Sign in to follow this  
cadnaan1

Xasan Sheekh oo isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland la yeelanaya maamul

Recommended Posts

cadnaan1   

Pi Kismaayo) Diyaar garow xoogan ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose, si loogu qabto shir ay ka qeyb galayaan maamul goboleedyada iyo Xukuumada Federalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa qaban qaabinaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Waxaana ka qeyb galidoona wafuud Soomaali ah iyo ajaanib.

Shirkaan ayaa lagu dhisayaa isbahaysi siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin maamul goboleedyada Jubbaland iyo koonfur-galbeed iyo xukuumadda federaalka.

Xubno ka tirsan bulshada caalamka ayaa lagu martiqaadidoonaa in ay ka goob joog ka haadaan sida ay maamul goboleedyada ugu kalsoon yihiin Xukuumadda Federaalka.

Puntland laguma casuumin shirkaan. Tanina waxaa lagu doonayaa in aduunka laga dhaadhiciyo in maamul goboleedyadu taageersan yihiin dowlada Federalka marka laga reebo Puntland, taasoo loo tixgalin doono inay tahay maamul carqalad ku ah dowladda Soomaaliya sida Warbixintu ay xustay.

Kulankaan ayaa la rajeynayaa in Kismaayo lagu qabto dhammaadka bishaan December, Wuxuuna socon doonaa muddo afar maalin ah.

Dhanka KALE, xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo maamulka Jubbaland ayaa gabi ahaanba xumaa tan iyo markii Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe uu bedelay jihadii siyaasadeed ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas ayaa labo jeer wada hadal yeeshay bishaan,kaasoo ku saabsanaa mooshinkii ka dhanka ahaa reysal wasaaraha, laakiin wada hadalkaas ayaa kusoo idlaaday guul darro iyo isfaham waa sida Warbixintu ay sheegtay.

Puntland waxay taageero hiil iyo hoo leh oo dhinac walba ah ku bixisay dhismaha maamulka Jubbaland waxayna ilaa iyo haatan daawayn caafimaad u fidisaa ciidamo laga keenay deegaanada Jubbaland oo ku dhaawacmay dagaalo ay la galeen Alshabaab.

Hoos Ka akhriso Warbixinta oo English ah;-

http://puntlandi.com/bbc-monitoring-meeting-in-southern-somalia-town-kismaayo-plans-to-isolate-puntland-administration/

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow Puntland has already given its blessing to this "shimbiroow heesa" to play the game with the IC community in Nairobi. Puntland will do anyting to undermine qoslaye.

 

 

Dawladda Puntland ayaa kula talisay Maamulka Jubbaland inaysan ka hor-imaan Shir la filayo Magaaladda Kismaayo in looga wada-hadlo Qaabka Federaalka looga hirgelin-karo Koonfurta Soomaaliya.

 

Shirkaan ayaa la filayaa inuu furmo 18 ama 19,waxaana xiriir Khadka Teleefoonka ku dhex-maray Madaxda Jubbaland iyo Puntland,ay Maamulka Jubbaland ku wargeliyeen inay baajinayaan shirka Kismaayo ee Qaramada-Midoobay ay Seminaar ugu furayso Maamulka Jubbaland oo laga codsaday Maamulka curdanka ah ee Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ee Madaxweyne ka yahay Shariif-Sakiin inay Seminaar u furaan wada shaqeyna uu dhex-maro Maamuladda Deriska ah ee Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed

 

Shirkaan ayaa la filayaa inuu furmo 18 ama 19,waxaana xiriir Khadka Teleefoonka ku dhex-maray Madaxda Jubbaland iyo Puntland,ay Maamulka Jubbaland ku wargeliyeen inuu baajinayaan shirka Kismaayo ee Qaramada-Midoobay ay Seminaar ugu furayso Maamulka Jubbaland oo laga codsaday Maamulka curdanka ah ee Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya ee Madaxweyne ka yahay Shariif-Sakiin inay Seminaar u furaan wada shaqeyna uu dhex-maro

 

Puntland ayaa kula talisay Maamulka Jubbaland,maadaama ay jiraan 2-sanno wax ka yar,inay shabaqa u daadiyaan Dawladda Federaalka si dadbana ay ula shaqeeyaan oo aysan noqon sida Puntland oo iyagu qaan-gaaray muddo 16-sanno ahna dhisan,markii ay dantooda ka waayaan Dawladda Federaalkana,kalsoonidda kala noqda ilaa loo fuliyo qodobada ay isku heystaan Dawladda Federaalka,iyadoo 12-kii Qodob ee ugu dambeeyay Magaaladda Garoowe ay ku kala saxiixdeen Puntland iyo Dawladda Federaalka.

