Sign in to follow this  
Isbarmuuto

cabdi wali finds out nobody in puntland is working after surprise visit

Recommended Posts

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa saaka amakaag iyo dhabano hays kala kulmay inta badan xafiisyada wasaarada ee magaalada Garowe ka dib kormeer aan horey loo shaacin uu ku tagay Madaxweynuhu.

 

Xarumaha Wasaaradaha uu ka dul dhacay Madaxweyne Gaas ayaa intooda badan ku yaala dhismihii horre ee la oran jirey xarunta Dalxiiska , waxaana ka mid ahaa Wasaarada Amniga, Warfaafinta, Qorsheynta, Haweenka iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.

 

Sida ka muuqatay dareenka Madaxweyne Gaas uu kala kulmay xafiisyadaas ma ahan mid wanaagsan, waxaana mar qura wajigiisa soo fuushay caro xoogan ka dib markii uu inta badan wasaaradaha uu tagay aysan ku sugnayn masuuliyiinta wasiirada iyo agaasimayaasha guud marka laga reebo wasaarada Amniga oo uu joogay xilligaas Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore.

 

Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah Xafiisyada Wasaaradaha uu kormeerayay oo qaarkood todobaadyo ka hor lagu ilaaway Quful ay dul saareen masuuliyiintii ka howl-galaysay iskaba daa in loo soo shaqo tago , halka kuwana uu ugu tagay mid mid ka mid ah shaqaalaha sida Waardiyayaasha uuna ka xog wareystey qaabka shaqada xafiisyada .

 

Kormeerka Mudane Gaas uu ku tagay xarumaha Wasaaradaha ayaa imaanaya xilli ay ku fashilmeen inta badan golaha Xukuumadiisa shaqada loo igmaday sidoo kalena ay maalin maalinta ka danbaysa soo xoogeysanayaan dhaliilaha iyo eedeymaha ku dhacaya wax-qabadka Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas.

 

 

Lama garan karo jawaabta uu ka bixin doono Madaxweyne Gaas qaabka shaqo ee uu kusoo arkay maanta xarumaha wasaaradaha, kuwaas oo u muuqday goobo waayo horre lagu kala guurey oo aanan cidina usoo shaqo tagin.

 

11.png

 

vlcsnap-2014-07-05-11h20m00s1212.png

 

IMG_0943.jpg

 

vlcsnap-2014-07-05-11h18m27s24222.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this