstate those that have been responsible for the political instability of our state institutions. We reiterate the importance of the supremacy of law and the respect for the constitution. In this context, we implore the President of the Republic to not constrain the prime minister in the selection of cabinet members and to abide by the constitution.

We reaffirm the Forum’s strong commitment in upholding the constitution, and as such will support the prime minister to form an inclusive, balanced and competent government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Doc, who do you think this time will win?

Culusoow will scream like a jealous woman if Caloolweyne doesnt pick the men culusoow wants.

 

Lets get ready to rumble!

http://i.telegraph.co.uk/multimedia/archive/01011/sumo460_1011901c.jpg

 

:D Caloolweyne doesn't seem to be the sharpest politician out there. But then again, Culusow used all of his political capital to oust Yuulka. This'll be interesting for sure

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo go’aan ku qaadan doona inuu ka tago Wasiiradii muranka dhaliyay

 

Iyadoo 24-saac ay ka soo wareegatay markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid la laabtay Xukuumadii uu soo dhisay 12-kii bishan, isla markaana Baarlamaanka uu u ogolaaday waqtiga cusub ee uu qabsaday inuu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro tayo leh ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu damacsan yahay in qaar ka mid ah saaxiibada Madaxweynaha ee u badan Xukuumaddii la diiday ee muranka badan ka dhashay inuusan dib u soo celin doonin.

 

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in tallaabada uu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay mid uu kalsooni uga raadsanayo Baarlamaanka, si uu meesha uga saaro Wasiirada qaar ee la diidan yahay, kuwaasoo loo tarinayo inay sabab u ahaayeen khilaafyadii lagu riday Labadii Xukuumadood.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato labada kudladood ee Baarlamaanka ay magacawdeen, si uu qorshaha uu damacsan yahay ugu gudbiyo, kuwaasoo ah labo aragti midkood inuu qaadan doono.

 

Aragtida koowaad ayaa ah inuu soo dhiso doono Gole Wasiiro oo wajiyo cusub ah, ayna ka maqan yihiin dhamaan Wasiiradii hore, si meesha looga saaro muran iyo khilaaf dambe, waxaana uu aragtidan la wadaagi doonaa Xildhibaanada labada dhinac.

 

Sidoo kale aragtida labaad ayaa ah in Ra’iisul Wasaaruhu labada dhinac ee Xildhibaanada la galo heshiis ah in xubnaha uu soo dhisi doono uu ka keenayo labada dhinac ee Baarlamaanka, kana soo xuli doono tiro wasiiro ah, waxaana tani ay u badan tahay inay dhaliso muran, waayo Wasiiradaas waxaa laga yaabaa inay soo galaan xubno qaar ah kuwa la diidanaa.

 

Wal walka beesha Caalamka ayaa ahaa soo laabashada xubnihii geed fadhiga u ahaa khilaafyadii ragaadiyay Labadii xukuumadood ee Ra’iisul Wasaarayaashii hore C/wali Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon ee aakhirkii meesha laga saaray, waxayna taas keentay in xubnaha wakiilada beesha caalamka ka gaabsadaan taageerada Xukuumadii uu dhowaan soo dhisay Cumar Cabdirashiid.

 

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu maraya imtixaankiisa koowaad, waxaana la doonayaa inuu ku xisaabtamo waqtiga uu heysto iyo awooda uu dastuurka u siinayo soo xulida Golihiisa Wasiirada mudada 14-ka cisho ee uu fursada u heysto inuu kaga soo baaraan dego Gole wasiiro oo isku dheeli tiran.

 

Lama oga qaabka ay yeelan doonto xukuumaddiisa cusub, waxaanee laga dhowrayo inuu ku soo dhiso labo todobaad gudahood, waxaana mar walba dhici kara in mucaarado uu la kulmo.

 

http://www.jowhar.com/raiisul-wasaaraha-oo-goaan-ku-qaadan-doona-inuu-meesha-ka-saaro-wasiiradii-muranka-dhaliyay/

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

As long as Ilkojiir, Bisle, Ina Xuseen Ciid and Hashi are back, I can care less niyoow.

 

on the happy side, i am laughing at how time has caught up with Qoslaye. he is unable to pass a simple cabinet through the same parliament he bribed when he brought down the previous government.

 

the thugs who took cash last time want their positions so they are pissed at qoslaye. CCC is playing his game niyoow.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Current score:

 

Somalia (1) Xasan Sheikh and his cronies (0)

 

 

Let the countdown begin.

 

 

Warqadii uu CCC u qoray parlimaanka Somalia

 

 

 

Dhanka kale Raysalwasaaraha ayaa wada kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada, waxaana arrimaha yaabka badan ka mid ah labadii maalmood ee u danbeysey waxaa Xafiiska Raysalwasaaraha codsiga wasiirnimo geystey 106 Xildhibaan!, waxaana raysalwasaaruhu labada dhinac ee
Xildhibaanada midkasta la baxay badbaadinta Qaranka isla markaana doonaya Xildhibanaadimada in ay ku darsadaan Wasiirnimo uu kala hadlayaa sida ay suurta gal u tahay in 275 Wasiir dalku yeesho iyo cidda ilaalineysa golaha Xukuumadda haddii kuligood ay doonaan in ay Wasiir noqdaan.

Waxaa lagu wadaa in Raysalwasaaruhu dib ugu dhawaaqwo mar labaad golaha xukuumadda ee uu wax ka soo beddalay maalinta Jimacada ee dhamaadka todobaadkan.

 

 

HM

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this