Sign in to follow this  
Adam

2016 Election Garowe vision

Recommended Posts

Adam   

http://caasimadda.com/warqad-sir-ah-puntland-iyo-shaxda-ay-cayaareyso-2016-sida-ay-rabto-in-loo-qeybiyo-xildhibaanada-muqdisho/.

 

 

aamulka goboleedka Puntland ayaa la yimid, soona habeeyey qorshe damaaci ah, oo ku saabsan sida loo qeybinayo kuraasta xildhibaanada Baarlamaanka sanadka 2016, iyadoo dalka la rajeynayo inay doorasho ka dhacdo.

 

Qorshahan ah ayaa mid ay Puntland rajeyneyso inay kula wareegto talada dalka Soomaaliya, ayada si wanaagsan uga fakartay qaab ay xildhibaanno badan ku heli karto.

 

Aragti siyaasadeedkan ayaa Puntland ku dooneysaa inay ku hor dhigto wada hadalka ay dowladda Soomaaliya la yeelaneyo dhowaan ama shirka Copenhagen ee dhowaan dhici doona, kaasoo la doonayo in lagu jeexo khariirad cusub (Road Map) sanadka 2016.

 

Waxaan helnay nuqul ka mid ah qoraalka talo soo jeedinta ee aragtida siyaasdaeed Puntland, waxaana ay Puntland dooneysaa in nidaamka 4.5 meesha laga saaro, laguna bedelo Goboleysi, waxaase yaab iyo caqli xumo ah, in Puntland ay dooneyso in Muqdisho oo ah magaala madaxdii dalka in kuraasteeda lagu qeybiyo 4.5.

 

Warqadda Puntland waxaa sidoo kale lagu aflagaadeeyey, wax magaratana lagu tilmaamay dadka deggan koonfurta Somalia.

 

Sidoo kale arrimaha ay daliishanayaan in aanay doorasho ku dhici karin sanadka ayay ku tilmaameen Amniga Koofurta Soomaaliya oo aan hagaagsaneyn, dadka Koofurta oo aan khibrad u laheyn nidaamka dimoqraadiyada iyo doorashooyinka, sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar aheyn iyo dadka degan Koofurta oo dib u heshiisiin u baahan.

 

Qaabka qeybinta kuraasta Baarlamaanka ayay ku taliyeen in 18-ka gobol min 12-xildhibaan laga soo doorto gobol walba, maadaama dastuurka qabyada uu dhigayo in 225 Xildhibaan ay noqdaan Baarlamaanka sanadka 2016.

 

Arrintan ayaa qeyb ka ah qeylo-dhaanta iyo sadbursiga Puntland ay muddo wadday, waana taas sababta ay gadaal uga riixeysay maamul goboleedyo aan jirin meel ay maamulaan sida kan jubba.

 

Hadaba nuqulka aragti siyaasadeedka iyo shaxda ay wadato Puntland oo u dirtay UNSOM, oo aan tarjumnay hoos ka arag.

 

United Nations Assistance Mission in Somalia

 

UJEEDDO: TALO SOO JEEDIN Tixraac warqad No..

 

Anagoo ah dowlad goleedka Puntland ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya waxaan halkan ku soo jeedinaynaa qaabka qaybinta kuraasta xildhibaanada dalka, si loo helo awood isku dheeli tiran anagoo tixraacayna nidaamka awood qaybsiga ee JFS iyo qaab dhismeedka awoodaha dowliga dalka ka jira iyo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaliya

 

Waxaan garanay in ay haboon tahay in nidaamka 4.5 lagu badalo goboleysi, maadama ay adag tahay in doorasho sax la qabto 2016 sababaha hoos ku qoran awgood.

 

Amniga koonfurta Soomaliya oo aan hagaagsanayn.

Dadka degen koonfurta Soomaliya oo khibrad u lahayn nidaamka dimoqraadiga iyo doorashooyinka.

Sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar ahayn.

Shacabka koonfurta Soomaaliya oo u baahan dib uheshiisiin.

Si loo suurto geliyo nidaamka dimoqraadiyada waxaa qasab ah in laga shaqeeyo afarta arrin ee kor ku qoran, sidaas darteed waxaan soo diyaarinay qaabka ay naga codasadeen maamulada Somalia ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaliya, waana sida hoos ku qoran.

 

No Gobolka Tirada xildhibaan

1 Awdal 12 xildhibaan

2 Togdher 12 xildhibaan

3 Waqooyi galbeed 12 xildhibaan

4 Sool 12 xildhibaan

5 Sanaag 12 xildhibaan

6 Bari 12 xildhibaan

7 Nugaal 12 xildhibaan

8 Mudug 12 xildhibaan

9 Galgaduud 12 xildhibaan

10 Hiiraan 12 xildhibaan

11 Shabeelada Dhexe 12 xildhibaan

12 Banaadir 12 xildhibaan

13 Shabeelada Hoose 12 xildhibaan

14 Bay 12 xildhibaan

15 Bakool 12 xildhibaan

16 Gedo 12 xildhibaan

17 Jubbada Hoose 12 xildhibaan

18 Jubbada Dhexe 12 xildhibaan

EX Beelaha Shanaad 9 xildhibaan

Total 225 xildhibaan

Waxaan kaloo talo ahaan u soo jeedin lahayn in xildhibaanada ka imaanaya beelaha shanaad waa in laga tixgeliyaa beelaha degan Puntland, Somaliland, iyo Jubaland.

 

 

Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in xildhibaanada ka imaanaya gobolka Banaadir lagu saleeyaa 4.5.

 

Tirada guud ee madaxda state-yada ka jira Somalia ama maamullada federaalka, waa 8 wakiil oo madax u ah maamulada la dhisaayo ilaa laga gaaro doorasha dalka ka dhici doonta 2024, tirada guud ee qeybinta xildhibaana waa in markasta lagala tashadaa maamulada dalka hada

ka jira sida Jubaland , Somaliland iyo Puntland.

 

Waxaa is-weydiin Mudan in Garoowe oo ay ku nool yihiin 53 kun iyo Muqdisho oo ay ku nool yihiin 2 milyan oo qof in min 12 xildhibaan ay helaan, kaaga sii daranee in Puntland ay rabto in xildhibaanada Muqdisho lagu qeybsado 4.5, halka kuwa Garoowe ay ayada u gaar yihiin? Haddaba aqriste waa kaas qorshaha iyo caqliga Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hargeisa,burao,awdal 12 each hahaaa.Puntlanders will neva play by the books,no wonder it pirateland, and will eventually lose whateva little goodwill left in Somalis.

wax badso wax beel bay dhasha.....neva learned from recent history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

loooooooool.

 

niyoow are you guys kidding each other? Puntland has 4 million people living there. Mogadishu which used to have 1 million is mostly abandoned, buildings destroyed and the population there is 80% IDP bantu due to civil war.

 

please let say something that makes sense. mogadishu is completely empty. talk to the people who visited recently. it is facts niyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

<cite>
said:</cite>

loooooooool.

 

niyoow are you guys kidding each other? Puntland has 4 million people living there. Mogadishu which used to have 1 million is mostly abandoned, buildings destroyed and the population there is 80%
IDP bantu
due to civil war.

 

Common shared values of staunch Qabylad based propagandists on SOL are: Racism, Sadism and Fanaticism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this