Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Muga"

Recommended Posts

Guddiga Maamul u Sameynta Gobolada Mudug Iyo Galgaduud oo La Isku Mari Waayay

 

Kulan lugu doonayey in lugu dhiso guddiga dhismaha maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay ayaa isfahan waa ku dhammaaday.

 

Shirkan ayaa ahaa mid lugu doonayey beelaha degga labada gobol ee la doonayo maamulka in loo sameeyey in laga soo dhex xulo xubnaha ka shaqeynaya dhameystirka maamulka, balse qabka wax loo qeybiyey ayaa waxaa ka soo horjestay qaar ka mid ah beelihii ka qeyb-galay.

 

Ergooyinka dhismaha maamulka ayaa kulanka kaga dhawaaqay sida ay beelaha u kala heleen xubnaha ka shaqeynaya dhismaha maamulka, waxaana qeyb-tooda ka saluugay qar ka mid ah beelihii ka qeyb-galay.

 

Guud ahaana 25 xubnood ayey sheegen ergadu inay ka soo shaqeyn doonto dhameystirka maamulka,waxaana beeluhu xubnaha u kala heleen, sida hoose:

 

Beesha **** waxaa ay heshey 15 xubnood.

Beesha **** ee gobolka Galgaduud waxaa ay heleen 3 xubnood.

Beesha **** ee Mudug degta waxaa ay heleen 2 xubnood.

Beesha **** ee Mudug degta waxaa ay heleen 2 xubnood.

Beeshs **** ee Mudug degta waxaa ay heelen 1 xubin.

Beesha **** ee Mudug degta waxaa ay heleen 1 xubin.

Beesha **** ee Mudug degta waxaa ay heelen 1 xubin.

 

Ergadu marka ay shaacisay guddiga markiiba waxaa dhashay buuq badan oo sabab u noqday in shirka la isku fahmi waayo, ugu danbeyna lugu kala kaco.

 

Isfahanwaa inuu shirka ku dhammaado waxaa sabab looga dhigay labo arrimod oo kala ah: in qabaa’ilada ka socday beesha **** ay isaga baxeen shirka iyagoona sheegay inay caddaalada ka fogtahay qabka ay ergadu u qeybisay guddiga maamulka soo dhisaya.

 

Waxaa ay soo jeediyen in hab siman loo dhiso maamulka oo aysan cidna sad buuxsan maadaama la is degmooyin le eg yahay, balse haddii ay taas imin wayday ay ka laaban doonan qorsha maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug lugu dhisayo.

 

Maamulka oo la Rabo in loo Bixiyo MUGA

 

Qodobka labaad ee la isku diiday ayaa ah sida uu noqon doono magaca maamulka gobollada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud,waxaana dhinacyadii shirka ka soo qeyb-galay ay soo bandhigeen ilaa afar magac oo ay koox walba doonayso in maamulka uu yeesho.

 

Ximan iyo Xeeb oo maamusha qeyb ka mid ah dhulka maamulka loo sameynayo,waxaa ay soo jeediyen in magacooda loo bixiyey,sidoo kale maamulka Galmudug oo koonfurta Gaalkacyo ka arrimiya ayaa iyaguna soo jeediyey in Galmudug loo bixiyey maamulka.

 

Kooxda saddexad ayaa iyaguna soo jeediyey in maamulka loogu magacdaro Central State, halka kuwa ugu danbeenaya oo ay dowladda faderaalka la sheegay inay la socotana ay soo jeediyen in loo bixiyey magaca cusub ee ah MUGA oo looga jeedo Mudug iyo Galgaduud.

 

Arrintan ayaa sababtay in shirka la faarujiyo oo lugu kala dareero, balse waxaa la sheegay ergada ku howlan dhismaha maamulka inay wadaan dadaallo lugu doonayo in lugu xaliyo khilafka ka tagan xubnaha maamulka soo dhisaya iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

Isfahan waaga ka taagan dhismaha maamulka ayaa la sheegay inay caqabad weyn nodon doonto,waxaana horay maamulka ugu soo horjestay dowlad Goboleedka Puntland oo ka talisa inta badan gobolka Mudug iyo Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ku sugan.

