Sign in to follow this  
xabad

Godane is DEAD!

Recommended Posts

 

 

Daawo Wasiirka Amniga Qaranka “Digniin Culus ayaan ka jeedinayaa weerarro argagixisada damacsan yihiin”

Published on September 5, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 1,021 views

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa digniin ka soo saaray weerarro Al-Shabaab damacsan yihiin in ay ku gumaadaan Ummadda Soomaaliyeed kaddib shir ja’raaid oo uu caawa ku qabtay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Khaliif Axmed Ereg, ayaa hadalkiisa ku bilbaabay “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa nabarka ka haray oo waxaa la dilay horjoogihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw Godane, waxaa xog ku aaddan halka uu ku sugan yahay la helay, 1-adii bishan, arrintaas ayaana fududeysay in la qaarajiyo, dilkiisa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka, arrintaas waa guul dalkeenna uu gaaray”.

 

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa yiri ” hey’adaha Sirdoonka Soomaaliyeed waxa ay heleen ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay doonayaan in ay weerarro ka geystaan, xarunaha Caafmaadka, Waxbarashada iyo meelo kale, dowladda Soomaaliya arrintaas waa ay u diyaar garowdey, waana laga hor tagayaa haddii Alle Idmo, waxaan heegan gelinay dhammaan ciidammada Qalabka Sida, waxaan ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii gumaadkaasi looga hortagi lahaa, waan hubaa in gacan adag lagu qaban doonno dhammaan ficillada gurracan ee argagixisada”.

 

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa xusay in Xukuumaddu ay ku celineyso baaqii loo diray dhallinyarada Al-Shabaab ku hartay in ay isaga soo baxaan muddo 45, cisho ah, si mustaqbalkooda loo badbaadiyo, waxaana lee yahay Shacabka Soomaaliyeed ha xoojiyaan taageerada dowladda, “dalka horumar ayuu gaaray nabadda gacan adag ayaa lagu qabanayaa, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

 

Halkan ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga Qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this