Sign in to follow this  
Saalax

Opposition to make temporary government if Silanyo fails to hold elections

Recommended Posts

Saalax   

Mucaaridka Oo Shaaciyay In Soomaliland Loo Samayn Doono Dawladda Ku Meel Gaadh Ah

 

Siilaanyo

 

 

Hargeysa(OWN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shaaciyey inay xisbiyada mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshaddu samayn doonaan dawlad ku-meel-gaadh ah haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtiga loo qoondeeyey ee badhtamaha sannadka 2015.

 

Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka UCID Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan xisbigooda UCID sinaba u aqbali doonin in wax muddo-kordhin ah loo sameeyo xukuumadda KULMIYE marka la gaadho 26 June 2015 oo ah waqtiga muddada shanta sanno ee la doortay kaga dhammaanayso madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

 

“Haddii doorashaddu waqtigeeda ku dhici weydo waa dhalliil xukuumaddu leedahay, waxaanna imanaysa in aan lagu abaalmarin in loo kordhiyo muddada, balse lagu abaal-mariyo in dalka laga sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo ka kooban mucaaridka iyo ururrada bulshadda si dalkan ay uga dhacdo doorasho, shacabka reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan arrintaas, lana xisaabtamaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo waraysi siiyey idaacadda Radio Hilaac shalay.

 

Waxa kaloo uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aannu ka dhex jirin wax isla xisaabtan ah oo la xidhiidha waajibaadka shaqo ee dadweynaha loo hayo, isagoo xusay in aanay xisbi ahaan aqbali doonin in muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda KULMIYE.

 

“Runtii haddii aannu wax xisaabtan ah jirin sida ka muuqata xukuumadda Siilaanyo, waxaan qabaa in aan loo kordhin wax muddo ah, annaguna ka xisbi ahaan ma aqbali karno muddo-kordhin loo sameeyo, mana jiro xisaabtan la xidhiidha adeegyada ummadda loo hayo, haddii aannu xisaabtan jirina meesha waa la isla lumayaa, nin shaqadiisa qabsan waayeyna waxba loo kordhin maayo. Waa la ogaa inay waajibtahay in doorasho dalka laga qabto. Waa logaa in doorashaddu waqtigaas dhacayso, una mudaysan tahay. Ilaa hadda xukuumaddu golaha sharci-dejinta umay gudbin xeerkii diwaangalinta, waxaanna la oghayahay in diwaangelintu sida qorshuhu yahay dalka ka bilaabmayso bil ka bacdi (bisha September),” ayuu murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID.

 

 

http://oodweynemedia.com/mucaaridka-oo-shaaciyay-in-soomaliland-loo-samayn-doono-dawladda-ku-meel-gaadh-ah/

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Saalax, it is strange a leader goes to a foreign country for vacation, and stays almost four weeks. It couldn't happen anywhere else. You can't go around about your business as a private citizen. Either you are in government business or quick medical check up.

 

When he wa in London, he said " waan caafimaadkaygu wuu wanaagsan yahaye dacayada iga daaya". waa lagaa dayne runta sheeg oo waxaad tidhaa caafimaad ban u imid. halka aad ka leedahay nasasho ayaan u imid".

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Galbeed, he is lying. He went to UK for medical check up, it is a routine thing. Even

when he landed in Hargeisa, journalists were refused to interview him, so there

is something up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cut the old man some slack guys...there is nothing wrong with having a little rest and recuperation before the elections.

 

With that said, I still believe Silaanyo would have earned himself a name if he stood aside and campaigned for a younger, more educated and capable candidate to become the next president of Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this