 

Si kastaba waxaa ay u muuqatana in arrimo badan ay hortaagan-yihiin Mudug iyo Galgaduud inay maamul noqdan,lamana garan karo dhismaha maamulka halka ay ku biyo shuban doonto iyo qabka uu u dhammankaro khilaafadka hareeyey.

 

http://www.ishabaydhaba.com/?p=61751

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isqabqabsigaan ma dhamaanaayo. Maxaa ka qaldan gobol walba oo ka tirsan 18 gobol hore u jiray inay sameystaan baarlamaankooda, "madaxweynahooda" iyo guddoonka baarlamaankooda.

 

Maadaama Soomaali ka dhamaan la' anigana "madaxweyne" i dhaha, marka gobol walba guddoomiyaha gobolkooda ha loogu waco "madaxweyne," hana la siiyo awood xoogahoo dheeraad ah. Taas ayaa ugu sahlan. Waxaan kale la isla daba yaacaayo dhib kale lee keeneysaa, xalin meesha uguma jeedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Isqabqabsigaan ma dhamaanaayo. Maxaa ka qaldan gobol walba oo ka tirsan 18 gobol hore u jiray inay sameystaan baarlamaankooda, "madaxweynahooda" iyo guddoonka baarlamaankooda.

 

Maadaama Soomaali ka dhamaan la' anigana "madaxweyne" i dhaha, marka gobol walba guddoomiyaha gobolkooda ha loogu waco "madaxweyne," hana la siiyo awood xoogahoo dheeraad ah. Taas ayaa ugu sahlan. Waxaan kale la isla daba yaacaayo dhib kale lee keeneysaa, xalin meesha uguma jeedi.

 

Meesha ma nacnac baad ku qaybinaysaa marka aad leedahay, <<ha la siiyo>>?

 

Soomaaliya, nin waliba wuxuu leeyahay Keliya ayuu heli doonaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

We shall not cease from exploration

And the end of all our exploring

Will be to arrive where we started

And know the place for the first time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Not a bad idea Miskin. Why not have 18 federal Presidents. One problem I foresee if this were to ever become a reality is the clan makeup of the existing 18 regions. Some will argue that the 18 state solution is not fair and doesn't give their clan enough representation as-is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Holac, that is the most sensible loogu bixi karo arrimaha jira. I am not into federalism, never believe it is a Soomaaliya's problematic solution, laakiin haddii loogu bixi karo dhibka yaalo, then by all means toban iyo sideeda gobol ha ismaamulaan. Qabiilada isla degana wey kala qeybsan karaan. It is much easier ku kala qeybsadaan awoodahooda than sadex iyo laba la isku geeye israbin.

 

Look at our Kiikuuyo neighbour in Kiinya. Iyagoo waliba kala qowmiyado iyo diimo kala duwan heysto ayee diideen federalism, instead opting out to leave the regions essentially as it was, just subdividing it more to create three or more 'counties' instead of one region. It is essentially unfederalism. They rewrote their constitution and giving more powers to those new counties. It is much, much better, waliba iyagoo kala qowmiyado iyo diimo kala duwan heysto.

 

Anagana we are trying to create more united clan regions in the name of so-called federalism, which would immediately bring more problems than it would solve since there are no clear and defined clan boundaries.

 

Waxaa na heysto since 1990 sheekadii ahayd: Insanity: doing the same thing over and over again and expecting different results.

Share this post


Link to post
Share on other sites
xabad   

<cite>
said:</cite>

Look at our Kiikuuyo neighbour in Kiinya. Iyagoo waliba kala qowmiyado iyo diimo kala duwan heysto ayee diideen federalism, instead opting out to leave the regions essentially as it was, just subdividing it more to create three or more 'counties' instead of one region. It is essentially unfederalism. They rewrote their constitution and giving more powers to those new counties. It is much, much better, waliba iyagoo kala qowmiyado iyo diimo kala duwan heysto.

.

 

 

the subdivided regions aka counties are essentially one tribe even sub tribe. for example nandis a sub tribe of kalenjin has its own county. so your wrong, kenya is slowly devolving away from the centralized state, its not un-federalism.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this