Sign in to follow this  
Mooge

Waagacusub.com - Alshabab did not kill Saado Ali

Recommended Posts

Mooge   

Waagacusub - Laba habeen ka hor ayey Marxuumad Saado Cali Warsame ii sheegtay inay wado olole ay uga soo horjeedo Kiiska badda Somalia ee Madaxweyne Xasan sida sharci darada u saxiixay ,sida ku cad Warqad la soo gelshay Website-ka UN-ka taas oo ka dhigan qiyaano Qaran.

 

Saado Cali Warsame oo aan aaminsanahay inaan ahay qofka kaliya ee xogta nolosheeda ka warqabay ama ay sirteeda u sheegi jirtay waxay igu tiri " Laba ayaan hubaa in la ii dili doono midna waa ka shaki qabaa”?

 

Saado Cali markaan weydiiyay labada ay hubto in loo dili doono waxay igu tiri " Arrinta Badda iyo hees aan dhowr sano ka hor qaaday oo garteedii aan ugu dambeyn ku kala kacnay kuwii iga cabanayay oo Odayaal reerkeeyga u dacwooday.

 

Marxuumada waxaan weydiiyay tan aad ka shaki qabtana maxay tahay ,waxayna iigu jawaabtay "Dhul aan Towfiiq ku leeyahay ayaan dacwadiisa ku jiraa,qoladaasna waa ka shaki qabaa inay waxyeelo iiga timaado.

 

Dabagalkeeyga hordhaca waxaan ku xaqiijiyay in dilka Saado Cali Warsame wax weyn ka ogyihiin Madaxda dalka iyo Saraakiisha Ciidamadda hasse yeeshee waxaa fuliyay dilkeeda rag laga soo abaabulay Hargeysa ee beesha Muqdisho u dhashay.

 

Ma ogi hadii uu jiro heshiis u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dilayaasha Muqdisho kaas oo dhigaya inay sheegtaan wixii ay dilaan balse Al-Shabaab wax luga kuma laheyn dilka Saado Cali Warsame.

 

Kooxda dishay Saado waxaa gaariga u waday nin ilaalo ka ahaan jiray Shirkad ku taal Muqdisho kaas oo ka shaqeeyay Hotel Ambassador ayaamo kooban ,sidoo kalena dilka Saado Cali waxaa loo adeegsaday qoriga loo yaqaan BKM .

 

Al-Shabaab BKM kuma qaadato gudaha Muqdisho,sidoo kalena uma adeegsato weeraradooda sida la wada ogyahay.

 

Halka lagu dilay Saado Cali waa xero Ciidan,kuwa dilay waxay wateen gaari nuuciisu yahay kan ay wadatay oo kale,waxay mudo badan rasaas la dabajoogeen Marxuumada laakiin nasiib daro marna Ciidanka Dowladda uma gurman.

 

Laba saac kadib markii la dilay Saado Cali Warsame waxaan barteeyda Facebook ku qoray magacyada laba ka mida raggii dilay Saado Cali Warsame hasse yeeshee Nabadsugida Dowladda Saraakiil ka tirsan waxay iga codsadeen inaan ka saaro si aysan ragaas u baxsan.

Ma hubo inay dhab tahay in gacan ku dhiigleyaasha la aqoonsaday la soo qaban doono laakiin waa aqbalay inaan jaanis siiyo.

 

Shaki iigama jiro inaan ugu dambeyn faafin doono xog dhameestirin oo ku saabsan kuwii khaarijiyay Marxuumad Saado hasse ahaatee arrinta xanuunka badan waxay tahay in Saraakiishii ugu sareeysay Dowladda Somalia dilayaan waxgalkii Soomaaliyeed halkii looga fadhiyay inay Caasimadda Nabad ka dhigaan.

 

Bulshada Xamar ma tashan,mana rumeeysan in amarka xasuuqa Muqdisho uu yahay mid laga soo bixiyay Hargeysa si taswiir cabsi badan looga bixiyo Caasimadda Muqdisho hasse yeeshee waxaa qofkasta oo Reer Muqdisho ah looga baahan yahay inuu isweydiiyo waxa uu dareemi lahaa hadii qof caana sida Saado Cali una dhashay Xamar lagu dilo Laascaanood ama Hargeysa?

 

Ceebta iyo magac xumada waxaa reer Muqdisho astaan uga dhigay waa dad tira yar oo caada qaatayaala iyo Madax aan damiir Somalinimo laheyn sidaas darteed waxaa muhiima inay tashadaan.

 

Agaasimaha cusub ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia ninka loo magacaabay Mr Sanbaloolshe wuxuu kulan la yeeshay Odayaasha beesha Hawiye wuxuuna ku yiri " Hadaadan ka fiirsana waxaad faleeysaa dhiiga Odayaal iyo Xildhibaano badan Muqdisho waa qulquli doonaa”

 

Odayaasha uu kelmadahaas foosha xun ku yiri waxaa ka mida Abdullahi Geedi Shadoor,Ugaas Abdi Dahir Cagajabeey iyo Mohamed Hassan Xaad sidaas darteed taasi miyaaney aheyn mid Maxkamad lagu saari karo?

 

Hadii hanjaabada nuucaasa laga aamuso sow ma dhaceyso in maalin walba mid la dilo iyadoo la sii ogyahay inay Al-Shabaab sheegan doonaan.

 

Dadka lagu dilayo Muqdisho waa qaar Nabadsugida Ethiopia dilaan,waa qaar Kooxda Amniyaatka ruuxaanta ee Damujadiid dilaan,waa qaar Al-Shabaab dilaan ,waa qaar si toosa dilkooda looga soo amro Hargeysa hadana iyadoo la ogyahay laga aamuso.

 

Hadal iyo dhamaantii dhalinyarada laga soo diray Hargeysa iyo Burco kii ugu horeeyay Muqdisho ayuu ka soo muuqan doonaa saacado gudahood,intaan xog ku helay inshaa allaah?

 

By Dahir Alasow

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

There are indications that this may not be Al-shbaab. Al-shabaab killers always avoid the risk of being captured or their " horjoogayaal implicated, so they murder people in quite way, or a manner which guarantees escape.

 

Here, early reports indicate, the Car the " Marxuumada" was riding was chased few blocks before they sprayed with high number of bullets.

also, they committed the murder in a zone full of government soldiers and other security apparatus that guard the big Hotels. It was a brazen attack.

 

I don't know about Dahir Calasow saying that he knows the names of the killers. If it true then after few days he must publish, so the public can see their names.

 

Insecurity breads too many problems. A friend was telling me that every premeditated crime in the city is attributed to Al-shabaab, and these " xaaraamiin" liars will claim regardless.

 

When security deteriorates, every one will take advantage including foreign agents.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Now Daahir Ulusow is using the Somaliland as a scape goat and excuse for the insecurity in Mogadishu and so is basically urging his HAG clan to massacre the few young men and women from the Duriyada clan living and working in Mogadishu!!

What a shameless man. He should be telling the Mogadishawis to watch out for the terrorists and assassins and work with the security forces instead of trying to instigate a repeat of the 1991 massacre in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

What a shameless man. He should be telling the Mogadishawis to watch out for the terrorists and assassins and work with the security forces instead of trying to instigate a repeat of the 1991 massacre in Mogadishu.

 

Daahir Alas is a clanist demagogue always blaming someone else for the problems at his doorstep.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this