Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somalia: Puntland sets int’l presence condition for talks with Federal Govt

Recommended Posts

What Puntland don't understand there is a Gov in Somalia day by day getting stronger ...

 

 

Never did Somali Gov have ties with Puntland other then Puntland admin asking for handouts and complaining undermining Somali Gov ....

 

 

Let them stay longer in Growe sxb we got tired of motion in the parliament Waar meeshoda hanaga joogaan.kkkk

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Samafal waan kugu raacsanahay in khalad ka jiray shirkii wax lagu qaybsanayay oo puntland madasha ka maqnayd

 

Reerka riixi maayo balse waxaanan aqoon u lahayn bay aqoon u leeyihiin mana ogola inay saminaarka federalka bixiyaan.

 

puntland diyaar ma u tahay aragtidaada inay isku maamul noqdaan galmudug ama isku noqdaan afar gobol caasimadana galkacyo noqoto si federal fiican loo helo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Home » Wararka »

“Lama aqbali karo in maamul QABIIL ku dhisan uu handado DFS” Waxaa yiri….

AUGUST 22, 2014 3:00 AM0 COMMENTSVIEWS: 2038

 

Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaan Cumar Xassan (Kabreeto), oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanno ay Garowe ka soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland oo dhowaan gaaray halkaasi iyo Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Gaas,

Xildhibaanka, ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in tillaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan Xildhibaanada u dhaartay Qaranka difaaciisa ee beel la saftay, sida uu yiri Xildhibaanku.

 

Xildhibaan Cumar wuxuu sheegay in Dowladdu sababaha ay uga jawaabi la’dahay farriimaha ka imaanaya Puntland; in ay sababtu tahay iyada oo loo arko qabiil ka mid ah qabaa’ilada Soomaaliya oo isaga haysta xuquuqdii uu Dowladda ku lahaa haddana doonaya inuu dowladdii handado si loogu sedburiyo, waxaana uu ku celiyey xildhibaanku in Guddoonka tillaabo ka qaado Xildhibaanada Garowe warka ka soo saaray ee Muqdisho ku soo wajahan.

 

“Marka kursiga Xildhibaanimada laguu dhaariyo waa kaga dhamaatay inaad qabiil iyo Gobol difaacdo, Xildhibaanku wuxuu metelaa Qaran. Haddii Xildhibaanada Garowe tegay ay saluugsanaayeen heshiiskii Gobolada dhexe dowgoodu wuxuu ahaa, inta ay Baarlamaanka hor yimaadaan in ay ka sheegeen wixii cabashadooda ah” Ayuu yiri Xildhibaan Kabreeto, wuxuuna intaasi ku daray in go’aannada ay ka soo saareen Garowe markii uu dhageystay u fahmay kuwo aan macno weyn ku fadhiyin.

 

“Puntland maadaama iyaga oo beel ah ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen Dowladda, madaxda Dowladdu waa ka aamustay, Madaxweynaha markii la weydiiyey inuu wax ka ogyahay cabashada Puntland wuxuu ku jawaabay “iyagaa og waxa ay ka caroodeen, annaga ma ogin” fadeexadii ka raacday ayey hadda iska dhaqayaan, waxey la’yihiin si ay ku soo laabtaan; hadalkoodana waxaa laga dhadhansan karaa in ay soo hoydeen, balse shacabkooda ay maqashiinayaan waxyaabaha ay Garowe ka soo saareen, saxaafadduna in ay warkooda qaadqaado ma ahan” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar, waxaana uu intaasi sii raaciyey in tiro ka yar 10 xubnood aysan ku takri fali karin xeerka & nidaamka u dagsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Xubnaha Baarlamaanka ku jira ee Puntland aaday waa in Baarlamaanka laftiisa tillaabo cad ka qaadaa, Dowladdii ay wax ka soo dhiseen ayey wax ka sheegayaan, weliba iyaga oo af qabiil ku hadlaya” Ayuu yiri Xildhibaan Cumar, waxaana uu intaasi ku daray in haddii Baarlamaanku aanu tillaabo ka qaadin xubnahaasi in la arki doono Xildhibaanno inta tagaan deegaanadooda qabiilkooda ka difaacaan.

 

“Meel ay adduunka ka dhacday ma leh maamul qabiil ku dhisan inuu dowladda handado wax loo dulqaadan karo ma ahan, iska daa in la dhageystee in qashinka lagu daro waaye hadaladooda, oo la yiraa edab yeesha, Puntland wax aysan aheyn ayey iska dhigtay” Ayuu yiri xildhibaan Cumar oo hadaladiisa ay caro ka muuqatay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool@Malistar. Niyoow HAG is losing the plot. Everywhere they are panicking. what gives niyoow. relax and lets play hard ball niyoow. the era of civil war and moryanism clan fighting is over. we are playing politics niyoow stop wishing for somali blood to be poured. haha

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Good move by PL. Let the IC be the arbiters when you can't even get the Somali government to consult PL about districts that it rules.

