Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Xadka Riddada"

Recommended Posts

Buug ka hadlaya Xadka Riddada oo lagu soo bandhigay Nayroobi

 

Buug cusub oo ciwaan looga dhigay 'XADKA RIDDADA MAXAA KA RUN AH' isla markaasna lagu soo koobay qoraalo ka hadlaayo xadka riddada, qeexitaana ku sameynaayo ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi.

 

Buuggaas oo uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil oo ah dhaqaalo-yahan horay u qoray shan buug oo kale, ayaa wuxuu ku soo koobay mowduucyo ka hadlaayo; Qeexidda Riddada. Xumaha iyo taariikhda gaaleynta Muslimiinta, Dagaalladii Riddada - Xadka Riddada, Xukunka Ilmaha riddooba, Riddada iyo Siyaasaddeynta Diinta iyo waliba Cilmi baaris kale.

 

Qoraaga ayaa ka hadlay sababaha ku dhaliyay in xiligaan uu qoray buugga (Xadka Riddada) iyo sababaha ku dhaliyay asagoona su’aallo qaarkood Diini ah oga jawaabay dadkii ka qeyb galay xafladii lagu daahfuray Buuggaas.

 

“Muhiimada Buuggaan uu xambaarsan yahay waxey tahay in la fahmo mowduucyada ku qoran oo ay ka mid yihiin sida qof loo riddeyn karo ama uu diinta oga bixi karo, waxaana ognahay in dhibaatooyinka Somalia ka jirto ay ka mid yihiin in diinta lagu baneysto dhiiga dad muslimiin ah oo la yiraahdo wey riddoobeen, marka arrimahaas ayaa igu dhaliyay inaan qoro buuggaan “ayuu yiri CabdiSaciid Cabdi Ismaaciil oo ah Qoraaga Buugga, sidoo kalana sheegay inuu aaminsan yahay buuggiisa uu ku soo beegmaayo xili aad loogu baahan yahay.

 

Buugga oo ka kooban 132 bog, ayaa waxaa ku jiro 14 mowduuc oo kala duwan, kuwaasoo uu qoraagu ku soo arruuriyay cilmi baaris uu sameeyay. Sidoo kale qoraaga ayaa buuggiisa ku faah-faahiyay, waxey shareecada Islaamku ka qabto dadka riddooba iyo fasiraad uu ku sameyay erayga Riddo.

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil- Qoraaga Buugga cusub ee “Xadka Riddada” ayaa ah dhaqaalo yahan bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuu horay u qoray shan buug oo uu ka mid yahay buug uu qoray sanadkii 1996 oo ka hadlaayay hor dhaca dhaqaalaha Islaamka iyo buug kale oo ku saabsan Saboolnimada sida looga baxo oo uu qoray 2002.

 

Qoraaga oo mudo badan ku noolaa wadamada Khaliijka Carabta, ayaa wuxuu dhaqaalaha ku bartay Jaamacada Umul Qura ee Sacuudi Carabiya asagoona markii hore ka mid ahaa ardaydii Jaamacada Umada Soomaaliyeed.

 

Riddada oo inta badan qorayaasha Soomaaliyeed aynan buuggaag ka qorin, ayaa hadana waxaa jiro buuggaag Luuqada Carabiga lagu qoray oo oo ku saabsan Riddada. Waxaana ka mid buug uu qoray Sheekh Maxamed Qazaani Al Mucaazir oo u dhashay wadanka Masar- buugaas oo lagu magacaabo [Al Sunatu Abu-Nabawiyaha beyna Ahlul Fiqi wa Ahlul Al Anthaar].

 

http://www.hiiraan.com/news/2014/sept/wararka_maanta15-48311.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuggaan kuwa wadaado sheeganaayo oo ka qeylinaayo arkay. Inta yar kooban aan ka aqriye wax laga qeyliyo kuma arkin. Waxaa yaab ah qofkii qoray buuggaan qaar ayaaba dhaarasho ugu marooyo inay dili doonaan, kuna 'shahiidi' doonaan. Yaabka adduunka. And how ironic since this very book deals with this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Barwaaqo   

Wadaad isku sheegyadda somalidu waxay doonayaan inay dadka mugdi ku sii haystaan. Madaxaa ka waynaada marka la daba raxleeyo ileen waa ibna aadan oo sharafta la huwiyey garan maayaan ee. May ka hadlaan dumarka maalin walba iska rogo dhaxa lagu dilayo, meeye ragii dambiga la sheegayo la galay masaakiinta sharci daradda lagu dhagxinayo. Waxaan daawaday sheekh isku sheeg been cad intuu la soo fadhiistay leh London ayaan ku booqday 700 gabdhood oo HIV qaba oo xero ku jira!

FG sheekhyadda diinta sida fiican u fasira kuma jiraan kuwan aan sheegayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Barwaaaqo,

 

You are side tracking the topic.

 

MMA,

 

This topic is not self administrative. Ibn Wahab took it up himself to make it so and developed his own Islamic Theology. Guess who thanked him for calling the Turks Mushriks? The Saudi family and the Brits!

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The man questioned about the validity of certain Hadiths, and he also brought up the power struggle between the Muslims and divisions created by that struggle. Khilaafkii bilowday maalintii Nabigu SCS dhintay, dilkii Cismaan CS, dagaalkii Cali CS, iyo khilaafka ilaa hadda socda. These are areas where most of today pseudo scholars wouldn't talk about and rather sweep it under the rug. Marka Sheekh Umal waxay ahayd inuu inta la doodo, haddii CabdiSaciid wax soo maloogay,uu isaga iyo inta kaleba ka qanciyo, laakiin the good sheikh took the short route and attacked the man's credibility and character by calling his work that of atheist and infidel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkii qoray buuggaan qoraal ayuu soo saaray maalin dhawayd. Haddii xadgudub la ii geysto, haddii dhiigeyga la baneysto, haddii la i dilo Umul iyo kuwa la mid ah ayaa ka masuul ah uu ku qoray.

 

Waxa kale aad ugu xumaa uu qoraalkiisa ku qoray hoteelkuu Islii ka deganaa in laga buriye, mid kale laga kireeyana cadaadis lagu saaray oo uu waaye. Yaab iyo barkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this