 

Seminaarkan Kismaayo lagu qabanayo ayaa Maamulka Jubbaland Qaramada-Midoobay waxay ku naas-nuujinaysa 500-000-Doolar,taasoo ay dan-weyn ugu jiryo Maamulka Jubaland,waxaana Puntland ay kula taliyeen inaysan is-dhaafin Seminaarkan ku baxaya 500-000-Doolar.

 

Tooshka Wareega ee Shacabkamedia oo la xiriiray Madaxtooyadda 2 maamul ee Mataanaha Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay,inay isku raaceen Jubbaland inay markasta ogolaato Seminaaradda ay danta ugu jirto,oo aysan noqon sida Puntland maamul isku-taaga Dawladda Federaalka,balse looga baahan-yahay inay jilaac-siyaasadeed la yimaadaan,ayna ogolaadaan shirkan ay doonayeen inay is-hor istaagaan.

 

Madaxda Mataanaha Puntland iyo Jubbaland oo khadka Teleefoonka ku wada-hadlay ayaa isku raacay Maamulka Jubbaland inay markasta muujiyaan debecsanaan-Siyaasadeed,maadaama ay 2-sanna qura jiraan,ayna iska dhaa-dhicin inay la mid yihiin Puntland oo qaan-gaartay.

 

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo awal Bah-siyaasadeed la sameysay Puntland loona ogolaaday Garoowe iyo Baydhabo in la mataaneeyo,ayaa shirka Kismaayo uga faa'ideysanayo inay is-bahaysi Siyaasadeed la sameysteen Maamulka deriska la ah ee Jubbaland,iyadoo Maamulka Koonfur-Galbeed ay ku nool-yahay Beelo Daarood u badan Absame iyo Buraashadleey oo iyagana u badan Jufadda Cumar-Maxamuud,halka Jubbaland ay degan-yihiin Beelo Digil iyo Mirifle ah,waxaana labada Maamul la filayaa inay isbahaysi-siyaasadeed yeeshaan.

 

Dhanka kale Puntland ayaa wada qorshe lagu mataaneeynayo Maamuladda Koonfur-Galbeed,Jubbaland iyo Puntland si doorashadda dhici-doonto 2016 ay u sameystaan isbahaysi-Siyasaadeed.

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

mooge ninyahow waa la yaabee puntlandi iyo shacabkamedia kee baa runta sheegaya

 

teeda kale qofka soo qoray shacabkamedia wuxuu u muuqdaa qof soo cabay biyaha kulul wuxuu soo qoray wax laga fahmaayo ma lahan waxbuu isku qasay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge

 

President Xasan Sheekh has exceeded your expectations give credit to The man.....

 

Politically the South is stable, State building is almost completed No more headaches .,,

 

In south we got

 

Jubba state - SW state - centre state - HIIRAAN- shabelle dhex

 

Expect one centre command for the security force the. Army and police

 

Xasan Sheekh Political genius the man don't Smile for no reason expect more achievement.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq   

^^^^

AMEN to the above comment. HSM has truly did jobs that others would have loved to do eventhough they had time.

 

WEll done to Commander in Chief HSM

Share this post


Link to post
Share on other sites

niyoow Puntland has already given its blessing to this "shimbiroow heesa" to play the game with the IC community in Nairobi. Puntland will do anyting to undermine qoslaye.

 

Mooge-- maxaad ugu faanaysaa inay PL dhib ku hayso X. Shiikh? That is a strange thing to be excited about ninyow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this