 

And now a scholarship fiasco - it reveals the chicanery that is the epitome of Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda faderaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay baaqi ka soo baxay Puntland

 

Muqdisho [RBC Radio] War qoraal ah ooo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegey in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay soo dhaweyneyso baaqii ka soo baxay dowladda Puntland ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo waxkasta oo tabasho ah.

 

War saxaafadeedka oo ku sixiixnaa Wasiirka Warfaafinta mudane Mustafa sheekh Cali Dhuxulow ayaa u qornaa sida atan.

 

“Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya waa dowlad aaminsan in kala duwanaanshaha lagu xaliyo mabda’a ah wadatashi iyo wadaxaajood”

 

“ayadoo laga amba qaadayo ayaa dowladu waxaa ay soo dhaweynaysaa wada hadalka ay ku baaday dowlad goboleedka Puntland si looga gaaro wixii tabosho ah is faham waa ah ee jira” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

 

Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadaynaysaa in ay diyaar u tahay in wada hadalkaasi la galo xili iyo goor kasta ayadoo wixii farqi ah ee jira aan dhexdeyna xalisano.

 

Dowladu waxay qiraysaa in dowlada Puntland ay ahmiyada weyn ugu fadhiso dowlada dhexe ee Soomaaliya waxayna dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya garowsantahay mas’uuliyada ka saran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo degnaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland horay u sheegtay inay xiriirkii u jartay dowladda faderaalka Soomaaliya.

___

RBC Radio

 

http://somali.raxanreeb.com/2014/08/dowladda-faderaalka-soomaaliya-oo-soo-dhaweysay-baaqi-ka-soo-baxay-puntland/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Gooni waa ra, yi fiican laakiin markaas xataa puntland 2.5 bay leedahay reer Galgaduudna ma jecla reer ka MJ inay hoostagaan oo shaki baas oo in jookarka loo ragayo bay aminsanyihiin marka see loo heshiin?:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Malistar you speaking like the goverment is owned by your family. The Goverment was formed to serve all but if tried to dictate things you know the people you dealing with. Hassan is president by name, he will lose that too. So its better for you to come down from your high horse. Sxb cid cid u dawladaynkarta ma jirto. Dawlada ama waanu wada lahaan ama way ina wada dayn. The choice is yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

<cite>
said:</cite>

Malistar you speaking like the goverment is owned by your family. The Goverment was formed to serve all but if tried to dictate things you know the people you dealing with. Hassan is president by name, he will lose that too. So its better for you to come down from your high horse. Sxb cid cid u dawladaynkarta ma jirto. Dawlada ama waanu wada lahaan ama way ina wada dayn. The choice is yours.

Well said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Samafale awoowe xisabta kala shakigu dhamaan mayso haddaan la helin qaab wanaagsan oo looga baxo

Awood qaybsigaan qabiilka iyo federal qabiilaysan wuxuu abuurayaa daciifnimo iyo inaan weligeed shaki dhamaan.

 

Halgankii siyaad barre allaha u naxariistee lagu qaaday qolo kastaa hadaf bay lahayd

Siday taariikhdooda ku sheegeen kow,,,

 

Reer punland hadafkeedu wuxuuahaa inay soomaaliya xukumaan

SNM’waxay doonaysay inay iska qayisho

USC waxay doonayeen inay muqdisho xukumaan

Inteena kale hadafkeenu wuxuu ahaa inaan nabad ku noolaano.

 

Hankii puntland wuxuu kusoo ururay inta reerku dego

Usc ‘na wuxuu kusoo ururay muqdisho

Snm’na in axad kasta laysugu tago bermingham palace

Federaalka yaa noo dhisaya marka awoowe?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Malistar you speaking like the goverment is owned by your family. The Goverment was formed to serve all but if tried to dictate things you know the people you dealing with. Hassan is president by name, he will lose that too. So its better for you to come down from your high horse. Sxb cid cid u dawladaynkarta ma jirto. Dawlada ama waanu wada lahaan ama way ina wada dayn. The choice is yours.

 

Puntland is owned by one family

This all inclusive gov We all know that , Puntland appeasement are getting tired Garowe wants hold Somali Gov hostage on all level ...

 

Today they are asking for mediation IC involvement no shame at all

 

Ethiopia loo ordaa

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xog: DFS oo diiday inay Puntland kula hadasho Addis-Ababa (Waa 13% kaliya)

AUGUST 23, 2014 8:24 AM0 COMMENTSVIEWS: 3339

 

Muqdisho (Caasimada Online) - Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku gacan seertay isku day ay Puntland ku dooneyso in wada hadallo u dhaxeeya labada dhinaca ay dhex dhexaadiso dowladda Ethiopia, Caasimada Online ayaa ogaatay.

