Sign in to follow this  
malistar2012

Ninkii Fuliyey Weerarkii Madaxtooyada Somalia Xukun Dil Lagu Xukumay

Recommended Posts

Ninkii Fuliyey Weerarkii Madaxtooyada Somalia Xukun Dil Lagu Xukumay

 

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa u fadhiisatay dacwo ciqaabeed loo haystay Dhalinyaro gaareysa Seddex ruux oo ka tirsanaa Alshabaab.

 

 

Maxkamada ayaa waxa ay Seddexda ruux ku xakuntay xukunno isugu jira dil iyo xabsi daa’in, kadib markii Seddexdaasi ruux ay cadeysteen falalkii loo soo xiray.

 

Eedeysanayaasha la xakumay, ayaa waxaa lagu kala magacaaba Xasan Maxamed Xasan (Bustoolad wayne) oo Maleeshiyada u fududeeyay Weerarkii Madaxtooyada, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo Degmada Wadajir ku dilay shaqaale ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada.

Dambiile Aadan Maxamed Xasan waxa uu cadeystay inuu ka dambeeyay dilka 19-qof oo ay ku jireen Maxamed Deeq, Xildhibaan la oran jiray Cabdicasiis, Xaawo Aadan iyo Xafso Cabdi Nuur, Sidoo kale waxa uu qirtay inuu qeyb ka ahaa dilka 13-kale oo isugu jiray shacab iyo ciidan.

 

 

http://youtu.be/ugCQZi5ii88

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay maanta ku toogteen labo nin la sheegay in ay bistoolado ku hubeesnaayeen kuwaa oo gudaha Suuqaasi isla xiligaa ku dilay Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada.

 

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay ku guuleesteen in ay toogasho ku dilaan labo nin uu sheegay in ay Al-Shabaab katirsanaayeen nimankaas oo gudaha Suuqaasi ku dilay sargaal katirsan Ciidanka Dowlada.

 

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dilka askariga kadib in raga hubeesan hubeesnaa ay isku dayeen in uu baxadaan, waxaana halkaasi ka dhacay israsaaseen kooban oo dhax martay Ciidamada Dowlada iyo raga hubeesnaa oo ugu dambeyn goobtaasi lagu toogtay.

 

http://youtu.be/bjZ2Dp6Q1JQ

 

 

Kooxaha hubeesan ee inta badan Dilalka ka geesta Magaalada Muqdisho ayaa inta badan ahaa kuwa ka baxsada goobta ay dilalka ka geestaan , hasa ahaatee tilaabadan ay Ciidamada Dowlada ku toogteen ninka dilka geestay ayaa noqoneysa mid ay ku faani karaan laamaha amaanka ee Dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

toogasho-iskool-boliisiya.jpg

 

 

 

 

 

 

With less then two weeks Somali military court executed dozen Alshaabaab members found guilty of numerous crimes.....

 

?p=23619

 

This man has kept his promises with less then a month in office ......

 

G/sare C/raxmaan Tuuryare “Ruux Alshabaab Ah Gacanteena Kuma Daahayo Hey’adaha Amniga Wa Iney Soo Gudbiyaan”

Published on July 16, 2014 by Mowliid

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya G/sare C/raxmaan Maxamed Tuur Yare, (Cumda)
ayaa sheegay in ruux Al-Shabaab ah oo loo soo gudbiyo gacanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya uusan ku daahi doonin xukunkiisa.

 

Muddo saddex cisho ah ayuu qeexay inay go’aan ugu gaari doonaan ruuxii Al-Shabaab ka tirsan
ee maxkamadda la soo gaarsiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Good job. The demise of another terrorist is most welcome. In order to stabilize the country, Al-shabab terrorists and its financial backers must be brought to justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this