 

Sida wararku ay sheegayaan, Puntland ayaa dooneysa in khilaafka ay sheegtay inuu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhigto mid aad u weyn, ayna hesho fursad ay kula gorgorton dowladda Soomaaliya, oo ay ku heshay waxyaabo badan oo maamulada kale ee dalka ka jira aysan xaq u lahayn.

 

Ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Garoowe ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in Puntland ay Ehiopia ka codsatay inay wada xaajood u furto labada dhinac, si loo dhammeeyo khilaafka, ayna usoo dhacsato wax ay ugu yeertay xaqeeda.

 

Si kastaba, dowladda Soomaaliya waa ay diiday qorshaha ceynkaas ah, ayada oo ku adkeystay inuusan jirin khilaaf sidaas u weyn oo u baahan in dalal shisheeye ay kala dhex galaan labada dhinaca.

 

“Dowladda Soomaaliya waxa aay aaminsan tahay inuusan jirin khilaaf weyn. Dastuurka ay Puntland sheegtay in la beddelay waxaa loo saaray guddi, arrinta maamulka gobollada dhexe-na waxa ay Puntland ku diiday waa gardarro, maxaa marka laga wada hadlayaa” ayuu yiri sarkaal ku dhow ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo codsaday inaan la magacaabin.

 

Waxa uu intaas ku daray in dowladduu aysan diidaneyn inay dhageysto qofkii cabasho qaba, balse ay dooneyso in ciddii wax tabaneysa ay Muqdisho timaada, lana dhageysto.

 

“Dowladda waxa ay u aragtaa baaqa wada hadalka Puntland ee Addis-Ababa arrin ay Puntland ku dooneyso inay isla meel dhigto dowladda, oo ay ku hesho ama uga saro marto maamullada kale ee dalka ka jira, taasna lama aqbali karo” ayuu sii raaciyey.

 

“Puntland waxa ay maamushaa 2 gobol iyo bar ka mid ah 18-ka dal ee Soomaaliya, haddaan xisaab ahaan kuu sheego waa 13.8% gobollada Soomaaliya, balse waxay dooneysaa in loola macaamilo sida inay 50% maamusho Soomaaaliya, oo ay dowladda wax la qeybsato” ayuu yiri.

 

“Dhibka ugu weyn ee haysta Puntland waxa uu yahay inaysan xaqiiqda ogeyn maqaamkeeda, ama ay ogtahay balse ay iska indho tireyso, waa inay ogaataa inay 2 gobol iyo qeyb ka mid ah Mudug maamusho, kadib ma dhici doonaan qeylo dhaantan tirade badan” ayuu yiri.

 

Maamulka Puntland ayaa inta badan khilaaf iyo qeylo la daba taagan dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidaan oo kale ay ku sameeyeen madaxweyne Shariif, waxaase ay degeen markii Farmaajo xilka laga qaaday loona dhiibay Cabdi Weli Gaas, taasi oo dad badan iminka ay aaminsan yihiin in waxa Puntland ay u qeylineyso ay jagada Ra’iisul wasaaraha tahay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

^LoL@nafaqada reerka. Sxb There is no one inclusive goverment in Muqdishu. The whole Somali army is from one clan and even most senior officers are from one clan. How is that inclusive? And shamelessly you want the armies embargo to be lifted and financial aid to be provided to onesided so called goverment. Add these to the civil service, their ranks include former mooryaans and checkpoint crooks and yeah that's inclusive goverment.

 

Believe me sxb you can not trick any one, we can read through what Hassan is cooking. In the end, we will have goverment for all or there will be many goverments running the show.

 

Puntland is not taking the country hostage every one who follows somali affairs know who destroyed the country and has been taking this country hostage in the last 24 years. You can not rewrite the history. You know if it was not Puntland Hassan would not be calling himself president today. Puntland had invested heavily in forming inclusive goverment where national concensus is the norm. But Hassan is ruining the efforts of well meaning people to dictate for things he knows nothing about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Most of Somali senior officer are not Hag predominantly others clan , rer Gedo dominate the Somali army when comes to senior officers everyone knows that .....

 

 

Somali army are being recruited from different regions across Somalia , to bad Puntland see itself a different country and do not want to join the effort on rebuilding Somali National.

 

 

So tell me when will the Government of Somalia become all inclusive let me guess when Puntlad gets 50 % share lol

Dad ba been isku shegayooo ....

 

The legacy of SSdf destroyed Somalia the power hungry of rer Garowe .....

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

malistar, niyoow don't lost the plot. Puntland has always been fair niyoow. Puntland is a 1/3 of somalia. we don't want any more our share niyoow. stop spreading propaganda that we are asking for more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this